
Waxay ahayd dhacdo aad looga murugoodo mashaqada ka dhacday Xamar shalay ee tobanaanka qof een waxba galabsan ay qaarna ku dhinteen qaar kaloo badanna ku waayeen qaybo ka mid ah jidhkooda. Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay cambaareynaysaa fal-dambiyeedkaa, waxayna ugu baaqaysaa shacabka Somaliyeed inay u midoobaan cadawgooda dibadda iyo midka u adeegaya ee gudaha u fadhiya ee fulinaya dambiyada uusan ka raali noqon karin Ilaahay iyo diintiisa qof xeerinaya.
Hadaan ka soo qaadno in kooxaha ka dhex muuqda Somaliya ee ku dagaalamaya ha ahaadeen xukuumadda Sh Shariif oo ka soo faliidhantay Maxakamadaha ama Shabaabka ama kuwa leh waxaa nahay Sunna Wal Jamaaca (SWJ) hadaan ka soo qaadno inay yihiin kooxo diineed oo mid walba leh anagaa islaamnimadii haysana, maxaa u diiday hadday dagaalamayaan xataa inay ku dhaqmaan dardaadarankii Rasuulka CS ee ku salaysanaa akhlaaqda dagaalka? Rasuulka CS miyaanu ka dardaamin in aan la dilin xubnaha mujtamaca een dagaalka ku jirin sida dumarka, caruurta, kuwan diinta u go’ay, xataa beeralayda.
ففي حديث للرسول(ص) يقول: (لا تغلوا ولا تمثلوا ولا تغدروا شيخاً فانياً ولا صبياً ولا امرأة
Shaki kuma jiro kooxahan ku dagaalamaya Somaliya inay akhriyeen axaadiithta Rasuulka CS ee arimahaa ku saabsan, hasa ahaatee ujeedo aan diin iyo dal toona shaqa ku lahayn ayaa Somaliya ka socota, wayna ogsoon yihiin inay arintu sidaa tahay. Hasa ahaatee kooxahan iska soo horjeeda ee midwalba leh anigaa islaamka matala waxay la mid noqdeen kuwuu Ilaahay ku tilmaamay dameer kutubo xambaarsan (كمثل الحمار يحمل أسفارا) , waxayna u raran yihiin cadawgii umadda Somaliyeed.
Dagaal haduu joogsan waayo waxaa la baadhaa cidda danta ka leh dagaalka. Miyuu jiraa maanta qof Somali ah oo doonaya dagaalkan sokeeye inuusan soo afjarmin? Jawaabta waa Maya, haduuba jirose (oo dhici karta) waa mid u kiraysan quwado shisheeye oo dan gaar ah ka leh burburka Somaliya. Sidaa darteed in lagu mashquulo kooxahaa aan soo tilmaanay oo laga codsado inay dagaalka dhexdooda ah joojiyaan oy shacabka masaakiinta ah u turaan, waxay la mid tahay qof Damiir kutub lagu raray weydiinaya masala diini ah.
Arinta uu caalamka wada ogsoon yahay maanta waa damaca Itobiya ay ka leedahay Somaliya oo aanay qarsanaynin. Si Itobiya u gaadho hadafkeeda ah in laga waayo khariidada caalamka wax la yidhaahdo –Somali Republic- waxay adeegsanaysaa siyaasadii isticmaariga ee ahayd –Qaybi oo xukun (Divide to Rule). Umaba baahna caqli badan iyo aqoon siyaasadeed inuu leeyahay qofka doonaya inuu ogaado siyaasadda Itobiya ee ku aadan Somaliya. Laga soo bilaabo maalintuu Col. Cabdulaahi Yusuf u cararay Itobiya ee Mingisto uu ku soo dhaweeyay Adisababa ilaa maanta arimaha Somliya waxaa maamula oo gacanta ku haya sirdoonka Itobiya. Hadafka ugu dambeeyana waa midkaa aan soo sheegnay ee ah in aanay Jamhuuriyad Somaliyeed dib dambe u dhalan. Laba mid umbay Itobiya ku qancaysaa. Inay gabi ahaan Somaliya la wareegto oo lagu daro khariidada Itobiya marka caalamka uu ka quusto arimaha Somaliya iyo inay ka samayso 5 ama 6 maamul goboleed (Kilil), oo mid walba ay Itobiya maamusho.
