Opens in a new tab

Maxamuud Daaweeye Gudomiyahii Hore ee Degmada Garbo oo loo Taxaabay Jeel Ogaden. iyo Faahfahin Xasuqi Xidhyare.

ONA7 March 2012
Read in English

Xafiiska ONA Jigjiga:

Warar naga soo garayo gudaha Ogadenia oo na soo gaarsiyay wariyiha uga soo waramo ogadenia ONA ayaa waxa uu noo shagay in gudoomiyahii hore ee Degmada Garbo xabsi loo taxaabay shalay. Waxaana lagu xidhay jeelka ay gumaysiga ugu magac dareen jeel Ogaden. Jeelkaas oo kumanan kun oo shacabka Soomaalida Ogadenia ah ay ku xiran yihin ayaga oo lagu jidh dilo qaarna ayba baahi ugu dhintaan qaarna ay 17 sano ku jiraan ayaga oo wax ay galabsadeen aansan jirin.

hadaba gudoomiyaha la xiray ayaa magaciisa waxa naloogu sheegay;

MAXAMUUD DAWEEYE CALI DHAQANE

Dhanka kale dagmada Garbo tuulo u dhaw oo la yiraahdo Xidh’yare ayeey aheyd sadax maalin ka hor markii  shacab aan waxba galab san lagu xasuuqay oo ay ku jiraan laba wiil oo walaalo ah oo la kala yiraahdo

1-Muxumed Shukri Aadan Qudhsid
2-Mahad Shugri Aadan Gudhsid

Labadii  wiil  ee  dhawaca  ahaa  ayaa  iyagana  waxa midkood go’ay labada lugood midna hal lug ayaa go’day. Waxayna ku suganyihiin cusbitaalka magaalada  dhagaxbuur. Wiilashan  ayaa lasheegaya in  ay  quraan  ku akhrinayeen wiil buka tuulada xiryare. Waxaana halkaas soo weeraray Tuulada Xiryare Ciidamada Woyanaha oo ay horsocdaan Liyuu Poliska oo ah kuwa uu amarka siiyo horjoogahooda oo ah Cabdi UBO.

Isku soo wada duuboo Gumaysiga Ethiopia ayaa waxa cadaystay in shacabka somalida ogadenia u xasuuqo sida uu rabo una adeegsado kuwa aan damiir lahayn laakiin se horay Somali u tiri kii walaal kiis loo xiirayoow adigana soo qoyso wakaas gumaysiga nin kuu u magacabay Gudoomiyaha Dagmada garbo Maxamuud Daweeye uu xabsiga la jifo shacab badan oo somalida ogadenia ah oo wax ay galabsadeen jirin ee jeel ogadenia .

ONA JIGJIGA

La wadaag