Ilaahay wuxuu Rasuulkiisa CS ka ballan qaaday iyo umadda islaamka ahba inuu ka soo saari doono kuwa khiyaanada le dhex socda calaamado ay ku gartaan .. (ولو نشاء لأريناكهم فلعرفتهم بسيماهم ). Rasuulka CS wuu garanayay isaga munaafiqiintii la noolayd, asaxaabtiisa mid ka mid ah wuu u sheegay, hasa ahaatee, qaacida caam ah ayaa jirta oo Ilaahay SWT uu noo sheegay oo ah inaan ku garan doono falaadkooda iyo waxyaabaha afkooda ka soo baxaya.
(أم حسب الذين في قلوبهم مرض أن لن يخرج الله أضغانهم ) .. Muddo dheer ayuu Ibraahim dheere umadda la dhex socday inuu yahay mujaahid aan loodsamaynin. In badanna wuxuu kala dhex dhigay shacabka S. Ogadenya dhiilo iyo khilaaf dhiig uu ku daatay. Sidoo kale wuxuu ku dadaalay inuu Somalida ku diro kana horkeeno jabhadda xaq-u-dirirka ah, taasoo keentay in qaar badanoo iyaga ah loogu laayo gudaha Somaliya sawirkii khaldanaa uu ka bixiyay darteed.
Warbixintan hoose waxaa noo soo diray qoraa Cali yare oo sanadkan xajka la soo gutay malaayiintii muslimiinta ahayd. Wuxuuna ku bilaabay;
Sida dad badani la socdaan, Ibraahim dheere, ayaa wuxuu caadaystay inuu ku soo noq-noqdo magaalada barakaysan ee Makka. Dad badan baa aaminsan inaan ibraahiim dheere cibaadaysi iyo Alle ka cabsi Makka u iman balse arimo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale uu Makka u yimaado.
Waxay kaloo dad badan aaminsan yihiin in Ibraahim dheere Xajka loogu soo diro suu uga dhex kaluumaysto dadka xujayda ah ee meelaha kala duwan ka kala yimid uguna abuuro tashuush iyo jaahwareer iyo inuu weliba ujeedo qaldan dadka ka gado isaga oo shaati wadaad u soo huwanaya hadba kuwa uu is leeyahay kuma garanayaan ama fikirkiisa gaalo jacaylka ahi wuu ka gadmayaa.
Hadaba wuxuu Ibraahiim dheere hadba qolo aan aqoonin afka u dhuubaba oo cumaamad khaa’inimo u soo hulaabtaba, sannadkan xaalkiisu wuxu noqday ” Hilo walba ka cabtaye waa hiladdii yaxaasku kugu qaadi lahaa”. Ibraahiim dheere oo siddi caadadu u ahayd kitaabkiisii macna badane ee beenta ahaa la luudaya si uu xasuuqa Ogadeniya ka socda dadka ugu indha saabo, qorshaha Meles ee gumaadka ku salaysana u suuq geeyo ayuu “Aar” meel fadhiya afka uga soo galay. waxa la yidhi “Shimbir duulid badanay hadaad degi aqoon waydo mar unbaad libaax labaddi daan dalaq tidhaahdaaye”
Ibraahiim dheere oo iska qabar moog ah ayaa Xujey meelo kala duwan ka timid oo qaar ka mid ahi ay USA ka yimaadeen makarafoonaddiisii codka dheeraa soo kordhigtey, hase yeeshee Illaah Ibraahim dheere wax aanu filaynin ayuu meeshii kala kulmiyey. Wuxu goobtii kala lugeeyey ceeb iyo waji gabax aan la qiyaasi karin ka dib markii Axmed Nuur Xiirey oo USA ka soo xajiyey uu dagaal kala hoos kacay kuna amray inuu si deg deg ah goobtaas uga tago haddii kale in wax aan horey Makka uga dhicin uu dhici.
Hadaba markii aan maqlay wadhida Ibraahim dheere “Mina” ka qabsatey ayaan xidhiidh la sameeyey Axmed nuur Xiirey si aan u xaqiijiyo wixii meesha ka dhacay. Aniga iyo Mr. Xiireyna sidan ayey sheekaddi noo dhex martey:
Ali: Hello Ahmed nuur Xiirey, salaama calaykum.
