Opens in a new tab

Maxaa ka Lifaya in Durbaba Mar Walbaa la Xakamayn Waayo Dabka Soo Noq-noqda ee Haleela Suuq_Yada Ganacsiga Jigjiga?

ONA22 March 2026
Read in English
Ka daawo Facebook-ga ONA · Watch on Facebook

Dhacdada musiibada ah ee dabka ayaa marar kala duwan ku soo noq-noqota suuqyada ganacsiga jigjiga iyo sidoo kalaba xaafadaha ayadoona inta badan wax_yeelada dabku uu gaysto khasaare baahsan oo ay kooxaha dab-damisku aad ooga soo daahaan .

Sababta ayaana dad ka hadlay ku tilmaameen in ugu horaynba kooxda gurmadka dabku ay ka fog yahiin magaalada iyo in wadooyinku aysa lahayn kaydadka biyaha iyo dhuumaha qaadashada biyo oo haday go’aan biyaha saaran gadiidka dab’damisku ay ceelal fog u doontaan biyaha taasna ay qayb wayn ka tahay khasaaraha oo mar walbaa faafa .

Waxaana jirin haba yaraatee (Fire hydrant ) ila biyoodka ku xidhan dhuumaha qaybiya biyaha oo loogu tala galay gadiidka dab-damisku inay isticmalaan tasoo joojinaysa baahida loo qabi lahaa ku laabasha walba oo celal biyo iyo mararka qaar in loo isticmaalo dhuuma dhaadheer oo ay qayb ka noqdaan biyaha gaadhaya goobta dabka si toos ah .

Ogaden News Agency ONA

Muuqaalka warkan waxaa lagu daawan karaa bogga Facebook ee ONA (Ogaden News Agency).

La wadaag