Baya’da (environment) ku xeeran umad walba iyo taariikhda shacabkaasi uu soo maray shaki kuma jiro inuu saameyn adag ku leeyahay fikirka iyo himilada uu shacabkaasi hiigsanayo. Waxayna si aad ah ugu muuqataa arintan siday u kala fikir duwan yihiin dadweynaha ku nool darfaha oo laga yaabo inay dagaal joogta ah kula jiraan cadawga uu shacabkaasi leeyahay iyo kuwa ku nool gudaha dalakaasi een waligoodba arkin dhibaatada uu cadawgaasi ku hayo shacabka darfaha dagan ee dayrka (darbiga) u ah kuwa gudaha.
Shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ee xadka la leh qawmiyadihii ka soo duulay buuralayda Gondar iyo Tigree, waxay dagaal khadhaad kula jiraan Itobiya oo ka joogta boqortooyadii Abyssinia ee duulaanka joogtada ah ku haysay shucuubta koonfureed gaar ahaan Somalida iyo Oromada 2dii qarni ee tagay. Iyadoo ay qaar badan oo Somali ah u muujinayaan Itobiya saaxiibtinimo iyo kalsooni ay ku qabaan inay Itobiya u dhisi doonto qaranimadii Somaliyeed ee Itobiya qudheeda ay horey u burburisay.
Somalida Ogadenya ee halganka hubaysan kula jirto Itobiya iyo kuwa la shaqaysta Itobiya waxay kala aaminsan yihiin laba fikrad oo aad u kala duwan. Fikrad ka hormarinaysa danta gaark ah wax walba oo meel iska dhigay wixii ay horey umadda Somaliyeed u aaminsanayd ee ahayd inay Itobiya gumaysato shacab iyo dal Somaliyeed. Kuwa aaminsan fikradan waxay iska dhaadhiciyeen, Itobiya hadaan lagu sasabin ka hortagga mucaaradka ka soo horjeeda dawladda Itobiya ee ONLF, inay ku soo duulayso Itobiya iyaga oy qabsanayso intii u soo hadhay.
Meesha kooxda kale ay rumaysan yihiin fikrada ah inay Itobiya lahayd waligeedba ujeedo cad oo muuqata, ujeedadaasoo aanay marnaba ka leexanin. Si loo fahmo ujeedadaana waa in taariikhda dib loogu noqdaa si loo barbardhigo talaabooyinka ay Itobiya qaado hadda.
Taariikhda iyo waaqica ay Somali maanta ku nooshahay hadii la barbar-dhigo labadaa fakiradood, waxaa hubaal ah inuu ku raacayo qofkasta kooxda aaminsan inay Itobiya ku socoto taladii boqoradii horee ee Itobiya asaasay.
Laga soo bilaabo waqtigii uu boqor Minilk qabsaday Harar ilaa maantadan aan joogno, hadafkii Itobiya ay lahayd ee ahaa inay ka taliso guud ahaan Geeska Afrika waxba iskama badalin. Boqor Minilk oo ah ninka loo tiriyo inuu yahay asaasaha Imbraadooriyadda Itobiya ayaa markuu ogaaday inay dawladihii Yurub qorshaynayaan inay Afrika qaybsadaan waraaqa u wada qoray uu ku beer-laxawsanayo si loogu soo gurmado isagoo u sheegaya in dhulkii Itobiya ay muslimiintii qaateen. Waxaa ka mid ahaa hadaladiisa; ( Dalkayga wuu ka fogyahay dalalkiina. Wadadaan u mari lahaa xeebaha, Saylac, Tajura iyo Cadan waxaa iga gooyay muslimiintii. Waxay iga horjoogaan sidaan dalka ugu keeni lahaa raashin, hub, qalabka beeraha, farshaxanka iyo xataa inay yimadaan dadkii fidin lahaa diinta masiixiga — “My country is far distant from your country. My road to the coast, to Zeila, Tajura and Aden is at present closed by the Muslims. They prevent my receiving into my country provisions, arms, agricultural implements, artisans or even messengers of the Gospel. Will you kindly raise your powerful voice in order that I may have this way opened to me, for I desire to inaugurate in my country European civilization, intelligence and arts.”). Markuu warqadaa qorayo wuxuu daba socday Minilik warqad uu boqorkii isaga ka horeeyay ee Yohanne u qoray boqoraddii Ingriiska Queen Victoria uu ku sheegayo baaxadda dhulka Itobiya; ( Waa inaad fahamtaa, markaan leenahay dalkanaga waxaan ula jeedno waa laga bilaabo Musawac ilaa Atbara ; Berbera ilaa Gedarif; Gambela ilaa Kassala. Dhulka Itobiya waa midkaa — “You must understand, what we call our country is from Massawa to Atbara; from Berbera to Gedarif; from Gambella to Kassala. This is our country Ethiopia .”)
