(Filimkii shirkana hoos ka daawo)- Shir ay ay soo qaban qaabisay Jaaliyadda Soomaalidda Ogaadeenya Gobolka Eastern Cap, faraca ileys oo aad u heer sareeya ayaa lagu qabtay hall weyn oo ku yaala magaalada. Shirka oo uu gudominayay halgame Xassan Cabdi Nuur (Xassan Qubbi), ayaa ugu horayn lagu furay wacdi diinin ah oo uu jeediyay Ilahay ajar & xasanad ha ka siiye Sheekh Maxamed Nadiir oo ka mida culumada ugu caansan wadanka South Afrika. Sheekha ayaa ku dheeraaday in midnimada walalah islaamka ah la xoojiyo iyo faa’iidada ay leedahay ismaqalka iyo kala dambaynta isagoo sheekhu yidhi; “ Halganka Ogadeniya ka socda wuxuu u baahn yahay in loo midoobo loona istaago.
”
Shirka waxaa ka soo qeyb galey madax u dhalatay dalka South African oo ka kala socday ururuda SABS, ANC , SANCO. Waxaa lagu soo dhawey madaxa ANC ee magalada Eastn Londan mudane Ondala oo ah halgamaa caan ka ah South Africa, waana ragii soo qaaday qoriga. Masuulkan ayaa ku bilaabay hadladiisii ereyo qiiro leh oo xamaasadeeysan. Wuxuu ku bilaabay; “Ogadeniya VIVA .. Ogadeniya ha xoroowdo – Ogadeniya hanoolaato.”
Masuulkan oo ah nin siyaasi halgamaa ah ayaa ka dhargsanaan qadiyadda iyo xaalada Ogadeniya iyo dhibatada ka jirta wadanka. Wuxuu yidhi; “Ogadeniya xaaladda ka jirta waa mid aan cidana iiga sheekeyneynin. Waa xaalad gumaysi, waanan soo marnay” ayuu yidhi; “Xanuun keedana waan garan.”

Wuxuu ku dheeraday halgankii ANC isagoo yidhi waxaan soo marnay dagal culus. “.. Gumaysigu wuxu noogu yeedhi jiray erayo xun xun ama kolba magaca ugu liita, halka shacabku ay noo yaqaaneen xidgaha ama halyayada wadanka.”
Ka dib waxaa lagu soo dhaweeyey madax SANCO oo ah urur bulsheed oo isaguna yidhi; “Shacabka Somalida Ogadeniya dhibaatada haysata waa in aan laga qarsan indhaha.” Wuxuuna ku booriyey madaxdii ANC inay hawshan ka seexan kana hawl galaan maadama oy yahiin urur siyaasadeed.
Waxaa isagana lagu soo dhaweeyey Jobavo oo ah duqa magaalada oo isaguna yidhi maamul ahaan waanu idin garb taaganahay. Ururdan ka soo qeyb galay shirka ayaa ah lamo ka baxay ururka weyn ee ANC.
Sacab ayaa lagu sagootiyey madaxdii South African-ka ahayd ee shirka kala soo qaybgalay jaaliyadda.
Intaa ka dib ayaa waxaa lagu soo dhaweye gudomiyaha Jaaliyadda Somaliyeed ee Koonfur Afrika (SASA) Macalin Cabdullahi Cabdi oo bulshoweynta Soomaliyeed ugu baaqay in ay hiil & hooba siiyan halganka aan gorgortanka galayn ee Ogaadeenya ka socda isagoo sheegay in Soomaaliya oo dawlad noqota ay ku xidhantahay Ogaadeenya oo xorowda.
Gudoomiyahan oo la dhihi karo waa hogaamiye caafimad qaba ayaa warbixin dheer oo ku baxaysay luuqadaha engilshka iyo kan hawsahaba kaga waramay halganka ka socda Ogadeniya.
Waxaa dadkii shirka isugu yimid aad ugu guubaabiyay Nabad doon Daahir Carte inay ilaaliyaan wada jirka & midnimada oy marwalba u hiiliyaan shacabka dulman ee dhulkoodii lagu gumaadayo. Nabad doon Carte wuxuu dadkii madasha isugu yimid ku dhiiri galiyay in ay dadaalkooda laban laabaan kuna dhaganaadaan mabda’ooda gobanimo doonka ah. Wuxuna ka codsaday walaalaha Soomaliyeed meel ay joogaanba inay halganka ka socda Ogadenya naf iyo maalba la garb istaagaan.