A/Nuur Xiirey: wa calaykuma salaam.
Ali: waa nin Cali yare lagu magacaabo oo koley ku garanaya. Waxan rabaa bal inaan wax kaa waydiiyo waxa idin dhex marey adiga iyo Ibraahim dheere madaxii Ajjo-gudhay. Marka horase maxaa ka jira sheekadan aan maqalnay?
A/Nuur Xiirey: walahi sheekadani way jirtaa waana sida aad u maqasheen.
Ali: Fadlan bal ma noo faahfaahin kartaa siday wax u dhaceen?
A/Nuur Xiirey: waxa dhacay aniga oo teendhaddii aan deganaa iska hadhsanaya oo iska cibaadaysanaya ayuu wiil yari ii yimid iina sheegay in nin wadaad ah oo sheikh Ibraahim la yidhaahdo uu muxaadaro jeedin rabo. Wiilkii baa intaan kor u fiiriyey ku idhi, maxad tidhi? sheekh Ibrahiim aa? Ka dibna wuxuu wiilkii ii xaqiijiyey in ninka makarafoonka wataa uu ibraahiim dheerahii is dhiibay yahay. Hal mar unbaan is daba maray meel aan joogana garan waayey, ka dibna intaan dhiniciisa u dhaqaaqay oon kor istaagay ayaan ku idhi “Maantana ma waxaa laguu soo direy inaad Xajkayaga buriso ood cibaadadayada carqaladayso. intaas kuma daynine intaan hadalkii kor u qaaday oo aan dadkii isu diyaarinayey dhaqaysigiisa dhinacooda u jeestey baan idhi “Waxad socotaanba ma maanta ayaad Meles Zenawi teendhada noogu keenteen?”. isla markiiba intaan Ibraahim dheere jaleecay baan ku idhi “War ka bax meesha mujrim yahow waynaaday”
Markii xaalku halkaas marayo ayaa waxa dhacday in dhowr shaqsi oo wacdiga la abaabulayey isaga iyo dad kale oon aqoon u lahayn isna tusay in wadaadka laga gardaran yahay ay isku dayaan inay Ibraahim dheere la soo saftaan. ka dibna intaan ku dhaqaaqay baan ku idhi “Walahi isaga iyo intiinan hadlaysaba inaan dhulka idinku jiidi haddii aydaan si deg deg teendhada uga saarin”. Markii ay arkeen in xaalku meel xun iga marayo ayey damceen inay teendhada kala xidhaan oo qaybtii aan fadhiyey qayb aan ahayn u diyaariyaan halkaasna uu muxaadaradiisa ka sii wato. hase yeeshee intaan ka dabo tagey baan ku idhi ” Walahi baan ku dhaartee in wax aan Makka horey uga dhicin uu maanta dhici haddii aan ninkan meesha laga saarin”
Ibraahim dheere markuu arkay halka xaajo marayo iyo sida jawigu u kacsan yahay ayuu intuu kabaha gacanta ku qaatey halhaleel uga baxay teendhaddii.
Ali: Axmed waad mahadsan tahay.
A/Nuur xiirey adaa mudan.
Intaas kuma joogine waxan bilaabay inaan dib u raad raaco siddii wax u dhaceen. Waxan isku dayey bal inaan helo qof goobta ka dhawaa xiligii iska hor imaadku uu dhacayey. Nasiib wanaag waxaa ii suurto gashay inaan helo nin lagu magacaabo Xuseen Xirsi Cali dubad oo isaga qudhiisu ahaa Xujeydii USA ka timid Xiireyna ay isku teendho ahaayeen. xuseen wuxuu ii sheegay in xiliga wax dhacayeen aanu goob joog ahayn balse uu goobta yimid iyada oo weli buuqii taagan yahay. waxaa kale oo uu ii sheegay in xaalku ku sigtey in laba saf laysu fara saaro. xuseen wuxu ii sheegay in dad badan oo u haystey in Ibraahim dheere laga gardaran yahay ay markii dambe is badaleen ka dib markii aanu taariikhdiisii u sharaxnay. xuseen wuxuu dadkii u sheegay in Ibraahim dheere ku xidhnaan jirey Settle Washington oo uu xoog iyo xoolaba ku bixiyey siddii xabsiga looga sii dayn lahaa. balse markii Ibraahim dheere xabsiggii laga sii daayey waxa dhacday inuu itoobiya isu dhiibay dabadeedna uu hooyooyinkayo iyo aabayaashayo uu badhna cadowga ku dilo badhna jeelka ka buuxiyo. xuseen wuxuu ii sheegay in dhamaan dadkii uu taariikhda Ibraahim dheere uga sheekeeyey ay fajac iyo amakaak meeshii kala tageen.