Nin aqoonyahan ah oo ka mid ahaa ardaydii wax ka dhigan jirtay dugsiyadii Mission-ka Qalafe ayaa igu yidhi heestii nala xafidsiiyay markuu imanayay Qalafe Xayle Salaase waxaa ka mid ahaa ereyadan; (– mar ay noqotaba bandiiradda Itobiya Xamar waa laga taagi.). Boqor Xayle Saalaasi 1945kii markuu Ingriiska dib ugu soo celiyay xukunkii Itobiya ee Talyaaniga uu ka eryay wuxuu yidhi; ( Waxaan u imid inaan dib u soo celiyo xoriyadii dalkayga, ay ka mid yihiin Eretria iyo Banadir oo dadka dagan ay hoos hadhsan doonaan calanka Itobiya “I have come to restore the independence of my country, including Eritrea and the Benadir whose people will henceforth dwell under the shade of the Ethiopian flag…”
Taariikhda hadaan meel iska dhigno, ninka talada dalka Itobiya gacanta ku haya hadda ee Meles Zinawi hadaladiisa waxaa ka mid ah ma aqoonsani wax la yidhaahdo Somali isagoo saxaafadda ka yidhi ma jiro wax la yidhaahdo Qaran Somaliyeed oo waa qabiilo wada daga oon waxba wadaagin.
Taxanahaa taariikhiga ah iyo damaca Itobiya oo muuqda ayay siyaasiyiinta maanta talada Somaliya ku looltamaya iska indha tiraan iyagoo ilaashanaya maslaxadooda gaarka ah. Sababtoo ah waxay arkeen inay Itobiya ogolayn inuu ka taliyo qayb ka mid ah Somaliya qof aaminsan Qaran Somaaliyeed oo ka madaxbanaan faragalinta iyo hagidda Itobiya. Arintaa waxay si dhab ah u xaqiiqsadeen 2dii sano ee loo fadhiyay Kenya shirkii lagu soo dhisay xukuumadii Cabdulaahi Yusuf madaxweynaha ka ahaa. Kolkaas oo dhamaan dadkii aqoonta lahaa, Somalinimada aaminsanaa, lahaa waayaragnimo siyaasadeed, dhamaantood laga fogeeyay inay soo galaan doorashada baarlamaanka.
Siday Itobiya ugu talagashay Somaliya ayay u dhacday. Inay ahaadaan dad aan lahayn cadaw kale oon dhexdooda ahayn. Taariikh iyo dhaqan ay wadaagaan uusan jirin. Aan wada-tashi iyo shir isugu imaan karin iyagoon lagu kala dhex jirin. Qabiil walba si gooni ayay heshiis ula gashaa Itobiya oo fariimo gooni ah lagu soo siinayo. Dhamaan ururadii siyaasiga ahaa ee Somaliya way kala tageen oo ma jiraan. Inay dday dhaqmeedyo u taliyaan beel walba iyadoo Itobiya ay ka ilaalinayso aqoonyahan-koodii inuu soo dhex galo oo talo ku yeesho arimahooda.
Sawirkaa dhabta ah ee ka muuqda xaaladda Somaliya, waxaa ka duwan shacabka u halgamaya xoriyadooda ee Ogadenya. Itobiya aad ayay isugu dayday inay heerkaasoo kale gaarsiiso shacabkaa oo qabiil iyo beel beel isaga horkeento. Inay burburiso ururka siyaasiga ah ee hogaaminaya bulshada halgamaysa oy ku badasho oday dhaqameedyo iyo urur beeleedyo. Hasa ahaatee kuma aanay guulaysanin sababtoo ah waa shacab leh taariikh halganeed fog oo looltan iyo dagaal uu ka dhexeeyay iyaga iyo Itobiya labadii qarni ee tagay. Waa shacab garanaya khiyaanada Itobiya iyo waxay damacsan yihiin.
Itobiya markay ogaatay inay shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ka duwan yihiin Somalida kale ayay u wareegtay inay go’doomiyaan oy kala ilaaliyaan labada shacbi inay yeeshaan dhexgal iyo wada-tashi. Waxay ku dadaashay Itobiya inay colaad ka abuurto beelaha xadka wada daga si jabhadda ONLF iyo shacabka Ogadenya uga mashquuliso halganka oy dagaal beeleedka ka dhex socda Itobiya daraf uga noqdaan. Kumana guulaysan inkastoo dhibaatooyin badan oo muuqda loo gaystay ururkaa oo ilaa maanta aan maqlayno kolba koox iyo maamul leh waxaan qabanay dagaalyahan ONLF ah oon u dhiibnay Itobiya.
Goorma ayay Somalida garan doonaan meesha uu dhibkooda ka soo burqanayo?
ONA.
The environment surrounding every nation, and the history that its people have been through, undoubtedly have a strong influence on the thinking and the aspirations that those people pursue. This is very clearly visible in how differently people think who live on the frontiers, who may be in constant war with the enemy those people have, compared with those who live in the interior of that country and who have never seen the suffering that this enemy inflicts on the people living on the frontiers, who serve as a fence (wall) for those in the interior.
The Somali people of Ogadenia, who share a border with the peoples who came down from the highlands of Gondar and Tigree, are in a bitter war with Ethiopia, which is the continuation of the kingdom of Abyssinia that waged constant invasions against the southern peoples, particularly the Somalis and the Oromo, over the past 2 centuries. Meanwhile, many Somalis show Ethiopia friendship and the confidence that Ethiopia will rebuild for them the Somali statehood which Ethiopia itself previously destroyed.