Waxaa madasha hadal qiiro wadaniyadeed xanbaarsanaa ka jediyay Mudane Xassan Eelay oo ka soo jeeda gobolka Bay, wuxuuna aad u dhaliilay kaalinta ay Soomaaliweyn ka ciyaartay halganka Ogaadeenya lagu xoraynayo. Wuxuu shegay in wax laga xishoodo ay tahay kuwa dubka Soomaalidda sheeganaya ee cadawga Soomaaliyeed ka gadanaya walaalahoda. Mudane Xassan ayaa ka digay cawaaqib xumada ay leedahay shacabka Soomalaidda Ogaadeenya ee cadowag loo garbo duubayo dhiigoodana Itoobiya lagu raali galinayo.
Waxaa asaguna goobta ka hadalay Nabadoon Jacfar Diriye oo si xamasadeeysan uga hadlay xalada Ogadeniya wuxuna yidhi; “Somalida dhiibta shacabka Somaliyeed ee Ogadeniya ee Somalida gata oo ka baayac mushtara waanu ka xunahay, waxaana garab taaganahay halganka ay hormuudka u tahay jabhadda ONLF, waanuna tageeri jira kolka laga reebo in yaroo dhuuni qaatayaal ah.”
Mudane Mahamed Shariif oo ah ka mid ah masuuliinta sare ee ururka ayaa khadka telefanka soo galay waxana lagu soo dhaweeyay sacab iyo sawaxan, waxaana wada shaqadhay kuraasta hallka.
Mudane Maxamed shariif wuxuu ku bilaabay salaanta islaamika ka dibna warbixin dheer oo meela badan taabatay ayuu ka xogwaramay.Wuxuu hadalka ku bilaabay in xiliga Ogadeniya ay tahay Jiilaal laakiinse abaari kama jirto hada. Ka dib wuxuu ka xogwaramay xaaladda halganka gudaha ka socda iyo kuwa dibadda. Wuxuu kaloo ka waramay jahawareerka haysta gumaysiga oo dhamaan qorshayaalkii uu ku talagalay ay wada fashilmeen.
Dadwenihii kulanka ka qayb galay ayaa Mudane Maxamed Shafiir su’aalo waydiiyay uu dhamaan uga jawaabay si aad loogu maqsuuday oo hufan. Arimaha uu soida fiican uga xogwaramay waxaa ka mid ahaa wadahadaladii horey u soo dhex maray ONLF iyo xukuumadda Itobiya gaar ahaan ururka TPLF, isagoo hoosta ka xariiqay in mabaadiida wadahadalka ee jabhada u yahay mid marwalba u furan xukuumada Adhisababa oo ay jabhada ONLF diyaar u tahay ilaa hadana ay ka warwareegayso Itoobiy inay soo fadhiisato wadahadal dhab ah oo soo afjara dagaalada mudada dheer soo taxnaa.
Marna sameen mayso ONLF wax aan dan u ahayn qadiyadda shacabka, mana dhicayso wax ka hooseeya aay-ka-tashi dhab ah inay ogolaato jabhadda.

Shirka oo mudda dheer socday ayaa guud ahaan magalada laga dareemayey jawiga fiican ee shirka uu ku socday, waxaana la soo xidhay ganacsiga magalda ku yaalay ee Somalida iyadoo meela badan iyo meherdaha ay ka bibanayeen calanka shacabka S.Ogadenya.
Cumar Jigjga/ONA.
(Watch the video of the conference below)- A very high-level conference organised by the Ogadenia Somali Community of Eastern Cape Province, East London branch, was held in a large hall in the city. The conference, chaired by freedom fighter Xassan Cabdi Nuur (Xassan Qubbi), was opened with a religious sermon delivered by Sheekh Maxamed Nadiir, may God grant him reward and blessings, one of the most renowned scholars in South Africa. The Sheikh spoke at length about strengthening the unity of Muslim brothers and the benefit of mutual understanding and order, saying: "The struggle taking place in Ogadenia needs people to unite behind it and stand by it.