Dhinaca kale warar hoose oo dad Ibraahim dheere ka ag dhawaa laga soo xigtey ayaa waxay xaqiijiyeen in Ibraahim dheere lagula taliyey inaanu teendhadaa tagin. Waxa dib laga ogaadey in nin sheekh ahi ku yidhi “Ibraahinow ilama qumana inaad teendhadaa aado waayo rag aad sannadkii hore is dagaasheen baa jooga”. Hase yeeshee Ibraahim taladaa wuu ka dhaga adaygay. Balse waxaa wax lala yaabo noqotey in markii Ibraahim sheere teendhadii ragga laga soo caydhiyey inuu yidhaahdo dumarka ha la ii shiriyo aan wacdiyee. rag badan baa waxay aad ula yaabeen “Samir xumada iyo sariig li’ida Ibraahim dheere”. nin raggii ka mid ah ayaa wuxuu Ibraahim dheere ku yidhi ” Oo naagaha raggii qabay sow kuwan ku soo eryey ma aha sideed u wacdiyi?” ugu dambeyn Ibraahim dheere oo kabna luli kabna lalaadin ayaa halkaas ka huleelay.
Xaaji Ali Yare
Saudi Arabia.
God promised His Messenger (PBUH) and the Islamic nation alike that He would expose those who move among them with treachery, through signs by which they would be recognised .. (ولو نشاء لأريناكهم فلعرفتهم بسيماهم ). The Messenger (PBUH) himself knew the hypocrites who lived among him, and he told one of his companions, however, there is a general rule that God (SWT) has told us, which is that we will recognise them by their deeds and by the things that come out of their mouths.
(أم حسب الذين في قلوبهم مرض أن لن يخرج الله أضغانهم ) .. For a long time Ibraahim Dheere moved among the nation as an unblemished mujahid. Many times he sowed among the people of Western Ogadenia hostility and discord in which blood was spilled. Likewise, he strove to incite the Somalis and set them against the front fighting for justice, which led to many of them being killed inside Somalia because of the false picture he presented.
The report below was sent to us by the writer Cali Yare, who performed the Hajj this year along with the millions of Muslims. He began it as follows;
As many people are aware, Ibraahim Dheere has made it a habit to return again and again to the blessed city of Makka. Many people believe that Ibraahim Dheere does not come to Makka for worship and fear of God, but rather comes to Makka for political and financial matters.
Many people also believe that Ibraahim Dheere is sent to the Hajj to fish among the pilgrims who have come from various places, to create confusion and disorientation among them, and moreover to sell people a false agenda while wrapping himself in the shirt of a cleric before whichever people he thinks do not recognise him or will be taken in by his infidel-loving ideas.
So Ibraahim Dheere, who keeps putting on a sweet tongue for whichever group does not know him and folding a turban of treachery, this year found his situation become: "You drink from every pool, but this is the pool where the crocodile would catch you." Ibraahim Dheere, who as usual was hobbling along with his book full of lies with which he tries to blind people to the massacre taking place in Ogadenia and to market Meles's plan built on genocide, walked into the mouth of a "lion" sitting in place. It is said: "Bird that flies so much, if you do not know how to land, one day you will say 'plop' between the lion's two jaws."
