Opens in a new tab

Xasuuqa Gunagado iyo ONLF oo Bayaan Kasoo Saartay ay Caalamka kaga Codsanayso in Fiiro Gaar Ahaaned loo Yeesho Ogadeniya.

ONA16 February 2012
Read in English

Magaalada gunagado ayaa waxa lagu gumaaday dad aad u badan oo kor udhaafaya 16 qof iyada oo inkabadan 20 meeyo  kamid ah shacabka gunagadona dhaawacyo halis ah loo geystay.  Dad kor u dhaafaya 100  kalena laga qafaashay magalada oo illaa hadda meel ay ku danbeyeen la sheegi karin.

Bayaanka ay Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeniya soo saartay ayaa lagu xusay magacyo kamid ah dadkii lagu gumaaday magalada Gunagado.

  1. Cabdulqadir Guuleed Foolow. (Odey Da ah oo Caan ka ah Degaanka)
  2. Macalin Khadar. (Duqa Magalada Gunagado)
  3. Cabdi Carab.                      (Odey wayel ah)
  4. Cabdi Cali Bade.                (Ganacsade)
  5. Sheekh Khaliif.                   (Imaanki Magalada Gunagado

 

FALKII XASUUQA GUNAGADO:

Xasuuqan ayaa ka dhacay magalada gungado  maalinimadi 12 February 2012. Kadib markii shacabka magaalada  la isugu yeedhay  Kulan ay kaga arrinsanayeen sidii  ay Shacabka magaalada gunagado ay cabasho  ugu gudbin lahaayeen iyaga oo kaga cabanaya dil maalinkahor loogu geystay Odey Waayeela iyo Duqi Magalada gunagado.

Ciidamada Tigreega oo ay horsocdaan kuwa hawaarinta ayaa goobtaas kulanka ku dilay 16 qof oo kamid ah shacabkii magaladaas iyaga oo dhaawac soo gaadhsiiyay inkabadan 20 qof oo kale. Waxa kale oo goobtaas ay xidheen dad gaadhaya 100 qof oo xabsiyo kala gadisan loo qaaday oo lagaranayn meeshay ku danbeyn donaan.

Xasuuqan uu guumeysigu ka geystay magaalada gunagado ayaa ciidamada Tigreegu qirteen inay shacab ku laayeen magalada gunagado oo ay si ula kac ah ku dileen.

Waxa dhacdadan naxdinta iyo murugada xanbaarsan  kusoo beegantay waqti shacabka Somalida Ogadeniya ay u diyaargarobayeen xuska Febraayo ee 1994tii waqtigaas oo Guumeysigu uu ku laayay shacab aad u badan dhulka Somalida Ogadeniya. Gumaadkaas oo ahaa isna mid ay qirteen inay layeen dad badan oo u dhashay Somalida Ogadeniya.

Baaqa Jabhadu soosaartay ayay waxa ay ugu baaqaysa caalamka inay canbaareyaan falkan foosha xun kana hortagan faldanibiyeedkan.  Waxayna si gaar ahaaneed Beesha Caalamka oo fiiro gaar ah u yeelatay geeska Afrika goorahan danbe ay jabhadu ugu baaqday inay fiiro gaar ah siiso tacadiyada Ogadeniya ka taagan.

ONA

La wadaag