Habeenkii xalay oo ay taariikhdu ahayd 24/3/12 Hawlagal si gaara loo qorsheeyay oo loogu talagalay in gacanta lagu soo dhigo qaar ka mid ah cadawga halganka ayaa laga fuliyay magaalada Qabri dahar ee xarunta Gobolka Qoraxay.
Wararka aan goor-dhaweyda ka helay Xarunta Dhexe ayaa nooloogu xaqiijiyay in qorshahan uu u fulay sidii loogu talagay, islamarkaana gurmad ay soo sameeyeen ciidamada cadawgu ka dib markii ay ka baxeen magaalada ciidamadii JWXO magaalada in isagiina lagu fashiliyay duleedka magaalada.
Canaasirtii la soo qabqabtay oo tiradooda ay gaadhayso 15 xubnood ayaa lagu hayaa meelo gaar ah oo ilaa hada su’aalo lagu waydiinayaa xarunta taliska Qaybta Danab.
Dhaqdhaqaaqa CWXO ee gudaha magaalooyinka waawayn ayaa sii kordhay iyadoo habeen hore ay ahayd markii Qaybta Duufaan ay dagaalada xoogan ka fuliyeen xeryaha ku yaala magaalada dhagaxbuur dagaalo mir ah oo isdaba jooga ah.
Maalintii shalay oo ay taariikhdu 23/3/12 ayaa Cidamada Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay kamiin u galeen kolanyo gaadiid ah oo maraysay inta u dhaxaysa Galaaalshe iyo Goray. Warka laga helayo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegayaa in khaasre lixaad leh oo isugu jira dhimasho ,dhaawac ,iyo burbur gaadiidba uu ka soo gaadhay cadawga halkaasi ,waxaana dadkaasi cadeeyeen in ilaa iyo manta ay oo ay bishu 24/3/12 ciidankii cadawgu ku sugan yihiin goobtii lagu weeraray islamrkaana ay ku hawlan yihiin aasitaanka ciidankii laga laayay,mana jiro ilaa hada wax gurmad ah oo soo gaadhay ciidanka cadawga
dhinaca kale waxaa jira dagaalo kale oo ka kala dhacay mudadii u dhaxay 15-19/3/12 deegaanada kala ah Tayaag oo ka tirsan Dhagaxmadaw,Barmiilka ,Dharkaynlay oo ka tirsan Dhagaxbuur,Kari- cagaag,oo ka tirsan Garbo ,Malayko, Haarcad dagaaladaas waxaa cadawga lagaga dilay 12 askari waxaana lagaga dhaawacay 15 askari oo kale, waxaana ciidanka cadawga lagaga furtay hub iyo saanad ciidan oo akla duwan
wararkan iyo wixii ka soo kordhaba waxaan ku faahfaahin doonaa qoraaladeena danbe.
Halkanna waa heestii Wacad
ONA.
Last night, dated 24/3/12, a specially planned operation intended to capture some of the enemies of the struggle was carried out in the town of Qabri dahar, the capital of Qoraxay Region.
Reports we received a short while ago from the Central Headquarters confirmed to us that the plan was carried out as intended. They also said that a relief force sent by the enemy troops, after the ONLF forces had left the town, was likewise defeated on the outskirts of the town.
The captured elements, numbering 15, are being held in special locations and are still being questioned at the command headquarters of the Danab Unit.
The activity of the ONLF forces inside the major towns has continued to increase. The night before last, the Duufaan Unit carried out a series of heavy, back-to-back battles against the camps located in the town of Dhagaxbuur.
Yesterday, dated 23/3/12, the Ogaden National Liberation Forces ambushed a convoy of vehicles travelling between Galaaalshe and Goray. Reports from eyewitnesses say the enemy suffered heavy losses there, including deaths, injuries and destroyed vehicles. The same people confirmed that as of today, the 24th of the month (24/3/12), the enemy troops remain at the site where they were attacked and are busy burying the soldiers who were killed, and that so far no reinforcements have reached the enemy troops.
On the other hand, there were other battles between 15 and 19/3/12 in various areas: Tayaag in Dhagaxmadaw, Barmiilka and Dharkaynlay in Dhagaxbuur, Kari-cagaag in Garbo, Malayko, and Haarcad. In those battles, 12 enemy soldiers were killed and another 15 were wounded, and various weapons and military supplies were seized from the enemy troops.
We will provide details of these reports and any further developments in our upcoming articles.
And here is the song Wacad
https://www.youtube.com/watch?v=xMICo6cmHrA
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
