Maqaaal aad u qiimi badan oo sixitaan ah oo ka xogwaramnaya taariikhda halganka shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ayuu Dr. Faysal Rooble kaga jawaabay maqaal uu hadda ka hor qoray nin lagu magacaabo Mr. Tebeba Esheta oo ah nin Axmaara ah oo jaamacadda Asmara wax ka dhigi jiray 1990-meeyadii. Maqaalkan oo shabakadda Wadheernews lagu soo qoray ayuu Dr. Faysal ku sheegay inuu kaga jawaabayo waxyaabaha uu qoray Mr. Tebeba isagoo sheegay inay awoowgii iyo reeraha uu ka dhasay ay si gaar ah u taabanayso arinta ku saabsan kacdoonkii Gariga ee 1941-42 iyo 1948-57. Wuxuu Faysal Roble ku xusay qoraalkiisa in taariikhda uu soo qaatay Tebeba ay tahay mid uu kala soo dhex baxay qoraalada Itobiya, inkastoo uu dadaalay oo taariikha badan uu soo faagay, hadana waxyaaba badan oo xaqiiqada ka fog ayuu soo qaatay Mr. Tebeba.
Wuxuu kula taliyay Dr. Faysal dadka aqoonta leh inay aad u quusaan taariikhda marka ay baadhayaan taariikhda dagaaladii iyo halganadii Somalida oy isweydiiyaan su’aalaha muhiimka ah sida; Muxuu halganka Somalida ay kula jirto Itobiya u yahay mid joogta ah? Muxuu weli u socdaa halganka Somalida ay ku sugayaan nabad-galyadooda iyo cadaaladooda inkastoo ay soo mareen abaaro badan iyo dagaal aan dhamaad lahayn? Su’aalahaa isagoo ka ambaqaadaya ayuu Dr. Faysal Rooble taariikhii dhacay waqtiyadaa ka xogwaramay.
Wuxuu Dr. Faysal hordhac ahaan u xusayaa taariikhda Itobiya ay ku qabsatay Somalida uu ahaa dagaal joogta ah iyo ciqaab wadareed naxariisdarro ah. wuxuuna sheegay inay taariikhdaa wadaagaan xad-gudub joogta ah oo Itobiya ay wado iyo mintidnimo joogtada ah oo shacabka Somalida ay ku raadinayaan xalka dhibaatada haysata. Su’aalo aad muhiim u ah ayuu soo hor dhigay Dr Faysal aqoonyahanka arimahan Somalida iyo Itobiya wax ka qora isagoo tusaale ahaan u soo qaatay qoraalka Tobias Hagmann oo u qoray si ka duwan oo ka xeel dheer siduu Tebebe u fududestay arintan.
Tobiyas Hagmann wuxuu yidhi; “Qadiyadda Ogadenya ma’aha arin ugub ah. Xidhiidhka ka dhexeeya Itobiya iyo dhulka hoose ee Somalida wuxuu ku dhisan yahay dagaal siyaasadeed oo ciidamada Itobiya ay ku lug leeyihiin iyo ciidamo goboleed nabadda sugaya iyo dhibaatooyin aadminimo oo ka dhashay abaaraha, daadadka, dagaalada iyo barakaca dadweynaha. Weerarkii ONLF ay ku qaaday shirkadii Shiinaha ee shidaalka Dhagaxbuur bishii Abriil 2007 wixii ka horeeyay haya’daha caalamka, diblomaasiyiinta reer galbeedka iyo haya’daha samafalada intaba way ka indha dadbi jireen arimaha maalin walba ka dhacaya Ogadenya.”
Hordhacaa ka dib wuxuu gudagalay Dr. Faysal Rooble inuu baadho taariikhda halgan ee shacabka S. Ogadenya isagoo sheegay inay ka qoda dheertahay siduu u dhigay Mr. Tebeba oo yidhi waxaa abuuray gumaysigii Ingriiska oo iska indha tiray heshiiskii dhex maray Ingriiska iyo Itobiya 1942. Wuxuu yidhi Dr. Faysal qadiyadda Ogadenya waa arin ka dhalatay shacab la qabsaday oo u dagaalamaya inay helaan cadaalad iyo nabadgalyo. Wuxuuna sheegay inay lagama maarmaan tahay si loo ifiyo xaqiiqada dagaalada iyo halganka ka socda gobolka in la dhilo lakabyada taariikhda ee is-dul saaran. Wuxuu intaa raaciyay in dagaalka ka socda Ogadenya uu ka fac tirsanayo dagaaladii diiniga ahaa ee ka socday gobolka ee bilowday qarnigii 14aad. Wuxuu six eel dheer uga hadlayaa Dr. Faysal dagaaladii soo dhex maray ciidamada Itobiya oo dadka dhaca hayay isla markaana u qaybinayay xoolaha dadweynaha ciidamadooda iyo Amxaarada masiixiga ah ee la socda ciidamada oo loogu talagalay inay dagaan dalka ( — distributed the bounty among the elite Amhara Christians, otherwise known as Naftenyas –Settlers-). Waxaa ka mid ah dagaalada dhacay 1941 – 42 iyo 1948-58 dagaalada ay Somalida u yaqaanaan buu yidhi Dr. Faysal (“Dagaaladii Geriga”). Dagaalka 1aad oo ahaa mid gaaban hasa ahaatee kulul wuxuu ka dhashay markii Itobiya damacday inay soo dajiyaan Amxaarada dhulka Gariga iyo Jaarsada. Ujeedada waxay ahayd in hab dhulgoosi ah loo qaato inta u dhexeysa Harar ilaa Jigjiga. Waxaa arintaa ka dhiidhiyay oo jabiyay ciidamadii Itobiyaanka ahaa ee soo duulay oo ka saaray dhulka loo yaqaano (reserve area) Garad Cali Garad Dalal oo kaashanaya walaalkii Garad Yusuf oo dagaalka hogaaminayay. Kacdoonkan Geri ayaa ahaa mid habaysan oo la odhan karo wuxuu hordhac u ahaa asaaskii 1942 ururkii dhalinyarada ee loo yaqiinay SYC Somali youth Council kaasoo ahaa midka uu ka unkamay xisbigii Somali Youth League (SYL 1947), iyadoo laga sifeeyay Itobiyaankii magaalooyinka oo la wada gubay dhismayaashoodii iyo meelihii ay soo dageen ee Koojaar, Jinacsani iyo Fiyambiiro. Sylvia Pankhurst oo wax ka qortay dagaalkan ayaa sheegtay inuu ahaa dagaal aad u kulul, iyadoo tidhi wuxuu Garaadka qabsan gaadhay Harar ka dib markuu cagta mariyay ciidamadii Itobiya.
