munaasabad lagu maamuusayey 18ka feb oo ah maalin taariikhi ah oo ummadda reer ogadenia ugu suntan maalinka xasuuqa shacabka ogadenia ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee magaalada breda, Holland, Caasimada Helisinki ee Finland iyo Caasimada London shirarkaas oo ay soo abaabuleen ururuka dhalinyarada ee Dalka Netherlands, Finland iyo London ayaa ku biloowday jawi degen,OYSU Finland
dhalinta Ogadeniya ee Finland ayaa soo qabanqaabisay xuska Febraayo oo kulan aad u xoog badan oo dhamaan jaaliyada Somalida Ogadeniya qeybaheeda kala gadisan kasoo qeyb galeen waxaana kulankan kaalin weyn ka qaatay Jaaliyada Ogadeniya ee Finland. Filimo shirkaas laga qaaday ayaan dib idiinka soo galin doona.
OYSU Holland:

waxaana shirkaasi shir gudoomiye ka ahaa xoghayaha ururka dhalinyarada OYSU ee Netherlan Farxiya xasan Cabdi, waxaa ugu horayntiiba sida caadada ah ku furay aayado quraan ah iyo wacdi diini ah Sheekh Saalax, kadibna waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Dr Basahiir Yuusuf oo ka hadlay qaabka shacabka ogadenia loo ciqaabo kaasoo ku dheeraaday sharaxaada qaab ciqaabeedka gumaysiga itoobiya uu kula kaco shacabka bir ma gaydada ah ee ogadenia.
Dr Bashiir wuxuu sheegay in La dhalan gadiyo muuqaalka ama jidhka shaqsiga oo lagu badalo jidh dil ilaa uu qofku ka qirto danbiga lagu soo oogay.
In shacabka marka la ciqaabayo Indhaha laga xidho isla markaana laba dilble xadhig loogu adkeeyo si meeshii la doonaba wax blooga dhufto oo uusan isaga arkin nabarka oo uusan uga gaban, garaacaasna uu ku socdo muddo dheer.
In dumarka naasaha lagaga xidho shay culus, ragana xiniinyaha kadibna jiida la yidhaahdo, Maskaxda oo laga garaaco si qofku u noqdo qof xusuusta iyo garashadu ka lunto, iyo waliba bah dilaad, isla markaasna waxaa shacabka ogadeniya la waraystaa waqti dheer oo aan la nasinin.
Shacabka waxaa marka la waraysanayo loo shitaa sigaar oo inta waraysigu socdo kolba meesha nugul lagaga dhajiyaa, waxaana laga garaacaa calaacalaha, raggana xiniinyaha.
Dr Bashiir waxaa hadaladiisii ka mid ahaa in dadla la soo laad-laadiyo iyadoo madaxa loo galiyo musqul, wuxuuna soo qaatay mid ka mida shacabka ogadeniya oo musqul madaxa loo galiyey isagoo laga soo laadlaadiyey tiir dhexe oo ay tigreegu ku samaysteen musqushooda madaxana laga garaacay, kaasoo markii uu miyir doorsoomay lagu soo celiyey godkii ay ku jireen iyagoo wiilal iyo gabdhaba ah, ninkaas oo buu yidhi markii uu indhaha kala qaaday su’aashiisii u horaysay ay ahayd war gabdhihii sidee oo lagay, markii loo sheegay inay noolyihiina, su’aashiisii labaad noqotay madaxu ma igu yaalaa, taasoo shacabkii meesha fadhiyey iyo isaga ruuxiisuba ay ilmada ceshan waayeen.
Dabeecada kale ee uu tigreega ku sheegay waxay ahaayeen.
*dabka waxaa lagu qasbaa inay kaadidooda cabaan ama biyo milix leh
*Hurdada oo loo diido iyo waliba cuntada.
*kufsiga oo dumarka.
*Masuuliyiin ku sheegga gumaysiga oo iyagu kufsiga ku sameeya xeryahooda
*In dumarka ogadeniya qasab lagu guursado haday diidana ay xabsi iyo ciqaab iyo kufsiba ay la kulmayso.
Dr Bashiir wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Dadku xabsi kama baqaan oo cid walba way ku xisaabtamaysaa in la xidho laakiin waxay ka walbahaaraan mudada ay xidhnaan doonaan inta ay la egtahay.
OYSU LONDON,
kulankii la isugu yimid magaalada London ee lagu xusayay Maalinta Xasuuqa Ogadeniya ayaa waxa kawarbixiyay Bashiir Guray Taariikhdii Sanadkii 1994 iyo marxaladihii ay shacabka somalida Ogadeniya ku sugnaayeen. Sidoo kale Waxa goobtaas kasoo jeediyay Hadalo Qiiro leh Halgame Fanaan Yusuf Yare oo ka xog waramay in eega la jooggo waqtigii la xaalmarin lahaa bulshada Somalida Ogadeniya xasuuqii loo geystayna xisaabteedi lagaadhay waqtigii lagu oogi lahaa danbiilayasha. Waxa kale oo goobtaas ka hadashay Shukri Maxamed Iyo Bashiir Sheekh oo ka waramaya sidii looga hortagi lahaa Gumeysiga looguna hiilin lahaa Halganka Ogadeniya.
Dhalinyarada OYSU London waxay garab taaganyihiin Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Johansberg waxayna ku dhiiri galinayaan inay sii xoojiyaan dadaalka ay ugu jiraan inay Maxkamad ku horkeenaan Danbiilayaasha xasuuqa ka geystay Dhulka Somalida Ogadeniya.

