Waxay ka mid tahay dhaqanka gumaysiga iyo kuwa u adeega marka ay hakin kari waayaan halganka hubaysan inuu dadweynaha kaga aargoosto guuldarada soo gaadha ciidamadiisa iyo maxaysatada la socota.
Shabakadda Qorahay ayaa wararkii ugu dambeeyay ay ka soo tabiso Ogadenya waxay ku sheegtay inuu dagaal xoogan ka dhacay aaga Jigjiga iyo in maxaysatadii Hawaarin la faray inay fuliyaan falal aargoosi ah. Warbixinadaa ayaa ahaa sidan;
13kii bishan ayuu cutub CWXO ka mid ah fuliyeen weerar qorshaysan oo lagu qaaday ciidanka gumaysiga, oo fadhigiisu ahaa meesha lagu magacaabo Shabeeley oo deegaanada Jigjiga hoos yimaada oo u jirta magaalada 15-20Km.
Sida ay wararku ku soo gaadheen dagaalkaas oo ahaa weerara ay CWXO Askarta Tigreega ku qadeen wuxuu bilowday abaarihii 11:00 barqinimo xiliga Geeska Afrika wuxuuna socday mudo kooban waxaana gumaysiga lagaga gubaya 2 Gaadhi oo Uraalo ah, ciidankii saaraa & qalabkii ay wateen oo aan waxab ka badbaadin, sidoo kale waxaa cadowga loo gaysatya khasaare balaadhan oo dhinac walba ah waxaana laga furtaya hub & saanad kale oo muhiim ah.
Wararka kale laga helayo meelo kala duwan oo Ogadaeenya ayaa sheegaya in ay Jigjiga yimaadeen qaar ka mid ah maamul ku sheegyada maqaar saarka ah ee Gobolada Ogaadeenya gumaysigu u dhoodhoobay, laba todobaad ka hor ayaa magaalada Jigjiga waxaa shir loogu qabtaya kuwa ciidamada gumaysiga Itoobiya xabada looga dhigo ee Hawaarainta waxaana lagu amraya in ay fuliyaan qorsheyaw & go’aano ay Saraakiisha Tigreegu soo hor dhigeen.
Awaamiirta Hawaarinta la siiyaay ayaa la sheegayaa in ay ugu horeysay sidii shacabka Soomaalidda Ogaadeenya waxyyeelooyinka & cadaadiskii ay horey u qabeen loogu kordhin lahaa, waajibaadkii Hawaarinta la siiyaya isla markaasna ay ciidamada Tigreegu ah hogaaminayaan waxaa ka dhashay xasuuqa balaadhan ee Gobolka Jarar ka socda kaas oo ilaa hada aan joogsanin dad faro badana lagu laayay qaaraklean lagu xidhxidhay iyadoo dad badana aan raq & ruux meel ay ku dambeeteen la arag.
Hadaba si dhibaatda & dulmiga shacabka Soomalidda Ogaadeenya lagu hayo loo sii xoojiyo waxaa la isugu yeedhay maamul ku sheegyada maqaar saarka ah ee loo wakiishay in ay dhiiga shacabkooda cabbaan, waxaana shir loogu qabanayaa Magaalada Jigjiga kaas oo barito furmi doona isla markaasna ay wakiilada gumaysigu ku sheegeen qiimayn balse la filayo sidii gumaysiga caadada u ahayd in daabdhilifyada lagu amri doono in ay ka qayb qaataan xasuuqa arxan darada ah ee shacabka dhibaatadu daashatay lagu hayo kaas oo la doonayo in dhamaan shacabka Soomaalidda Ogaadeenya lagu gumaado.
ONA.
It is part of the practice of colonisers and those who serve them that, when they are unable to halt the armed struggle, they take revenge on the general public for the defeats suffered by their forces and the militias that accompany them.
The Qorahay network, in the latest news it reports from Ogadenia, stated that heavy fighting took place in the Jigjiga area and that the Hawaarin militias have been ordered to carry out acts of reprisal. The reports were as follows;
On the 13th of this month, a unit of the ONLF carried out a planned attack on the colonial forces, who were based at a place called Shabeeley, which falls under the Jigjiga localities and is 15-20 km from the town.
According to the reports received, the fighting, which was an attack the ONLF launched on the Tigrayan soldiers, began at around 11:00 in the morning, Horn of Africa time, and lasted a short period. The colonisers had 2 Ural vehicles burned, along with the soldiers aboard them and the equipment they were carrying, none of which survived. The enemy was also inflicted extensive losses on every side, and weapons and other important supplies were seized from them.
Other reports received from various places in Ogadenia say that some of the puppet so-called administrations of the Ogadenia regions, whom the colonisers have set up, have come to Jigjiga. Two weeks ago, a meeting was held in the town of Jigjiga for the Hawaarin, who are used as bullet shields for the Ethiopian colonial forces, and they were ordered to carry out plans and decisions that the Tigrayan officers had laid before them.
The foremost of the orders given to the Hawaarin is said to be how to increase the harm and oppression already inflicted on the Somali people of Ogadenia. The duties given to the Hawaarin, at the same time led by the Tigrayan forces, have resulted in the extensive massacre taking place in the Jarar region, which has not stopped to this day, in which many people have been killed, others imprisoned, and many people whose fate, whether dead or alive, is unknown.
Now, in order to further intensify the suffering and oppression inflicted on the Somali people of Ogadenia, the puppet so-called administrations, who have been appointed to drink the blood of their own people, have been summoned, and a meeting is being held for them in the town of Jigjiga, which will open tomorrow. The representatives of the colonisers have described it as an evaluation, but it is expected that, as has been the colonisers' custom, the collaborators will be ordered to take part in the merciless massacre being inflicted on the long-suffering public, which is intended to annihilate all of the Somali people of Ogadenia.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
