Waxaa maalmihii la soo dhaafay hadheeyay shabakadaha Somalida gaar ahaan kuwa ka soo baxa SL, qab-qabashadii iyo xabsigii uu gumaysiga Itobiya u taxaabay koox hubaysan oo ka soo duulay Waqooyiga Somaliya, sida ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal ahaa. Arintaa si kastoo loo dhigo, ujeedada dhabta ahee uu gumaysiga ka lahaa waa inuu shacabka iska horkeeno oo kolba mid uu madaxa u salaaxo.
Waxaa jirtay qiso dhex martay Shaydaan iyo saxaabigii caanka ah ee Abuu-Horeyra RC. Abu-Hureyra RC ayaa dhowr habeen qabtay Shaydaan ka xaday raashin uu meel dhigay. Marwalba wuxuu ka baryi jiray inuu iska daayo. Ugu dambayntii wuxuu isku furtay inuu yidhaahdo waxaan ku barayaa Aayad quraanka ku jirta oo hadaad akhrisato habeenkaa aadan arkaynin wax ku dhiba. Rasuulka CS ayaa markuu u sheegay qisadii dhex martay ku yidhi Abuu-Hureyra; wuxuu ahaa Shaydaan –Runbuu kuu sheegay waase Beenaale-.
Su’aasha milyoonka joogta waxay tahay; Maxaa ku kalifay Itobiya talaabadan ay qaaday?
Qoraalada hadheeyey shabakadahaa markaad akhriso waxaad arkaysaa in qaar iska dhaadhiciyeen inuu Cabdi iley weerarkaa qaaday iyadoon Itobiya raali uga ahayn, kuwaasoo la sheegay inay dacwad u aadeen Adisababa. Qaar kalena waxay ugu dhigeen Cabdi iley billad sharaf sida isagoo Itobiya oon ogayn ka difaacay ciidan weerar ku soo qaaday oo laga soo diray Hargaysa. Kooxdan waxay iyaguna meel walba ku qoreen inuu Cabdi iley yahay nin Ogadenka difaacaya, ujeedaduna waa in lagu iloobo talaabadaa ay leeyihiin wuu qaaday, boqolaalka qof ee sida xaqdarada iyo naxariisdarada ah uu ugu laayay miyiga iyo boqolaalka ugu xareysan xabsiga loo bixiyay Jeel Ogaden, iyo boqolaalka gabdhood ee sharafta lahaa ee waskhda uu soo urursaday uu ku fasaxay.
Waxaa hubaal ah in labadaba ay is-ilowsiinayaan inuu Cabdi iley yahay masuul/wakiil Itobiya u fadhiya Ogadenya. Waxay kaloo ilowsan yihiin in ciidanka Hawaarinta (Liyu Boolis) ee dhibaatada ugu badan ku haya shacabka Ogadenya ay yihiin ciidan ay Itobiya qoratay, hubeysay oo mushahar ka qaata oo amar la’aan aan dhaqaaqi karin.
Sababta jahawareerka keenay waxay tahay talaabada ay qaaday Itobiya oo labada dhanba aanay ka filaynin. Ciidanka ka yimid Waqooyiga ee duulaanka ka soo qaaday Hargaysa sida ay sheegeen dadkii goobjooga ahaa ma’aanay filaynin in maleesiyada ay Itobiya hubaysay ee Hawaarinta (Liyu Boolis) ay qab-qaban doonaan oy hubka ka dhigi doonaan, ka dibna xabsiga u taxaabi doonaan. Dadka deegaanka iyaguna ma’aanay filaynin maleesiyadii layn jirtay ee dambiyada aan wadanka horay uga dhicin mariyay shacabka ayaa idiinkaga hiilin doona ciidamo ka yinid Waqooyi (Somali land) oo saaxib la’ah Itobiya.
Arintan waxay muujinaysaa in gumaysiga Itobiya aqoonsaday inuu fashilmay qorshiisii ku dhisnaa xasuuqa iyo barakicinta shacabka Ogadenya taasoo ka mid ah dhaqanada gumaysiga, gaar ahaan kuwa isku qanciya inay dalka iyagu leeyihiin oo aanay ahayn gumaysi dalka iyo shacabka xoog ku haysta, oo marka dadkii dalka lahaa ay diidaan joogitaan-kiisa ka dhiga soo galooti ama shufto dastuurka iyo xukunka dalka ka soo horjeedsaday.
