Mudo ay ka soo wareegtay Dhowr Maal mood dawlada Jabuuti waxay ku Talaabsatay Falal ka baxsan Banii aadanimada, islaanimada iyo Dhaqankii Soomaaliyeedba, Falkaasoo ah inay u gacan galisay Cadawga Umada Soomaaliyeed ee Ethiopaia Dhalinyaro Gabdho iyo Wiilal isugu jira oo ka xamaalan jiray Dalka Jabuuti. Mana aha Markii ugu Horaysay ee Jabuuti Falkan oo kale ay ku kacdo ee Sanadkii aan Soo dhaafnay waa kii ay Sirdoonka Ethiopia u qab-qabatay gacantana ka galisay Dhalinyaro kor u dhaafaysa 70 Nolol iyo Geeri mid ay kusugan yihiina aan laga warqabin maanta. Waxayna daliil u tahay Taasi Umadii Soomaaliyeed inay wada gun tahay Maanta oo Xataa dalkii Madaxa banaanaa ay Ethiopia Farta ugu Midaarto waxa ay kolba ka doonayso.
Hadaba aniga oo Arintaa ka uur gubyaysan ayaan Tixdan Gabayga ah oo Magaceedu yahay “Maxay Galabsadeen” Ku Cabiray Dareenkayga wuxuuna ku wajahan yahay oo uu ku socdaa Gabaygu Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
· Ga’da maanso Geeraarka iyo, Gabay ma doonayne
· Wuxuu gaystay ina Geelle yaa, Gubay jidhkaygiiye
· Markaasaa inaan gabay Tirshaa, Gocotay laabtiiye
· Oo aan Tixaha kula Garramo, kala gudboon hadale.
· Ina Geellow godobtaad Gashayi, waa wax guda wayne
· Hadaad tahay Nin ay gari gashaa, Gogosha ii kaalay
· Aan gorfayno wixii aad Gashiyo, iimahaad Guratay’e.
· Gurigaaga Gabdhihii ku jiray, een waxbaba gaysan
· Garda duub maxaad ugu Xidhayood, Gaalka uga iibsan?
· Guri guri maxaad ugu gashayo, Gabawar kaa keenay?
· Inaad Gabanadaada iyo hablaha, gaalada u gayso
· God madaw inaad ugu gurtoo, gawrac lagu jiido
· Libintaad ka gaadhana ay tahay ay, Gobostii reer Xayle
· Ma Gunimo ka wayn baad ogtahay, waa su’aal Gar’ehe?
· Maxay Galabsadeen Gabdhahaad, Gaalada u dhiibtay?
· Maxay Galabsadeen Wiilashaad, Gudub u raad gooyni?
· Ma Gawaadhi bay kaa dhaceen, ood u daba Gooshi?
· Mise Geesi-yaal bay dileen, Godobi waa wiishie?
· Mise Gaalkii soo bara kacshaa, Gini ku soo siiyay?
· Ood Guul darradan iyo u dhigi, Galalaf kaad qaaday?
· Gunimadan maxaa kuugu wacan, waa Gar Xaajadu’e?
· Abtirsiino miyay kuu Gashaa, Nimanka Gaa-gaaban?
· Maxaad garab u siin ood u gali, Godobta aad qaaday?
· Miyaadan dal Gaara iyo ahayn, Dawlad Gudanaysa
· Sharcigaad Gudoon tidhi Markii, Golaha uu yaallay?
· Dhaqan keenii Gaamuray maxaad, Geesta uga tuurtay?
· Gulufkani muxuu yahay Geellow, waa Su’aal gar’ehe?.
· Geeda wayne Aar iyo hadii, Geesi lagu mooday
· Adigaa ka Gaabshayo is dhigay, Gagi abaareede
· Adigaan waxay Gobi fasheen,Geesna uga baydhin.
· Gurey iyo Darwiish baan hadeer, Erayo Gaadhsiine
· Dadkii aad Guyaal iyo Guyaal, Libin u Goobayseen
· Geelii badh waa kuu u dhalayo, Gaalkii laga qaadye
· Gadhwadeense waxaa looga dhigay, Kuwo aan Gayine
· Gacan-yare Tigree bay noqdeen, Gabi ahaantoode
· Gacantuu u haadshaa midkuu, Galo Muraadkiise
· Gu’yartii Axfaadiina yay, wada Gumaadaane
· Guumaystahay u dhiibaan intay, Gini ka qaataane
· Gablan weeye Soomaali oo, Geesi laga waaye
· Garoowe iyo Hargaysay Tigree, Gaardiya hayaane
· Guriceel kuwuu Gaystayoo, uu ka dhigay Gaadhe
· Gobanimo u dirirkay rabaan, inay Gumaadaane.
