Shacabkii halgan gobanimadoon ku jira waa inuu ogyahay taariikhda shucuubtii soo halgantay suu u fahmo brobagaanda gumaysiga iyo waxa saldhiga u ah. Hadaad baadhitaan ku samayso arintaa waxaa ku soo baxaysa in brobagaandada gumaysiga ay ku warwareegto un 3ex qodob oo la yaqaano.
1- Nabada iyo xasiloonida ayaan ilaalinaynaa.
2- Horumar ayaan wadnaa.
3- Naftood-hurayaashii way isa soo dhiibeen.
Mana aha arin lala yaabo, sababtoo ah gumaysiga waxaa ka jooga dalka uu gumaysto ciidan cabsanaya oo doonaya inay nabadgalyo ku dhex joogaan shacabka uu gumaysto. Suu ciidankiisa uga helo badbaado ay ku dhex joogaan shacabka wadanka leh ee u halgamaya inay ka xoroobaan gumaysigiisa, waa inuu yidhaahdo horumarkaa ayaan idiin sameeyay, qaar kalena waan idiin soo wadaa. Suu uga ansixiyo caalamka inay dhamaatay colaadii oo shacabkii la gumaysanayay ay ogolaadeen gumaysigiisana waa inuu yidhaahdaa dhalinyaradii la duufsaday ee hubka qaaday ee ciidankayga la dagaalamayay way ka tawbad keeneen hadda oo waa kuwan isa soo dhiibay.
Meel kastoo uu gumaysi ka jiro, kacdoon gobanima doon ahna uu ka bilowday, borobagaandada gumaysiga sidaa umbay isugu taxnayd ilaa dalka laga saarana wuxuu gumaysiga si joogta ah u soo celcelinayay 3exdaa qodob un.
Sidaa darteed; qof kasta oo Somali ah oo gumaysiga u taga qodobadaa umbaa loo soo dhiibaa inuu ka hadlo. Waliba wuxuu u doortaa gumaysiga iibgaynta qodobadaa qofka bulshadiisa ku dhex yeesha magac iyo qof ururka gobanimadoonka ah ka mid ahaan jiray ama sheegta inuu ka mid ahaan jiray.
Hawlaha laga doonayo inay fuliyaan kooxdii ka goosatay dhalinyaradii SilentCry waxba kama duwana qodobadaa caadiga ah ee gumaystaha uu iibgeeyo. Qofkasta oo gumaysi u tagay oo isku dayay inuu badeecadiisaa u gado, sharaftii iyo magacii iyo qadarintii uu bulshadiisa iyo caalamkaba ku dhex lahaa umbuu ku waayaa. Sababtoo ah, baniaadamka wuxuu ku qadariyaa qofka aaminaadiisa mabda’aa caalamiga ah ee xoriyad jacaylka ah ee dulmi iyo gumaysi diidka ah. Meel kastoo ay tagaan caalamka kooxda SilentCry waxay bulshada S.Ogadenya ku soo dhaweynayeen qalbi furan iyo mashxarad. Waxayna u suurtagaliyeen jaaliyadaheena inay meelwalboy tagaan u furaan albaabada dawladaha ay dhalashadooda haystaan.
Hadaba, canaasirtii ka dooratay sharaftii caalamiga ahaydee ay ku dhex lahaayeen SilentCry, maxay ka dheefeen markay noqdaan SexCry sida ay sheegeen saaxiibadoodii ay ka tageen, ama ka muuqata asluubtooda iyo sawirada laga hayo? 
Sow ma noqonin qaar aan soo dhex gali karin bulshadoodii shalay u heelanayd ee sharafta iyo mudnaanta ay ku dhex lahaayeen. Gabdhihii iyo caruurtii ay shalay ku booqdeen xeryaha qaxootiga ee ku aaminay inay u sheegaan dhibaatadii uu gumaysiga soo mariyay miyay dhex tagi karaan maanta? Intay dhoofaan meel aan ahayd safaaradaha Itobiya miyay dhex tagi karaan?
Waxaa la soo ogaaday in uu Cabdi iley ka baryay safiirka London u jooga Itobiya in xafiis yar laga siiyo safaaradda dhexdeeda si teleefoonada ay ugu shaqaynayaan Itobiya uga dirsadaan. Waxaa kaloo la hayaa waraaqihii ay u qoreen dadkii ay la xidhiidhi jireen waagii ay ahaayeen SilentCry ee ahaa siyaasiyiin ama ururada madaniga ah iyagoo doonaya inay ka iibiyaan badeecadda gumaysiga ee ka kooban 3exdii qodob iyo jawaabaha la siiyay.
Hadal iyo, dhamaan qofkii qadiyadda gobanimadoonka ee shacabka Somalida Ogadenya u soo galay dana gaar ah iyo ku danaysi wuxuu ku dambayn un gumaysiga inuu u noqdo Salesman waliba raqiis ah.
Ugu dambayn, waxaan soo bandhigi doonaa goor aan fogayn waraaqo muhiim ah oo arimahaa ku saabsan.
ONA.
The tasks that the group that broke away from the SilentCry youth are expected to carry out are no different from those usual points that the coloniser sells. Every person who has gone over to the coloniser and tried to sell its goods for it has lost the very honour, name and esteem they held in their community and in the world. This is because human beings esteem a person for their belief in the universal principle of love of freedom and rejection of oppression and colonialism. Wherever the SilentCry group went in the world, the community of Ogadenia welcomed them with open hearts and ululation. And they made it possible for our communities, wherever they went, to have the doors of the governments whose citizenship they hold opened to them.
So, the elements who abandoned the international honour they held within SilentCry, what have they gained by becoming SexCry, as their friends whom they left have said, or as is evident from their conduct and the photographs that are available?
Have they not become people who cannot come among their community, which only yesterday adored them for the honour and distinction they held within it? Can they today go among the girls and children whom they visited yesterday in the refugee camps, who trusted them to tell of the suffering the coloniser had put them through? Apart from when they travel, can they go anywhere other than the Ethiopian embassies?
It has been learned that Cabdi iley begged the Ethiopian ambassador in London to be given a small office inside the embassy so that they could send out from there the phone calls through which they work for Ethiopia. Also in our possession are the letters they wrote to the people they used to be in contact with when they were SilentCry, who were politicians or civil society organisations, as they sought to sell them the colonial goods consisting of the 3 points, as well as the replies they were given.
In short, anyone who joined the freedom cause of the Somali people of Ogadenia for personal interest and self-seeking will, in the end, become nothing but a salesman for the coloniser, and a cheap one at that.
Finally, we will soon present important documents concerning these matters.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

