Sidii la filayay ayay maxkamad ku sheegtii la soo taagay labada wariye ee u dhashay dalka Sweden waxay ku xukntay inay galeen dambiyada ah inay taageeereen jabhadda ONLF oo laga mamnuucay Itobiya iyo siday yihdaahdeen dalka oy ku soo galeen sharcidarro.
Sida ay soo warisay Reuters, labada wariye Martin Schibbye iyo Johan Persson oo laga qabtay xadka u dhexeeya Ogadenya iyo Punland iyagoo la socda dagaalyahanka ONLF ayaa todobaadka soo socda lagu dhawaaqi doonaa xukunka lagu riday. Waxaana la filayaa inta u dhexeysa 18-20 sano in lagu xukumo.
Wariyayaasha caalamka ayaa arintan aad uga xanaaqsan, waxayna ku tilmaameen hadafka Itobiya inuu yahay in galitaanka dalkaa laga cararo oo aanay saxaafadda ka soo waramin xadgudubka baahsan ee ka socda Ogadenya. Saxaafiyiinta dalka Sweden oo aad uga hadlay arimaha loo haysto saaxiibadood ayaa ka cadhaysan Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Sweden Karl Bildt oo sidii la rabay aan ugu gurman labada saxafi iyagoo ku tilmaamay inay salka ku hayso arintaasi shirkadda shidaalka baadha ee Lundin oo Karl Bildt uu ka ahaa xubin madaxda ugu sareysa shirkadaa.
Arintan ayaa waxay caalamka u sii xaqiijinaysaa xadgudubka ka jira Ogadenya iyo in aanay Itobiya ogolayn in saxaafadda caalamka ay ka soo waramaan Ogadenya. Arintan ayaa marag ma doonto ka dhigaysa dambiyada ay Itobiya ka gashay shacabka Somaliyeed ee Ogadenya.
ONA.
As expected, the so-called court before which the two Swedish-born journalists were brought has convicted them of the crimes of supporting the ONLF front, which is banned in Ethiopia, and of entering the country illegally.
According to Reuters, the two journalists, Martin Schibbye and Johan Persson, who were captured on the border between Ogadenya and Punland while accompanying ONLF fighters, will have their sentence announced next week. They are expected to be sentenced to between 18 and 20 years.
International journalists are very angry about this matter, and they have described Ethiopia's aim as being to deter entry into that country so that the press does not report on the widespread abuses taking place in Ogadenya. Swedish journalists, who have spoken extensively about the charges against their colleagues, are angry with Sweden's Minister of Foreign Affairs, Karl Bildt, who has not stood up for the two journalists as he should have, and they have said that the matter is rooted in the oil exploration company Lundin, of which Karl Bildt was a member of the most senior leadership.
This matter further confirms to the world the abuses taking place in Ogadenya and that Ethiopia does not allow the international press to report from Ogadenya. This matter makes undeniable the crimes that Ethiopia has committed against the Somali people of Ogadenya.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