· Guduudane iyo Weer ima Cuneen, Gu’iyo Jiilaale
· Gobaad baa dhalaysoo inbadan, Goojo ku Amaarte
· Godka jiifa waxba yaan Awoow, idin Galiil yayne.
· Waxba Gabaygu yuu ila gudbine, waxaan ku soo gaabshay
· Geellow Gafafka aad Gashiyo, Godobta aad reebtay
· Waa waxaan go’aynino kollay, Guudka kaa sudhane
· Aniguna Gantaal-kaa aan ridi, wuu ku gubayaaye
· Hayeeshee Adigaa Galabsadaye, kuma Garraaxeene
· Garaad kaagu waxa uu ku faray, Gobi ma yeesheene
· Iska guro waxaad Goosatayba Gayiga kuu yaalle.
Abwaan Abdihakim M. Ahmed
Shamsudiin55@hotmail.com
19-May-2014
A few days ago, the government of Djibouti committed acts contrary to humanity, to Islam and to Somali culture alike. It handed over to the enemy of the Somali nation, Ethiopia, young people, girls and boys, who had been working as porters in the country of Djibouti. This is not the first time Djibouti has committed such an act. Last year, Ethiopian intelligence rounded up more than 70 young people who were handed over to it, and today it is not known whether they are alive or dead. This is evidence that the entire Somali nation is subjugated today, so that even in a country that was independent, Ethiopia points its finger and dictates whatever it wants at any given moment.
So, deeply aggrieved by this matter, I have expressed my feelings in this verse poem titled "What Did They Do Wrong?" The poem is addressed to the President of Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.
· I had no wish for the craft of verse, for geeraar or for gabay
· But what the son of Geelle did, who has burned my very body
· That is why my heart was stirred, to compose this poem
· To argue with you through these verses, with words that are fitting.
· Son of Geelle, the wrong you have committed is a grave matter
· If you are a man who accepts justice, come to the mat with me
· Let us examine what you have done, and the faults you have gathered.
· The girls who were in your house, who had done nothing at all
· Why did you bind them in fetters, to sell them to the infidel?
· Why did you hunt them house to house, what offence brought them to you?
· That you deliver your maidens and young women to the infidels
· That you herd them into a dark pit, where they are dragged to slaughter
· And the reward you gain from it is the favour of the Xayle clan
· Do you know of any greater servility? It is a just question.
· What wrong did the girls do, whom you handed to the infidels?
· What wrong did the boys do, whom you tracked down across the border?
· Did they steal cars from you, so that you chased after them?
· Or did they kill your heroes, with a debt of blood still owed?
· Or did the infidel who incites you give you guineas?
· So that you set up this disgrace, for a bribe you took?
· What drove you to this servility? The matter calls for justice.
· Do those short men share lineage with you?
· Why did you take their side, and commit the wrong you did?
· Are you not a sovereign country, a state that governs itself
· Whose law you proclaimed when it was laid before the council?
· Why did you cast aside the mature culture of your own?
· What is this raid, Geelle? It is a just question.
· When at the great tree a lion, a hero, was expected
· It is you who fell short and posed as a drought-stricken weakling
· Before you, what the noble did, they never turned away from.
· To Gurey and the Dervish I now convey these words
· The people for whom you sought glory, year after year
· Half the camels that are born were taken from the infidel
· But those who lead them have been made of men without worth
· They have become the Tigray's lackeys, all of them entirely
· Whoever he beckons with his hand, enters into his designs
· They slaughter the young men of their own kin altogether
· They hand them to the colonizer once they take his guineas
· Somalis are a barren people who have been deprived of heroes
· In Garoowe and in Hargaysa the Tigray keep their guards
· What he did to Guriceel, which he made into a fortress
· Those who fight for freedom, they seek to slaughter.
· Guduudane and the hyena did not devour me, in Gu and in Jiilaal
· Gobaad will give birth to many who will dash forth like stallions
· Grandfather, lying in the grave, let nothing trouble you.
· Let the poem not carry me too far, I have kept it short
· Geelle, the mistakes you have made, the wrong you have left behind
· Are a thing we shall never cut off, but hang upon your head
· And were I to fire my missile, it would burn you up
· Yet it is you who did the wrong, I will not stoop to argue with you
· What your mind commanded you, the noble would never do
· Just gather all you have seized, whatever lies in the land for you.
Poet Abdihakim M. Ahmed
Shamsudiin55@hotmail.com
19-May-2014
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