"
The conference was attended by South African-born leaders from the organisations SABS, ANC and SANCO. The ANC leader of the city of East London, Mr Ondala, who is a well-known freedom fighter in South Africa and one of the men who took up arms, was welcomed to the stage. This official began his speech with emotional and passionate words. He began: "Ogadenia VIVA .. Let Ogadenia be free - Long live Ogadenia." This official, a politician and freedom fighter, is well informed about the cause and situation of Ogadenia and the hardship in the country. He said: "The situation in Ogadenia is not something anyone needs to tell me about. It is a situation of colonialism, and we have been through it," he said; "We know its pain."
He spoke at length about the ANC's struggle, saying we went through a heavy war. ".. The colonisers used to call us very bad words or whatever was the worst name at the time, while the people knew us as the stars or the heroes of the country."
Afterwards, the leader of SANCO, a social organisation, was welcomed, and he also said: "The suffering facing the Somali people of Ogadenia must not be hidden from view." He urged the ANC leaders not to sleep on this task and to work on it, since they are a political organisation.
Jobavo, the mayor of the city, was also welcomed, and he said that as an administration, we stand by your side. The organisations that attended the conference are branches of the larger ANC organisation.
The South African leaders who attended the community's conference were seen off with applause.
After that, the chairman of the Somali Association of South Africa (SASA), Macalin Cabdullahi Cabdi, was welcomed. He called on the Somali community at large to give full support to the uncompromising struggle taking place in Ogadenia, saying that Somalia becoming a state depends on Ogadenia becoming free.
This chairman, who can be described as a healthy leader, gave a long report in English and Hausa about the struggle taking place in Ogadenia.
Traditional peace elder Daahir Carte strongly encouraged the people gathered at the conference to preserve solidarity and unity and to always support the oppressed people whose land is being destroyed. Peace elder Carte encouraged the people gathered at the venue to redouble their efforts and hold fast to their principle of seeking freedom. He also asked Somali brothers wherever they are to stand by the struggle taking place in Ogadenia with their lives and wealth.
A speech filled with patriotic emotion was delivered at the venue by Mr Xassan Eelay, who hails from the Bay region, and he strongly criticised the role Greater Somalia has played in the struggle to liberate Ogadenia. He said that those who claim the Somali skin and sell their brothers to the enemy of the Somalis are something to be ashamed of. Mr Xassan warned of the dire consequences for the Somali people of Ogadenia, against whom the enemy is being aided and with whose blood Ethiopia is being appeased.
Peace elder Jacfar Diriye also spoke at the venue, speaking passionately about the situation in Ogadenia, and he said: "We are saddened by the Somalis who hand over the Somali people of Ogadenia, the Somalis who sell them and trade in them, and we stand by the struggle led by the ONLF front, and we will continue to support it, with the exception of a few opportunists."
Mr Mahamed Shariif, one of the senior officials of the organisation, joined by telephone and was welcomed with applause and cheering, and the seats of the hall shook.
Mr Maxamed Shariif began with the Islamic greeting and then gave a long report touching on many areas. He began his speech by saying that it is currently the Jiilaal (dry) season in Ogadenia, but there is no drought at present. He then spoke about the state of the struggle taking place inside and outside. He also spoke about the confusion facing the colonisers, all of whose planned schemes have failed.
The public who attended the meeting asked Mr Maxamed Shafiir questions, all of which he answered in a very satisfactory and clear manner. Among the issues he spoke about well were the talks that previously took place between the ONLF and the Ethiopian government, particularly the TPLF organisation, underlining that the front's principle on talks is one that is always open to the Addis Ababa government, which the ONLF front is ready for, while Ethiopia is still hesitating to sit down for genuine talks that would end the long-running wars.
The ONLF will never do anything that is not in the interest of the people's cause, and the front will not accept anything less than genuine self-determination.
The conference, which lasted a long time, was felt across the city through the good atmosphere in which it took place, and the Somali businesses in the city were closed, while the flag of the people of Somali Ogadenia was flying in many places and businesses.
Cumar Jigjga/ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