Maamul Cusub OYSU Holland.
Intaa ka dib Waxqabadkii ururka isaguna waxaa ka hadlay xaaladda uu wadanku ku suganyahay iyo siyaasadda iyo heerka gumaysiga Itoobiya ku sugantahay Hog w/faafinta Jaaliyadda Holand mudane c/laahi maxamuud oo tilmaamay inuu gumaysigu sii liicayo, iyo Afhayeenkii hore ee ururka OYSU Maxamed cashir cabdi oo ka hadlay wax qabadkii mudadadii gaabnayd ee ururka OYSU jiray oo uu ku sheegay inay qaadeen talaabooyin waawayn oo loo baahnaa.
Intaa kadib waxaa loo gudo galay xaalad 2aad oo Ururku uga faa’iidaystay shirkan oo ahayd in uu ururku doorto Xoghaye iyo gudi cusub maxaana meeshaas lagu doortay inuu noqdo Xoghayaha cusub ee ururka OYSU Holan Mudane maxamed cashir cabdi, halkaasoo ay xilka ku wareejisay xog hayihii hore Marwo farxiya xasan Cabdi,>
Mudane maxamed cashir ayaa markiiba halkaasi ka jeediyey Khudbad gaaban oo mahadnaqa, halka ay marwo fariyana balan qaaday inay la shaqaynayaan gudiga cusub.
Waxaana shirka soo xidhay Xoghayaha cusub Mudane maxamed Cashir Cabdi.
ONA
Ceremonies honouring 18 February, a historic day branded on the people of Ogadenia as the day of the massacre of the people of Ogadenia, were held at a conference hall in the city of Breda, Holland, in the capital Helsinki in Finland, and in the capital London. These meetings, organised by the youth unions in the Netherlands, Finland and London, began in a calm atmosphere.OYSU Finland
The youth of Ogadenia in Finland organised the February commemoration, a very well-attended gathering in which all the different sections of the Somali Ogadenia community took part, and the Ogadenia community in Finland played a major role in the gathering. We will post videos taken at the meeting for you later.
OYSU Holland:

The meeting was chaired by the secretary of the OYSU youth union in the Netherlands, Farxiya Xasan Cabdi. As is customary, it was first opened with verses of the Quran and a religious sermon by Sheekh Saalax. Then Dr Basahiir Yuusuf was welcomed to the microphone; he spoke about the ways in which the people of Ogadenia are tortured and elaborated at length on the methods of torture that the Ethiopian colonisers inflict on the defenceless people of Ogadenia.
Dr Bashiir said that the appearance or body of the individual is disfigured and turned into a body of death until the person confesses to the crime he is charged with.
That when people are being tortured they are blindfolded and at the same time tied tightly with two layers of rope, so that blows can land wherever is wished without the person seeing the blow or shielding himself from it, and this beating goes on for a long time.
That heavy objects are tied to women's breasts, and to men's testicles, and then they are told to pull; that people are beaten on the head so that the person becomes someone who has lost memory and understanding, as well as castration; and at the same time the people of Ogadenia are interrogated for long periods without being allowed to rest.
When the people are being interrogated, a cigarette is lit and, while the interrogation continues, it is pressed again and again against sensitive spots, and they are beaten on the palms, and the men on the testicles.
Among Dr Bashiir's remarks was that people are hung up with their heads put into a toilet. He cited one member of the people of Ogadenia whose head was put into a toilet while he was hung from a central pole that the Tigreans had built into their toilet, and he was beaten on the head. When he lost consciousness he was returned to the pit where they were being held, both boys and girls. When that man opened his eyes, he said, his first question was "What happened to the girls?" When he was told they were alive, his second question was "Is my head still on me?" — at which the people sitting there and he himself could not hold back their tears.
The other practices of the Tigreans that he mentioned were:
*they are forced to drink their own urine or salt water
*Being denied sleep as well as food.
*the rape of women.
*Officials of the so-called colonisers themselves committing rape in their camps
*That the women of Ogadenia are forcibly married, and if a woman refuses she faces prison, torture and even rape.
Dr Bashiir concluded his speech by saying that people are not afraid of prison, as everyone reckons on being arrested, but they are anguished over how long the period they will be detained will be.
OYSU LONDON,
At the gathering held in the city of London to commemorate Ogadenia Massacre Day, Bashiir Guray gave a presentation on the history of 1994 and the stages the Somali people of Ogadenia went through. Also at the venue, the freedom fighter and artist Yusuf Yare delivered emotional remarks, explaining that we have now reached the time when the situation of the Somali society of Ogadenia should be addressed, the time when accountability for the massacre committed against them has arrived, and the time when the perpetrators should be charged. Also speaking at the venue were Shukri Maxamed and Bashiir Sheekh, who talked about how to confront the colonisers and how to support the struggle of Ogadenia.
The OYSU London youth stand alongside the Somali Ogadenia community in Johansberg and encourage them to further strengthen their efforts to bring to court the perpetrators who committed the massacre in the Somali land of Ogadenia.

New Administration for OYSU Holland.
After that, the head of information of the Holland community, Mr C/laahi Maxamuud, spoke about the activities of the union as well as the situation the country is in and the politics and state of the Ethiopian colonisers, pointing out that the colonisers are weakening further; and the former spokesman of the OYSU union, Maxamed Cashir Cabdi, spoke about the activities of the OYSU union during the short period it has existed, saying that they had taken major, much-needed steps.
After that, the second item was taken up, which the union made use of this meeting for, namely for the union to elect a new Secretary and committee. Mr Maxamed Cashir Cabdi was elected there to become the new Secretary of OYSU Holland, whereupon the former secretary, Mrs Farxiya Xasan Cabdi, handed over the post to him.>
Mr Maxamed Cashir immediately delivered a short speech of thanks there, while Mrs Fariya pledged that they would work with the new committee.
The meeting was closed by the new Secretary, Mr Maxamed Cashir Cabdi.
ONAAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