Ibraahim Dheere, oblivious to the danger, held his loud-voiced microphone up before pilgrims who had come from various places, some of whom had come from the USA, but God brought Ibraahim Dheere face to face there with something he did not expect. He walked away from the place in unimaginable shame and humiliation after Axmed Nuur Xiirey, who had come from the USA for the Hajj, confronted him and ordered him to leave the place immediately, or else something that had never happened before in Makka would happen.
So when I heard of the disgrace Ibraahim Dheere suffered in "Mina", I contacted Axmed Nuur Xiirey to verify what had happened there. This is how the conversation went between me and Mr. Xiirey:
Ali: Hello Ahmed Nuur Xiirey, salaama calaykum.
A/Nuur Xiirey: Wa calaykuma salaam.
Ali: It is a man named Cali Yare who surely knows you. I would like to ask you something about what happened between you and Ibraahim Dheere, the head of Ajjo-gudhay. But first, what is the truth of this story we have heard?
A/Nuur Xiirey: By God, this story is true, and it is as you heard it.
Ali: Could you please give us details of how things happened?
A/Nuur Xiirey: What happened was that while I was resting in the shade of the tent where I was staying and worshipping, a young boy came to me and told me that a cleric called Sheikh Ibraahim wanted to give a lecture. I looked up at the boy and said, what did you say? Sheikh Ibrahiim, you say? Then the boy confirmed to me that the man carrying the microphone was that Ibraahim Dheere who had surrendered himself. All at once I was overwhelmed and did not know where I was, then I moved towards him, stood over him and said to him "Have you been sent today too to ruin our Hajj and disrupt our worship?" Not stopping there, I raised my voice and, turning towards the people who were preparing for his preaching, I said "Have you of all things today brought Meles Zenawi into our tent?". Immediately I glanced at Ibraahim Dheere and said to him "Hey, get out of this place, you great criminal."
When things reached that point, it happened that several individuals who were organising the preaching with him, and other people who did not know him and thought the cleric was being wronged, tried to side with Ibraahim Dheere. Then I moved towards them and said "By God, I will drag him and all of you who are talking along the ground if you do not immediately get him out of the tent". When they saw that things were going badly with me, they decided to partition the tent and prepare a section other than the one I was sitting in, where he could continue his lecture. However, I went after them and said to him "By God, I swear that something that has never happened before in Makka will happen today if this man is not removed from this place."
When Ibraahim Dheere saw where the matter was heading and how heated the atmosphere was, he picked up his shoes in his hand and hurriedly left the tent.
Ali: Axmed, thank you.
A/Nuur Xiirey: You are the one who deserves it.
Not stopping there, I began to retrace how things had happened. I tried to find someone who had been close to the scene at the time the confrontation took place. Fortunately, I managed to find a man named Xuseen Xirsi Cali Dubad, who was himself one of the pilgrims who came from the USA and shared a tent with Xiirey. Xuseen told me that he was not present when things happened, but that he arrived at the scene while the commotion was still going on. He also told me that the situation nearly came to the two sides laying hands on each other. Xuseen told me that many people who had believed Ibraahim Dheere was being wronged later changed their minds after we explained his history to them. Xuseen told the people that Ibraahim Dheere used to be imprisoned in Settle Washington and that he spent effort and money to be released from prison. But when Ibraahim Dheere was released from prison, he surrendered himself to Ethiopia and then had our mothers and fathers partly killed by the enemy and partly filled the jails with them. Xuseen told me that all the people to whom he recounted Ibraahim Dheere's history dispersed from the place in shock and astonishment.
On the other hand, inside information quoted from people close to Ibraahim Dheere confirmed that Ibraahim Dheere had been advised not to go to that tent. It was later learned that a sheikh had told him "Ibraahim, I don't think it is right for you to go to that tent, because men you clashed with last year are there". However, Ibraahim turned a deaf ear to that advice. But what was surprising was that when Ibraahim Dheere was chased out of the men's tent, he said, let the women be gathered for me so I can preach. Many men were greatly astonished at "the impatience and shamelessness of Ibraahim Dheere". One of the men said to Ibraahim Dheere "Weren't the women's husbands the ones who chased you out? How will you preach?" Finally Ibraahim Dheere, with one shoe dangling and the other swinging, took off from there.
Xaaji Ali Yare
Saudi Arabia.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