Hadaan dib u yarehe jaleecno taariikhda lagu dhigo Itobiya waxay ahayd in Geeska Afrika aanay ka jirin waxaan ahayn Itobiya, oo Itobiya xukuntay inta u dhexeysa badda cas iyo badweyntaIndia. In gumaysigii reer galbeedka ee yimid Afrika 1884kii uu ka boobay Itobiya dhulkaa oy dhoo-dhoobeen dawlad ku sheeg la yidhaahdo Somaliya. Waxaa laga dhaadhicin jiray shacabka Itobiya in Bariga Itobiya oo ah Ogadenya ay reer guuraa Somali ah u soo daaqsin tagaan, oo ciidanka Itobiya aanay dib uga celinin iyagoo ilaalinaya Afrikaan-nimada.
Sidaa darteed halganka shacabka Ogadenya waxay ugu sawirayeen shacabkooda inuu yahay duulaan laga soo qaaday Somaliya oo la doonayo in qayb ka mid ah dalka Itobiya laga gooyo oo la siiyo reer guuraagii daaqsinta u yimid.
Wayaanaha iyagoo taariikhdaa cabsan ayay dalka yimaadeen. Markii baarlamaanka gobolka isku raacay in afti laga qaado shacabkeena sidii lagu heshiiyay cahdigii Kala-guurka (Transitional Charter) way u cuntami weyday. Waxayna ku soo qaadeen dagaal badheedh ah shacabka iyagoo laayay xubnhii ururka, waxayna filayeen inay ONLF kaga sifaynayaan dalka oy u carari doonaan Somaliya sida ururkii Itixaadka ee 6ex bilood guduhood uga baxay dalka.
Dagaalkii ay ku bilaabeen jabhadda ONLF 1994kii, inay soo afjaraan waxay ku qasabtay inay dib u darsaan taariikhda. Waxaadna moodaa hadda inay daba socdaan siyaabihii uu Ingriiska u maamuli jiray shacabka Somaliyeed ee kala daga British SomaliLandiyo Ogadenya. Waxaan xusuusanaa in Ingriiska uu hubeeyey qabiilada daga Waqooyiga markii la jabiyay Daraawiish ka dibna ay ku soo duuleen Ogadenya. Ujeedada waxay ahayd in qabiilada Ogadenya daga ay u cararaan dhanka Itobiya oy hub iyo taageeraba u doontaan.
Arimaha ka dhacay maalmahan xadka u dhexeeya Waqooyiga Somaliya iyo Ogadenya waxay ka mid tahay khiyaanada gumaysiga, markuu ku guul-daraeystay inuu ku hakiyo halganka shacabka Ogadenya dilka iyo falalka argagixinta ah ee shacabka aan waxba galabsan uu ku hayo. Nasaaibdaradase waxay tahay wax-magaradka aana weli ogayn inay Itobiya tahay midka wax dilay ee hadana qaadiga ka noqday (The executioner and the Judge).
Gumaysiga Itobiya ujeedada ay ka leedahay talaabadan waa mid qofkii caqli leh uu garan karo, mana ah wax halganka shacabka Ogadenya lagu jaha-wareerin karo.
Camaje/Jigijiga
F.G. Maqaalada waa aragtida qoraha kamana tarjumayaan aragtida ururka.
In recent days, Somali websites, especially those based in SL, have been dominated by reports of the arrests and imprisonment by the Ethiopian colonial regime of an armed group that came from Northern Somalia, as confirmed by well-informed sources. However this matter is presented, the real aim of the colonial regime was to set the people against one another, stroking the head of one side at a time.
There is a story that took place between Satan and the famous Companion Abu Hurayra RA. Abu Hurayra RA caught Satan on several nights stealing food that he had stored away. Each time, Satan begged him to let him go. Finally, he bought his freedom by saying, "I will teach you a verse of the Quran which, if you recite it, nothing will harm you that night." When he told the Prophet PBUH what had happened between them, the Prophet said to Abu Hurayra: "That was Satan. He told you the truth, but he is a liar."
