Maalmahan shabakadaha Somalida qaar ka mid ah ayaa waxay qorayeen inay ku dagaalameen agaagarka Guriceel ciidan ONLF ah iyo kooxaha ahlu-suna sheegta. Waxayna intaa raacinaya (.. Dagaalo kulul ayaa wuxuu labada dhinac uu ku dhex maray deegaanadaasi, kadib markii ay isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka, isla-markaana waxay dagaaladu sababeen khasaarooyin kala duwan. Dhacdo news. )
Inay jirto arintaa iyo inkale muhiim ma’aha sababtoo ah ciidanka ONLF wuxuu ka hawlgalaa xuduuda u dhexeeya labada dal, iyadoo waliba bishii October uu jiray weeraro xoogan oo CWXO ay ku qaadayeen maxaysatada Wayaanaha ka dib markay baneeyeen goobaha dagaalka maxaysatadii hawaarinta.
Waxaan arimahaa ka wareysanay taliyaha qaybta ka hawlgasha aaga Shilaabo oo yidhi; “waxaa jiray dagaala badan oon ku qaadnay ciidanka gumaysiga fadhiisamdooda ama qaar socda, hasa ahaatee ciidan ONLF ah iyo kuwaa sheeganaya sunna wal-jmaaca oo dagaal aan ognahay uu ku dhex maray aagaa ma jiro. Hadday soo raaceen ciidamada cadawga oy la socdeen dagaaladaa ma ogin mana kala saari karno”
Wuxuu intaa raaciyay taliyaha in ciidanka Itobiya oo meela kala duwan laga soo qafaalay uu hadda aad u jabay mooralkooda, dagaalkii oo ku daba dheeraaday iyo guuldarooyin isdaba joog ah oo soo gaadhay darteed. Marka waa laga yaabaa inay wataan Wayaanaha qorshe cusub oo kooxdan sunada sheeganaya ay ku hawlgalinayaan. Waxaanse uga digaynaa buu yidhi taliyaha; ” Sunna wal-jamaaca inay faraha la soo galaan halganka shacabka Somaalida Ogadenya. Hadday isku dayaan arintaa oy noqdaan hawaarin cusub, waan naqaanaa sidaan ula xaali lahayn.” Ayuu yidhi taliyaha qaybta.
Shacabka Somaliyeed oo lagu yaqaano horujeednimo ka soo jeeda dhaqankii reerguuranimo ee beenta, is-jalaafaynta iyo khayaanada aan aqoonin ayaa waxaa 25kii sanee la soo dhaafay saynta isugu wada xidhay sirdoonka Itobiya. Hadafka Itobiya ay ka leedahay Somaliya kamaba aanay qarnin way u sheegtay in aanay ogolayn dawlad Somaliyeed oo danaheeda is-hortaagta.
Laga bilaabo maalintuu u galay Colonel Cabdulaahi Yusuf ilaa maantadan aan joogno, Itobiya hadafkeedu wuxuu ahaa inay ka hesho Somlalida qaar iyada u adeega oo kala shaqeeya burburinta qaranimo Somaliyeed, wayna ku guulaysatay sida muuqata. Siyaasiyiinta Somaliyeed ee kala jooga maamulada Hargaysa, Boosaaso, iyo Muqdishu iyo qaar kaloo la dhisi doonaba waxay u joogaan fulinta hadafkaa Itobiya waxayna si toosa ah ugu shaqeeyaan Itobiya iyagoo ilaashanaya kursi beenaadka ay ku fadhiyaan iyo maalka ay boobayaan.
Waxyaabaha la yaabka leh, een dhaqan u ahaan jirin Somalida, diinta ay sheeganayaana ka soo horjeeda, hasa ahaatee ay hadda Somalidii aqbashay oy ka dhaadhacday waa qirashada ah waxaan qabanay dad Itobiya ka soo horjeeda oon u gacan galinay ciidamada Itobiya. Waxaa ka sii yaab badan marka ay kuwa falkaa samaynaya ay sheegtaan inay yihiin urur diineed.
Waxay Itobiya ku guulaysatay inay ku shaqaysato qaar badan oo culumo diineed loo haystay. Qaar lahaa waxaan nahay salafiyiin sida Ibraahim dheere (xagga siyaasadda) iyo Shakuul (xagga dhaqaalaha), iyo kuwii sheeganayay suufiya ee la baxay Sunna wal-jamaaca ayaa amaanta u kala tartamaya Itobiya oo mid walba leeyahay anagaa Itobiya uga daacadsan kuwa kale oo la soo dagaalamayna ONLF. Qofwalba wixii loo uumay umbaa loo fududayn.
ONA.
In recent days, some Somali websites have been writing that ONLF forces and groups calling themselves Ahlu-Sunna fought in the vicinity of Guriceel. They added: (.. Heavy fighting took place between the two sides in those areas, after they used various types of weapons against each other, and the fighting caused various losses. Dhacdo news. )
Whether or not this happened is not important, because ONLF forces operate along the border between the two countries, and moreover in October there were heavy attacks that the CWXO were launching against the Woyane militias after the militias of the collaborators abandoned the battlefields.
We asked about these matters the commander of the unit operating in the Shilaabo area, who said: "There were many attacks that we launched against the colonial forces, both in their bases and some on the move. However, there was no fighting that we know of between ONLF forces and those calling themselves Sunna Wal-Jamaaca in that area. If they accompanied the enemy forces they were with in those battles, we do not know and cannot distinguish them."
The commander added that the Ethiopian forces, which have been gathered from various places, now have very broken morale, because of the prolonged war and the successive defeats they have suffered. So it may be that the Woyane have a new plan in which they are deploying this group calling itself Sunna. "But we warn," the commander said, "Sunna Wal-Jamaaca against interfering in the struggle of the Somali people of Ogadenia. If they attempt this and become new collaborators, we know how we would deal with them," said the unit commander.
The Somali people, who are known for a spirit of resistance stemming from the nomadic culture that knows no lies, mutual betrayal or treachery, have over the past 25 years had the rope tied around them by Ethiopian intelligence. Ethiopia has not hidden its aims regarding Somalia at all; it has said that it will not accept a Somali government that stands in the way of its interests.
From the day Colonel Cabdulaahi Yusuf brought it in until today, Ethiopia's aim has been to find Somalis who serve it and work with it in destroying Somali nationhood, and it has evidently succeeded. The Somali politicians in the administrations of Hargaysa, Boosaaso and Mogadishu, and others that are yet to be formed, are there to carry out this Ethiopian aim, and they work directly for Ethiopia while protecting the false seats they sit on and the wealth they are looting.
Among the astonishing things, which were never part of Somali custom and which contradict the religion they profess, yet which Somalis have now accepted and come to terms with, is the admission: "We captured people opposed to Ethiopia and handed them over to Ethiopian forces." What is even more astonishing is when those committing this act claim to be a religious organisation.
Ethiopia has succeeded in using many who were regarded as religious scholars. Some who said "we are Salafis", such as Ibraahim Dheere (on the political side) and Shakuul (on the economic side), and those who claimed to be Sufis and adopted the name Sunna Wal-Jamaaca, are competing for Ethiopia's praise, each saying "we are more loyal to Ethiopia than the others" and fighting the ONLF. Everyone is made at ease with what they were created for.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
