Qaramada Midoway oo dhaleecaysay Taliska Ethiopia waxayna ku eedeyeen in taliskaas uu sharciga la dagaalanka Argagaxisada u adeegsaday sidii uu ula daggaali lahaa xoriyada qowlka iyaga oo xidh xidhay suxufiyiin iyo xubnaha mucaaradka Itoobiya.
Suxufiyiinta lama horkeeni karo maxkamad lagu baadhayo shaqadooda iskaba daa in xabsi lagu xukumo Waxa sidaas yiri Frank La Rue Eergayga khaaska ah ee u qaabilsan UN-ta Xuquuqul Insaanka xoriyada qowlka.
Hadaba Cadaadiska soo foodsarey taliska Zenawi ee la xidhiidha xidhayga suxufiyiinta iyo mucaaradka ayaa isasoo tarayay kadib markii dhulka Somalida Ogadeniya laga soo qabtay labawariye oo u dhashay wadanka Sweden. Waxaana haayado xuquuql insaan oo ay kamid yihiin Human Right Watch iyo Amnesty International ay soo shaac saareen foolxumada taliska TPLF ee mudada badan ree galbeedku qarinayeen.
Waxana si badheedh ah Males Zenawi ula hadlay Midowga Europe iyo wadanka Mareykanka oo u sheegay inaysan u dul qaadan karin intaas ka badan haddii uusan Zenawi sida ugu dhaqso badan isbadal ugu sameyn xeerarakan uu sameystay ee cabudhiska ah. Waxaana Wadanka Ethiopia booqasho ku tagay wafti heersare ah oo ka socda wadanka Sweden.
Zenawi oo ka jawabaya cadaadiska Wadamada Ree Galbeedka ayaa markii ugu horeysay kagahadlay kulanka Baarlamaankiisa waxa uuna sheegay innuu cafis siinayo Wariyaasha Sweden iyo Mucaaradka u xidhan.
Haddaba dadka siyaasada Geeska Afrika indho indheeya ayaa sheegaya in Zenawi ku qasbanyahay innuu siidaayo wariyaashaas, Waxa kaliya uu u heysatana ay tahay innuu raad gooyo ku sameeyo inaysan wariyaashaas sidii New York Times uga hadlin fagaaraha caalamka. Midaas oo u suurtobiweysay kadib markii xukunkoodi sii abuuray mowjad kale oo caalamka kusoo jeedisay zenawi.
Wadanka Ethiopia waa wadanka saddexaad (3aad) ee caalamka qaata mucawamada ugu badan, waxaana mucawamadaas siiya wadamada Ree galbeedka oo ay ugu horeyaan USA iyo UK iyo wadamo ka tirsan EU. Sanadkii 2009 waxa ay heleen sanadkaas kaliya kaalmo dhan $3.8 Billion oo lacagta dollarka ah. deeqdaas ayaa waxa haayadaha xuquuql insaanku ku sheegeen in Zenawi u adeegsado Ciidankiisa iyo danaha siyaasada TPLF.
Waxa ay taagantahay in Zenawi waayo deeqdaas oo waqtigiisuna gabalkiisu u dhaco iyo innuu oggolado innuu siidayndoono dhamaanba dadka mucaaradka ah ee u xidhan iyo waliba suxufiyiinta. Waxa kale oo warar hoose sheegayaan in lagu qasbayo Zenawi innuu oggalado Guddi xaqiiq raadis ah oo kasoo xogwarama Ogadeniya iyada oo ONA ay soo gaadheen xogag sheegaya in meelo kamid ah Ogadeniya si gooni ah diirada loo saarayo goobahaas oo lagu sheegay goobaha shidaalka Laga helay oo ah goobo tacadiyadu ku badanyihiin.
ONA
The United Nations has criticised the Ethiopian regime, accusing it of using the anti-terrorism law to fight freedom of expression by arresting journalists and members of the Ethiopian opposition.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

