May 7, 2011 (ONA)Qawmiyadaha ku hoos nool cadaadiska iyo caga juglaynta xukumadda TPLF ayaa shir aad u balaadhani ku dhexmaray magaalada Toronto ee dalka Canada.ujeedada shirkani waxuu ahaa mid lagu gorfaynayay sidii qawmiyadaha kala duwan ee Ethiopia isga kaashan lahaayeen soo afjaridda xukuumadda qalafsan ee wayaanaha oo dhibaato dhaqaale siyaasadeed iyo mid deegaanba ku haysa shucuubta ku hoos nool.
Shirku waxuu ku bilawday xamaasad aad u saraysay oo ay muujiyeen dhamaan ergooyinkii ka soo qaybgaly.waxaana guud ahaan laysugu hambalyeeyay dareenka guud ee shucuubta ee ku wajahan sidii loogu midoobi lahaa in xilka laga qaado xukuumadda Meles iyo sidii loo abaabuli-lahaa guud ahaan qawmiyadah ku dhiban maamulka TPLF.Kacdoonkan siyaasadeed waa mid ka bilawday dhamaan dunida waana mid ujeedadiisu tahay iska rogida xukuumadda Meles iyo in shacabku aayahiisa ka tashado waa dhaqdhaaq siyaasadeed oo ka dhashay kacdoonada bariga dhexe iyo waqooyiga Africa .
Hal-kudhagyadu waxay ahaayeen:
- Wayaane waxuu masuul ka yahay dhimashada iyo burburka dalka
- Meles waxuu masuul ka yahay xasuuqa iyo gumaadka ka dhacay dhulka Ogadenia, Oromia, Gambela iyo meelo badan oo wadanka ah.
- kumanyaal ayaa wadanka ka qaxay malaayiin ayaa barakacday Taajirka manta waa qofka heli kara qado ama qureec oo kaliya.
- Ethiopia maanta waa beec waxaana iibsanaya dadyaw shisheeye ah.
Kulankan ayaa ahaa mid aan horay meela uuga dhicin waxaana siyaasadda maanta ee Ethiopia falan-qeeyay aqoonyahano ka kala yimd gobolada iyo degmooyinka waqooyiga America.Waxaa buux-dhaafay holkii balaadhnaa ee shirkan loo qabtay waxaadna arkaysay dad aad u farabadan oo shirka ku dhamaystay taagni kuraastii oo buuxsantay darted. Aqoon-yahanada shirkan ka hadlay waxay kala ahaayeen:
- Mohamed Hassan oo ah cilmi baadhe iyo agaasimaha CAN_CORA,(Researdher and founder of Canadian Center for Ogaden Researcher and Advocacy,)
- Jawar Mohamed oo ah xeel-dheere siyaasadeed
- Obang Meto oo ah Agaasimaha SMNE
- Abebe Belew oo ah agaasimaha Idaacadda Addis Dimts
- Alo Aydahis oo ah xeel-dheere siyaasadeed
Aqoon yahanodan kor ku xusan ayaa si cilmiyaysan uuga dooday siyaasadda maanta ee dalka Ethiopia iyo xaaladda qalfsan ee shucuubta reer Ethiopia maanta ku suganyihiin.
Waxaa kale oo aad loo qaadaa dhigay sida ay lagama- maarmaan u tahay in qurba-joogta quwmiyadaha kala duwan ee Ethiopia uuga qayb-qaadan lahaayeen kacdoonka siyaasadeed ee laysaga rogayo reeryada xukuumadda TPLF.
Guud ahaanba qabashada shirkan iyo abaabulkiisaba waxaa qayb-wanaagsan ka qaatay jaaliyadda S/Ogadenia ee magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda.Jaaliyadda S/Ogadenia ee dalka Canada ayaa goobta amaan balaadhan oo ku wajahan bisaylka siyaasadeed,isku duubnaata iyo gumaysi diidkaba looga soo jeediyay.
Falan-qayn iyo cilmi baadhid dheer kadib waxaa la go’aansaday in loo diyaar-garoobo abaabul siyaasadeed oo laysaga tuurayo xukuumadda TPLF iyo sidii qurba-joogtu u gaadhsiin lahaayeen codka shacabka dulman dalalka iyo hayadaha deeqaha bixiya iyadoo goobta laga cadeeyay in xukuumada Addis deeqaha la siiyo u isticmaasho gumaadka shacuubta dulman ee guud ahaan mandaqadda geeska Africa gaar ahaana qawmiyadaha kala duwan ee Ethiopia.
Mohamed Abullahi Hassan (Wariye Madaxbanaan)
May 7, 2011 (ONA) The nationalities living under the oppression and intimidation of the TPLF regime held a very large conference in the city of Toronto, Canada. The purpose of this conference was to examine how the various nationalities of Ethiopia could cooperate to bring an end to the harsh Woyane regime, which is inflicting economic, political and environmental hardship on the peoples living under it.
The conference began with very high enthusiasm shown by all the delegates who took part. Overall, participants congratulated one another on the shared sentiment among the peoples regarding how to unite to remove the Meles regime from power and how to mobilise all the nationalities oppressed by the TPLF administration. This political uprising has begun across the whole world, and its aim is the overthrow of the Meles regime and for the people to determine their own destiny; it is a political movement born of the uprisings in the Middle East and North Africa.
The slogans were:
- Woyane is responsible for the death and destruction of the country
- Meles is responsible for the massacres and genocide that have taken place in Ogadenia, Oromia, Gambela and many other parts of the country.
- Thousands have fled the country, millions have been displaced; today the rich person is the one who can get only lunch or breakfast.
- Ethiopia today is for sale, and it is being bought by foreign peoples.
- Mohamed Hassan, a researcher and director of CAN_CORA, (Researdher and founder of Canadian Center for Ogaden Researcher and Advocacy,)
- Jawar Mohamed, a political expert
- Obang Meto, Director of SMNE
- Abebe Belew, director of Addis Dimts Radio
- Alo Aydahis, a political expert
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
