Waxaa la ogaysiinayaa guud ahaanba shacbiga Soomaalida Ogaadeenya gude iyo dibadba inay u diyaar-garoobaan qabashada Xuska Maalinta Xasuuqa Shacabka Soomaalida Ogaadeenya, oo ku beegan 22 Bisha February!
Bishan February, oo bil loo madlay xusuusta shacab boqollaal kun oo biri-ma-gaydo ah oo ay Ciidanka Gumeysiga Itoobiya, ee ay hormuud ka ahayd gawracatadii TPLF xasuuqeen ayaa sannad walba laga xusaa gudaha Ogaadeenya, waddamada Derisyada ah ee Geeska Afrika, Qaaradda Afrika iyo guud ahaanba Caalamka.
Bishan February, ayaa lagu xasuustaa in 1994-tii ay Ciidammada Gumeysiga Itoobiya ee ay hormuudka ka ahayd gawracatii TPLF, gobollada Ogaadeenya ka geysteen gabood-fallo aad u fool-xun oo isugu jiray: dilal qorshaysan, oo aan badhkood ilaa hadda la hayn raq iyo ruux meel la geeyay, beegsiga Masuuliyiintii Jabahadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya u joogay Gobollada iyo degmooyinka, waxaana xusuus gaar ah mudan weerarkii lagu qaaday Alle Ha U Naxariistee Guddoomiyihii hore ee JWXO Naftii-hure: Dr. Sheekh Ibraahim Cabdalle Maxamed (Maax), oo ku sugnaa Magaalada Wardheer Xarunta Gobolka Doollo, kaas oo ay ciidanka Itoobiya ku xasuuqeen shacab aad u tiro badan, waana sababta maalintan loogu asteeyay Xuska Maalinta Xasuuqa Shacabka Soomaalida Ogaadeenya.
Haddaba, waxaa mar labaad la ogeysiinayaa guud ahaanba Shacabka weynaha Soomaalida Ogaadeenya gude iyo dibadba in ay u diyaar-garoobaan qabashada maalintan xusuusta innaga mudan!
Midnimo Mintid Isku-tashi Guul Allaahu Akbar.
ONA.
The Somali people of Ogadenia as a whole, at home and abroad, are hereby notified to prepare for the commemoration of the Day of Remembrance of the Massacre of the Somali People of Ogadenia, which falls on 22 February!
This month of February, a month dedicated to the memory of hundreds of thousands of innocent civilians who were massacred by the Ethiopian colonial forces, led by the butchers of the TPLF, is commemorated every year inside Ogadenia, in the neighbouring countries of the Horn of Africa, across the African continent and throughout the world.
This month of February commemorates how, in 1994, the Ethiopian colonial forces, led by the butchers of the TPLF, committed extremely heinous atrocities in the regions of Ogadenia, which included: planned killings, in many of which neither the bodies nor the people taken have been accounted for to this day, and the targeting of officials of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) stationed in the regions and districts. Particularly worthy of remembrance is the attack carried out against the late former Chairman of the ONLF, the martyr Dr. Sheekh Ibraahim Cabdalle Maxamed (Maax), may Allah have mercy on him, who was in the town of Wardheer, the capital of Doollo Region, in which the Ethiopian forces massacred a very large number of civilians. That is the reason this day was designated the Day of Remembrance of the Massacre of the Somali People of Ogadenia.
Therefore, the great Somali people of Ogadenia as a whole, at home and abroad, are notified once again to prepare for the commemoration of this day of remembrance, which we owe!
Unity, Struggle, Self-Reliance, Victory. Allaahu Akbar.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

