Waxaa meela kala duwan nalaga soo weydiiyaa waxyaabaha aan jirin ee nimankii u galay cadawga ee is-dhiibay marka ay ku riyoodaan ay dadka ugu sheegaan inay tahay arin dhacday. Dabeecdaha noocan ah waxaa lagu yaqaanaa qofka ka quusta wuxuu doonahayay oo marka uu ka caajiso khiyaalkiisa ku cabira ka dibna naftiisa sidaa ku maaweeliyo.
Waxaa ka mid ah khiyaalka ay iska dhaadhiciyaan oy jeclaan lahaayeen inay u rumowdo in ONLF ay afka saartay wadadii uu maray Ibraahim dheere oy maqlaan way soo xaroonayaan. Arintan waliba ma’aha mid hadda bilaabataye waxay salka ku haysaa markii Ibraahim dheere laga saxiixay inuu is-dhiibay oy Itobiya cadeysay inuu ka shalaytooday dambiyadii uu horey uga galay Itobiya kana codsaday in laga cafiyo taasoo ay sheegeen Berket Simon iyo masuulkii horee maamulka Jigjiga Dauud axmaar, waa isagii yidhi ONLF ayaan kaga hormarnay saxiixa oo wadahadal qarsoon kula jirta Itobiya. Waxaa la ogaaday inay beentan Itobiyab u sii dhiibtay ninkii isku xidhay mashruucan is-dhiibka Itixaadka waa Axmad nashaad, isaga ayaana ka gaday Ibraahim dheere ka dibna ay noqotay inuu madaxmadax isugu tuuro Adisababa isagoo leh kaga hormar Admiraalka intuusan imaanin. Waxaa midaa ka horeysay oon ogayn warkii beenta ahaa ee bil ka hor lagu qorayay shabakadaha Cabdi ilay uu masruufo ee lahaa waxaa lagu arkay Maxamad C. Cismaan Dhagaxbuur isagoo siqarinaya oo dhex socda.
Waxaa aad nasiibdarro u ah inay jiraan qaar u heelan inay maqlaan ONLF ayaa ugu tagtay Meles Adisababa. Usbuucyadii la soo dhaafay waxyaabaha lagu qoslo ay qoreen waxaa ka mid ah in shirkii uga socday Frankfort/Germany Hawl-wadeenka ururka iyo gudoonka JWXO ay yidhaahdaan Cabdifataax oo jooga halkaa ayay kula shirayaan. Cabdi ilay-na wuxuu joogay London oo lagula shirayaa.
Qofka u haysta in umadda Ogadenya ay ka liidato Wayaanaha oo aanay mudnayn in shuruudaha saxda ah ee caalamka u yaqaano wadahadal iyo heshiis uu halgankooda xaq u leeyahay ayaa isku maaweeliya beenta ay kooxdaa is-dhiibtay jeclaan lahaayeen inay u rumowdo.
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya warsaxaafadeed ay soo saartey 2005tii ka dib markuu ka sheegay BBCda ra’isul wasaaraha Itoobiya 16kii iyo 17kii July 2005ta inuu diyaar u yahay wadahadal, waxay ONLF ku cadeysay mawqifkeeda ku aadan sidii dhibaatada dhex taala shacabka S.Ogadenya iyo dawladda Itobiya lagu soo afjari lahaa. Warsaxaafadeedkaa ilaa maanta wax iska badalay mawqifkii JWXO ma jiro, xukuumadda Itobiyana way ogtahay arintaa waana sababta ay luuqluuqyada kolba dhowr qof inaty uga kaxaysato ay u leedahay waa ururkii magacaa lahaa oon heshiis la galnay.
Warsaxaafadeedka JWXO ee taariikhdaa soo baxday ahna jidka hagi kara (The Road Map) wadahadal dhex mara shacabka S. Ogadenya iyo Itobiya wuxuu u qornaa sidan;
18-07-05
Ref: ONLF/FRB/PR/02-18/07/05
Hoggaanka arrimaha Dibedda
Bayaan Siyaasi ah
Khilaafka u dhexeeya soomaalida Ogaadeeniya ee ay jwxo hoggaaminayso iyo xukuumadda Itobiya waa mid siyaasadeed(political conflict)oo soo jiray muddo qarni ku siman, kaasoo leh xididdo taariikheed oo ku aroora xilligii ay Yurub hab gumaysi ah ku qaybsatay kuna qabsatay guud ahaan qaaradda Afrika gaar ahaan Geeska Afrika oo dalka Ogadenia ka mid yahay. Khilaafka Ogadenia oo ka dhaliyay Geeska Afrika dagaalo waaweyn 1964 iyo 1977, wuxuu halis galiyey nabada Aduunka kaas oo sababay in xooggaga-waaweyn isku hardiyaan gobolka Geeska Afrika 1977. Sidaa darteed Qadiyadda Ogadenia waa mid ka gudo wayn dastuurka dawladda Itoobiya maanta u yaalla.
Jabhadda Wadaniga ah ee xoraynta Ogaadeniya waxay mabda’ ahaan rumaysan tahay in habka wadaxaajoodka nabadeed uu yahay wadiiqaha ugu maangalsan uguna habboon ee khilaafkaas xal caadil ah oo waara loogu heli karayo, kaaso la hubo inuu dan u yahay dhinacyada iska soo horjeeda.
