Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in 30kii-03-2012 lagu soo rogay bandow kaas oo hakiyay isu socodkii guud, waxaana xidhmay dhamaan goobihii adeega gaar ahaan ganacsigii.
Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in dadka ka imaanaya magaalada dibadeeda iyo dad badan oo laga qabqabtay gudaha magaaladaba loo taxaabay xabsiyada iydoo ay hada buux dhaafeen goobaha uu gumaysigu u samaystay inuu ku ciqaabo shacbiga dulman.
Arintan ayaa si wayn u taabatay nolosha guud ee deegaanka oo awalba ahaa mid aad u liita, Miyi iyo Magaalo labadaba mana jirto cid soo gasha oo dib uga noqotay magaalada mudadii lagu jiray xaaladan dagdaga ah.
Waxaa kale oo la sheegayaa in xaaladan ay ku keentay dadkii Baadiyaha ahaa dhibaato gaar ah oo sababtay In xoolo badan fakadeen ka dib markii dadkii xanaanayn jiray loo taxaabay xabsiga.
Wararkan nagasoo gaadhay magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in xaalada guud ee magaalada aan hada la sadaalinkarin, waxa shaki badan laga muujinyaa in arimahan ay keenaan xasuuq iyi tacadiyo kale oo baahsan.
lama oga ilaa hada tirada rasmiga ah ee ku sugan jeelasha cadawga ee magaalada Dhagaxbuur, sidoo kale ayaan la ogayn inta ay sii socon doonto xaaladan dagdaga ah
Bulaale
Dhinaca kale 30/3/12 ayaa waxaa ceelka bulaale lagu dilay alle ha u naxariistee maxamed sheikh cabdi waxaa kale oo aan ilaa hada la hayn meel uu ku danbeeyay nin la socday marxuumkaa oo lala qabtay , nikaas la layahay ayaa magiisa lagu sheegay fadxi cabdulaahi lacag
Waxaa kale oo jira dad kale oo lagu xidhxidhay meelo kale waxaana ka mid ah
24/3/12 waxaa lagu xidhay magaalada dhagaxmadow
Saynaba axmed daahir
23/3/12 waxaa lagu xidhay magaalada Garbo
Yuusuf sacdi geedi
Ubax xasan raabi
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