Waxaa laga yaabaa inuu qof yidhaahdo, waan garanay inay Itobiya samaysay oy maamusho xukuumadda KMG ee Sh. Shariif, kooxda SWJ, maamulada SL iyo PL iyo kuwa kalee ku hoos naban, laakiin shabaabka oon ogsoonahay dagaalkii dhex maray iyaga iyo Itobiya iyo cadaawadda ka dhexeysa miyaan odhan karnaa danaha Itobiya ayay ka shaqaynayaan. Jawaabta oo kooban waxaa weeye midka sida tooska ah ugu xidhan ee la ogsoonyahay inuu yahay camiil u shaqeeya cadawga ayaa ka dhow oo arintiisa la xallin karaa midka isagoon ogsoonayn u fulinaya cadawga danihiisa. Waxaa la sheegaa waagii ay SSDF la dagaalamayeen ciidanka Somaliya inuu taliyihii watay ciidanka SSDF damcay inuu waribixin siiyo sargaalkii Itobiya ee qaabilsanaa arimahooda. Markuu yidhi intaas ayaan ka dilnay cadawga anagana intaa ayaa naga (shihiiday) ayuu Amxarkii ku yidhi isku daroo imisa dhimatay maanta?
Laba dhibaato ayuu gaystay falkii Muqdisha ka dhacay shalay.
1- dad shacab ah oon waxba galabsan ayaa lagu baabi’yay.
2- magac islaam ayaana loo adeegsaday dambigaa taasoo sharaf dhac ku ah magaca Islaamka.
ONA.
The tragedy that took place in Xamar yesterday was a deeply saddening event, in which dozens of innocent people were killed and many others lost parts of their bodies. The Ogaden National Liberation Front (ONLF) condemns this criminal act, and calls on the Somali people to unite against their external enemy and the one serving it from within, who is carrying out crimes that neither God nor any person who respects His religion could approve of.
If we assume that the groups visible in Somalia that are fighting, whether the government of Sh Shariif, which sprang from the Courts, or the Shabaab, or those who say "we are Sunna Wal Jamaaca (SWJ)," if we assume that they are religious groups, each claiming "we are the ones who hold true Islam," what has prevented them, even when they fight, from at least acting according to the instructions of the Prophet (PBUH), which were based on the ethics of war? Did the Prophet (PBUH) not instruct that members of society who are not involved in the fighting must not be killed, such as women, children, those devoted to religion, and even farmers?
ففي حديث للرسول(ص) يقول: (لا تغلوا ولا تمثلوا ولا تغدروا شيخاً فانياً ولا صبياً ولا امرأة
There is no doubt that these groups fighting in Somalia have read the hadiths of the Prophet (PBUH) concerning these matters; however, an agenda that has nothing to do with either religion or country is under way in Somalia, and they are well aware that this is the case. Yet these opposing groups, each of which says "I am the one who represents Islam," have become like those whom God described as a donkey carrying books (كمثل الحمار يحمل أسفارا), and they are loaded up to serve the enemy of the Somali nation.
When a war refuses to stop, one looks for who benefits from the war. Is there any Somali person today who wants this civil war not to come to an end? The answer is No, and if such a person does exist (which is possible), he is someone hired by foreign powers that have a particular interest in the destruction of Somalia. Therefore, preoccupying oneself with the groups we have described and asking them to stop the fighting among themselves and to have mercy on the poor civilians is like a person asking a donkey loaded with books about a religious question.
What the whole world knows today is Ethiopia's ambition towards Somalia, which it does not hide. In order for Ethiopia to achieve its goal of erasing from the world map anything called the –Somali Republic–, it is using the old colonial policy of –Divide and Rule (Divide to Rule). The person who wants to understand Ethiopia's policy towards Somalia does not even need great intelligence or political knowledge. From the day Col. Cabdulaahi Yusuf fled to Ethiopia and Mingisto welcomed him in Addis Ababa until today, Somalia's affairs have been run and controlled by Ethiopian intelligence. And the ultimate goal is the one we mentioned, that the Somali Republic should never be reborn. Ethiopia will be satisfied with one of two outcomes: either to take over Somalia completely and add it to the map of Ethiopia once the world gives up on Somalia's affairs, or to create 5 or 6 regional administrations (Kilil) out of it, each of which Ethiopia administers.
Someone might say: we understand that Ethiopia created and runs the TFG of Sh. Shariif, the SWJ group, the SL and PL administrations and the others under its wing, but the Shabaab, whom we know fought a war against Ethiopia and between whom there is enmity, can we say they are working for Ethiopia's interests? The short answer is that the one who is directly tied, and known to be an agent working for the enemy, is closer and his case easier to resolve than the one who, without realising it, is carrying out the enemy's interests. It is said that back when the SSDF were fighting the Somali army, the commander leading the SSDF forces intended to give a report to the Ethiopian officer in charge of their affairs. When he said "we killed this many of the enemy, and this many of us were (martyred)," the Amhara told him, "add them together, how many died today?"
The act that took place in Mogadishu yesterday caused two harms.
1- innocent civilians were wiped out.
2- the name of Islam was used for this crime, which is a disgrace to the name of Islam.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
