Opens in a new tab

Offenbach, Germany – Xadagudubyada uu Gumeysiga Itoobiya ka Wado Geeska Afrika

ONA25 September 2011
Read in English


Waxaa lagu wargalinayaa dadwaynaha S.Ogaadeeniya iyo guuda ahaan Jaaliyadda Somaliweyn ee ku nool dalka Germanyb gaar ahaan gobolka Hessen iyo agagaarka Frankfurt in 15.10.2011 lagu qaban doono Magaalada Offenbach wadada Frankfurter-Street, 86, 65067 Offenbach a/m, Shirkii sanadlaha ahaa ee looga hadli jirey dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika ee Gumeysiga Itoobiya uu horseedka ka yahey.

Shirka waxaa wadajir u qabanaya Jaaliyadaha kala ah:

1-Ogaden Community in Germany
2-Oromo Community in Germany
3-Eritrean Community in Germany

Xiliga Shirka la qabanayo waa maalinta kor ku xusan 15ka Bisha Oktoobar oo Sabti ah Saacadu markey tahey 12-ka Duhurnimo ilaa 24ka ama 6-da Habeenka Aaxada ah.

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa dhibaatooyinka uu gumaysiga Itobiya ka wado Geeska Afrika iyo xog badan oo quseeya shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika iyo waxyaaba kale oo idin xiisa galin doona.

Waxaa shirka gudoominaya Jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka Germany sidaa awgeed, faahfaahin dheeraad ah qofkii u baahda hakala soo xidhiidho maamulka Jaaliyada Ogaadeeniya ee Germany Tel: 015221504608, Magaalada Offenbach, Germany.

ONA.

La wadaag