Sidaa darteed JWXO waxay soo dhowaynaysaa wada xaajood dhexmara iyada iyo dawlada Itoobiya, ka dib markuu baaqa ka soo yeeray ra’isul wasaaraha Itoobiya ee warbaahinta BBCda laga siidaayay 16kii iyo 17kii yuulyo 2005ta, waxayna mar kale dunida u cadeynaysaa:
1- Inay JWXO diyaar u tahay ka qayb galka wada hadal qadiyadda Ogadenia loogu raadinhayo xal caadil ah oo waara, kaasoo lagu qabto dal dhexdhexaad ah,haýad dhexdhexaad oo leh aqoonsi caalami ahina ay goob jooge ka noqoto,
2- Inuuna dhinacna shuruud hordhac ah ku xidhin wada hadlka oo labada dhinacba ay wada hadalka daacad ka noqdaan lana yimaadaan geesinimada lagama maarmaanka ah,
3- Inay cadaaladda iyo isxurmayntu yihiin furaha nabadda,xasiloonida iyo horumarka
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya
18-07-05
From various places we are asked about things that do not exist, which the men who went over to the enemy and surrendered dream up and then tell people as if they had actually happened. Behaviour of this kind is typical of a person who has given up on what he wanted, and who, once he grows weary, expresses it through his imagination and then amuses himself with it.
Among the fantasies they convince themselves of, and which they would love to see come true, is that the ONLF has set foot on the path taken by Ibraahim Dheere, and that they will hear it is about to come in. This matter is not new; it is rooted in the time when Ibraahim Dheere was made to sign his surrender and Ethiopia announced that he regretted the crimes he had previously committed against Ethiopia and had asked to be pardoned. This was stated by Berket Simon and the former official of the Jigjiga administration, Dauud Axmaar; it was he who said that they had beaten the ONLF to the signing, as it was in secret talks with Ethiopia. It was learned that this lie was passed on to Ethiopia by the man who coordinated the Itixaad surrender project, namely Axmad Nashaad; it was he who sold Ibraahim Dheere, after which Ibraahim Dheere threw himself headlong to Addis Ababa, saying, "Get ahead of the Admiral before he arrives." Before that, as we know, came the false report published a month earlier on the websites funded by Cabdi Iley, which claimed that Maxamad C. Cismaan had been seen in Dhagaxbuur walking about in disguise.
It is very unfortunate that there are some who are eager to hear that the ONLF has gone to Meles in Addis Ababa. Among the laughable things they wrote in recent weeks was that, regarding the meeting being held in Frankfurt, Germany, between the organisation's officials and the ONLF leadership, Cabdifataax, who is there, was meeting with them. And that Cabdi Iley was in London being met with.
Whoever believes that the people of Ogadenia are inferior to the Woyane, and that their struggle does not deserve the proper conditions that the world recognises for talks and agreements, consoles himself with the lies that this surrendered group would love to see come true.
In a press release issued in 2005, after the Prime Minister of Ethiopia stated on the BBC on 16 and 17 July 2005 that he was ready for talks, the Ogaden National Liberation Front (ONLF) made clear its position on how the problem between the people of Somali Ogadenia and the Ethiopian government could be resolved. To this day, nothing in the ONLF's position set out in that press release has changed, and the Ethiopian government knows this; that is why, each time it lures away a few people through manoeuvres, it claims that they are the organisation bearing that name and that it has reached an agreement with it.
The ONLF press release issued on that date, which is the road map that can guide talks between the people of Somali Ogadenia and Ethiopia, read as follows:
18-07-05
Ref: ONLF/FRB/PR/02-18/07/05
Foreign Affairs Department Political Statement The dispute between the Somalis of Ogadenia, led by the ONLF, and the Ethiopian government is a political conflict that has existed for nearly a century, with historical roots going back to the period when Europe divided and occupied, in a colonial manner, the African continent as a whole and the Horn of Africa in particular, of which the country of Ogadenia is a part. The Ogadenia conflict, which caused major wars in the Horn of Africa in 1964 and 1977, endangered world peace and led the superpowers to confront each other in the Horn of Africa region in 1977. Therefore, the Ogadenia question is one that is far greater than the constitution of the Ethiopian state that exists today. The Ogaden National Liberation Front believes in principle that the method of peaceful negotiation is the most sensible and most appropriate path through which a just and lasting solution to that conflict can be found, one which is certain to be in the interest of the opposing sides. Therefore, the ONLF welcomes negotiations between itself and the Ethiopian government, following the call made by the Prime Minister of Ethiopia that was broadcast on the BBC media on 16 and 17 July 2005, and it once again makes clear to the world: 1- That the ONLF is ready to take part in talks to seek a just and lasting solution to the Ogadenia question, to be held in a neutral country, with a neutral body that has international recognition acting as witness, 2- That neither side should attach preconditions to the talks, and that both sides should be sincere in the talks and bring the necessary courage, 3- That justice and mutual respect are the key to peace, stability and progress Ogaden National Liberation Front18-07-05
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