The Somalis of Ogadenia who are in armed struggle against Ethiopia and those who work with Ethiopia hold two very different ideas. One idea puts personal interest ahead of everything and has set aside what the Somali nation previously believed, namely that Ethiopia colonises a Somali people and land. Those who hold this idea have convinced themselves that if Ethiopia is not appeased by opposing the ONLF, the opposition that stands against the Ethiopian government, Ethiopia will invade them and seize what remains for them.
Whereas the other group believes the idea that Ethiopia has always had a clear and visible objective, an objective from which it has never deviated. To understand that objective, one must go back to history in order to compare it with the steps Ethiopia is taking now.
If history and the reality in which Somalis live today are compared against these two ideas, it is certain that every person will side with the group that believes Ethiopia is following the plan of the earlier kings who founded Ethiopia.
From the time King Minilk captured Harar until this very day, Ethiopia's goal, which was to dominate the Horn of Africa as a whole, has not changed at all. King Minilk, the man regarded as the founder of the Ethiopian Empire, when he learned that the European powers were planning to divide Africa, wrote letters to all of them in which he flattered them so that they would come to his aid, telling them that the Muslims had taken Ethiopia's land. Among his words were; ( My country is far from your countries. The road by which I would reach the coasts, Zeila, Tajura and Aden, has been cut off from me by the Muslims. They stand in the way of my bringing into the country provisions, weapons, agricultural tools, artisans and even the coming of people who would spread the Christian religion -- “My country is far distant from your country. My road to the coast, to Zeila, Tajura and Aden is at present closed by the Muslims. They prevent my receiving into my country provisions, arms, agricultural implements, artisans or even messengers of the Gospel. Will you kindly raise your powerful voice in order that I may have this way opened to me, for I desire to inaugurate in my country European civilization, intelligence and arts.”). When he wrote that letter, Minilik was following a letter that the king before him, Yohanne, had written to the Queen of England, Queen Victoria, in which he described the extent of Ethiopia's land; ( You must understand, when we say our country we mean from Massawa to Atbara; from Berbera to Gedarif; from Gambela to Kassala. That is the land of Ethiopia -- “You must understand, what we call our country is from Massawa to Atbara; from Berbera to Gedarif; from Gambella to Kassala. This is our country Ethiopia .”)
An intellectual who was among the students who used to study at the Mission schools in Qalafe told me that the song we were made to memorise when Xayle Salaase was coming to Qalafe included these words; (-- whenever it may be, the Ethiopian flag will be raised in Xamar.). When King Xayle Saalaasi, in 1945, was restored by the British to Ethiopian rule from which the Italians had driven him out, he said; ( I have come to restore the freedom of my country, including Eretria and Banadir, whose inhabitants will remain under the shade of the Ethiopian flag “I have come to restore the independence of my country, including Eritrea and the Benadir whose people will henceforth dwell under the shade of the Ethiopian flag…”
If we set history aside, among the statements of the man currently holding power in Ethiopia, Meles Zinawi, is that he does not recognise anything called Somali, having said to the press that there is no such thing as a Somali nation, but rather clans living together who share nothing.
This historical sequence and Ethiopia's evident ambition are ignored by the politicians competing today for power in Somalia, as they protect their own personal interests. This is because they have seen that Ethiopia will not allow any part of Somalia to be governed by a person who believes in a Somali nation independent of Ethiopian interference and direction. They truly realised this during the 2 years spent in Kenya at the conference that formed the government headed by President Cabdulaahi Yusuf. At that time all the people who had education, believed in Somali-ness and had political experience were all kept away from entering the parliamentary election.
Things in Somalia turned out just as Ethiopia planned for it. That they should be a people with no enemy other than one another. That there should be no shared history and culture. That they cannot consult and meet together without someone standing between them. Each clan makes a separate agreement with Ethiopia and is given separate messages. All the political organisations of Somalia have split apart and no longer exist. That traditional elders govern each clan, while Ethiopia prevents their intellectuals from getting involved and having a say in their affairs.
That true picture visible in the situation in Somalia is different from the people of Ogadenia struggling for their freedom. Ethiopia tried very hard to bring those people to that same level by setting clan against clan. To destroy the political organisation leading the struggling society and replace it with traditional elders and clan organisations. However, it did not succeed, because they are a people with a long history of struggle, of rivalry and war between them and Ethiopia over the past two centuries. They are a people who recognise Ethiopia's deception and what it intends.
When Ethiopia learned that the Somali people of Ogadenia are different from other Somalis, it turned to isolating them and keeping the two peoples apart from having interaction and consultation. Ethiopia strove to create hostility among the clans living together along the border in order to distract the ONLF front and the people of Ogadenia from the struggle, so that they would become a party to the clan wars that Ethiopia drives. It did not succeed, although many visible harms have been inflicted on that organisation, to the point that to this day we hear one group or administration after another saying we captured an ONLF fighter and handed him over to Ethiopia.
When will Somalis recognise where their suffering is springing from?
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.