Opens in a new tab

Madaxwaynaha Xasan Sheekh oo QM ka Codsaday in Xayiraada Hubka Somaliya laga Qaado.

ONA21 April 2016
Read in English

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiyay xaaladda siyaasadda , amniga iyo arrimaha kalee dhinaca horumarka ee Soomaaliya kasocda. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kusoo qaatey cunna- qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxaana uu dalbadey in la qaado xayiraadaas taasoo uu sheegay inay caqabad kutahay dhismaha ciidanka Soomaaliya.

” Waxaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsanayaa in Soomaaliya gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran si aan u xoojino awoodda ciidankeena, argagixisadana looga sifeeyo Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika…” ayuu yidhi.

Madaxweyna Xasan ayaa sidoo kale ka dalbadey Golaha Ammaanka in dib u eegis lagu sameeyo awoodda iyo hawlaha Guddiga Kormeerka Qaramada Midoobay ee (Monitoring Group), kaasoo qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea, maadaama xilligii lasameeyay guddigaasi iyo xaaladda iminka kajirta Soomaaliya ay kala duwanyihiin.

Muddooyinkii dambe Dowladda Federaalka ayaa abaabuleysey mudaaharaadyo, kulamo iyo qoraalo looga soo horjeedo Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Ereteeriya, kuwaasoo dhawaan liis ay soo saareen ay ku jireen qaar ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

ONA

La wadaag