The million-dollar question is: What compelled Ethiopia to take this step?
When you read the writings that dominated those websites, you will see that some have convinced themselves that Abdi Iley carried out that attack without Ethiopia's consent, and they are said to have gone to Addis Ababa to file a complaint. Others credited Abdi Iley with a medal of honour, as if, without Ethiopia's knowledge, he had defended against a force that attacked after being sent from Hargeisa. This group, for its part, wrote everywhere that Abdi Iley is a man defending the Ogaden, the aim being to make people forget the step they claim he took, the hundreds of people he killed so unjustly and mercilessly in the countryside, the hundreds held in the prison known as Jail Ogaden, and the hundreds of honourable young women whose dignity he violated with the dregs he had gathered.
It is certain that both sides are making themselves forget that Abdi Iley is an official/representative who sits in Ogadenia on behalf of Ethiopia. They have also forgotten that the Hawaarinta force (Liyu Police), which is inflicting the greatest suffering on the people of Ogadenia, is a force that Ethiopia recruited and armed, that receives its salary from it, and that cannot move without orders.
The reason for the confusion is the step Ethiopia took, which neither side expected. According to eyewitnesses, the force from the North that launched the incursion from Hargeisa did not expect that the Ethiopian-armed militia, the Hawaarinta (Liyu Police), would arrest them, disarm them and then haul them off to prison. The local people, for their part, did not expect that the militia that used to kill them and that had committed crimes against the people never before seen in the country would stand up for them against forces coming from the North (Somaliland), who are hardly friends of Ethiopia.
This shows that the Ethiopian colonial regime has recognised that its plan, built on the massacre and displacement of the people of Ogadenia, has failed. This is one of the practices of colonialism, especially of those who convince themselves that the country belongs to them and that they are not colonisers holding the land and the people by force, and who, when the people who own the land reject their presence, brand them as infiltrators or bandits opposed to the constitution and the rule of the country.
If we briefly look back at the history taught in Ethiopia, it held that nothing existed in the Horn of Africa except Ethiopia, and that Ethiopia ruled everything between the Red Sea and the Indian Ocean; that the Western colonialists who came to Africa in 1884 seized that land from Ethiopia and cobbled together a so-called state called Somalia. The Ethiopian people were made to believe that Eastern Ethiopia, which is Ogadenia, was a place where Somali nomads came to graze their livestock, and that the Ethiopian army did not drive them back because it was upholding African brotherhood.
Therefore, they portrayed the struggle of the people of Ogadenia to their own people as an invasion launched from Somalia, aimed at cutting off part of Ethiopia and handing it to the nomads who had come for grazing.
The Woyane came into the country fearful of that history. When the regional parliament agreed that a referendum should be held for our people, as had been agreed in the Transitional Charter, they could not stomach it. They launched an all-out war on the people, killing members of the organisation, and they expected to purge the ONLF from the country and that it would flee to Somalia, just as the Itihaad organisation had left the country within six months. Ending the war they started against the ONLF front in 1994 forced them to restudy history. Now it seems they are following the methods the British used to govern the Somali people living in British Somaliland and Ogadenia. We remember that the British armed the clans living in the North after the Dervishes were defeated, and those clans then raided Ogadenia. The aim was for the clans living in Ogadenia to flee towards Ethiopia and seek weapons and support from it. The events of recent days on the border between Northern Somalia and Ogadenia are part of the colonial regime's deception, now that it has failed to halt the struggle of the people of Ogadenia through the killings and acts of terror it is inflicting on innocent civilians. The misfortune, however, is the ignorant who still do not realise that Ethiopia is the one who committed the killing and then also became the judge (The executioner and the Judge). The aim of the Ethiopian colonial regime in this step is something any sensible person can understand, and it is not something that can confuse the struggle of the people of Ogadenia. Camaje/Jigjiga N.B. Articles represent the views of the writer and do not reflect the views of the organisation.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