Arimaha kalee uu Dr. Faysal ku diiday qoraaga Eretrea Mr. Tebeba waxaa ka mid ahaa siduu u sharxay soo dhaweeyntii Duqqii magaalada Berbera Major Walsh Kacdoonka Garaadka iyo Qorshihii Mr. Bevin ee ahaa in hal dawlad lagu mideeyo umadda Somaliyeed arimahaa oo Tebeba uu ku tilmaamay inay sababeen kacdoonka Garaadka. Wuxuu yidhi Dr. Faysal; waxaa isweydiin mudan, sababta uu Major Walsh u soo dhaweeyay kacdoonka Garaadka socdaalkii uu ku yimid Jigjiga 1942? Sababta uu walsh u ogolaaday qabsashadii Garaad Cali dhamaan dhulka loo yaqaano Reserve Area oy ku jirto Harar?
Dr. Faysal wuxuu sheegay inuu Major Walsh la socday xaaladaha qoyska Geri oo qayb ka mid ah oo ah Reer-Awmame ay daganaayeen gobolka Berbera. Sidaa darteed sheegashada Itobiya inay leedahay dhulka Reserve Area waxay ugu muuqatay Major Walsh damac gumaysi inay tahay oo lagu soo afjari karo kacdoonka Geri. Wuxuu kaloo ogsoonaa in dawladda Ingriiska ay u aragto Itobiya inay tahay quwad ku jirta looltanka gumaysiga dhulka Somaliyeed.
Dagaaladii Geri ee socday 1948-57 iyo dhibaatada haysata umadda Somaliyeed ilaa maantadan oo dad badan ay ku nafwaayeen ayuu ku tilmaamay Dr. Faysal inay sabab u ahayd 3ex arimood. Go’aankii ay qaateen guddigii isbahaysigii ku guulaystay dagaalkii 2aad (Allied Powers Commission) 1948dii ee dhulka Somaliyeed ee Hawd iyo Reserve lagu siiyey Itobiya, taasoo kala qaybisay umaddii Somaliyeed. Waxaa kaloo ka mid ah arimaha keenay kacdoonka Geri ee Dr. Faysal uu xusay qodobka 127 ee lagu daray dastuurka oo Somalida ka soo qaaday wax aan jirin isla markaana siiyay awood dawladeed kaniisada Orthodox Itobiya oy tahay inuu boqorka ka shaqeeyo fidinta diinta Masiixiga isla markaana magaca boqorka lagu xuso isu imaatinada diimeed oo loogu duceeyo. Iyo waliba qodobka 125 oo ka dhigay afka Amxaariga, luqadda rasmiga ah ee boqortooyada. Waxaa kaloo ka mid ahaa canshuur lagu soo rogay dadka –Beeralay iyo xoola dhaqataba – taasoo ay diideen shacabkii Garaadkii Garina uu is-hortaagay.
Maqaalkan oo aad u dheer una xiisa badan ayuu ku soo ururiyay Dr. Faysal in kacdoonkaa Geri uu asaas u noqday kacdoonadii ka dambeeyay uu abuurayna dareen siyaasi ah oo dhaliyay dhaq-dhaqaaqii NasruLaahi ee 1950kii ee Ugaas Maxamuud Majeerteen uu madaxda ka ahaa iyo Sh. Cabdinaasir, labadaa halyay oo aan luminin hamigoodii tawrigaa ahaa iyagoo gaboobay xataa. Waxaa ka dambeeyay Garad Maqtal Daahir oo ka mid ah buu yidhi Dr. Faysal shaqsiga Dagaalyahanada Gobanimadoonka Afrika ugu soo jeedashada badnaa (most charismatic liberation fighters) oo ahaa nin muuqaal dheer oo gadh weyn oo haybad ah leh. Wuxuu sameeyay kacdoonkii Geeshka kaasoo asaas u noqday dhaq-dhaqaaqii WSLF iyo halganka hadda socda ee ONLF.
Ugu dambayntii wuxuu ku tilmaamayaa Dr. Faysal fikirka Tibebe Ashete ee ah inuu Ingriiska walaaqay xidhiidh fiicn oo ka dhexeeyay Amxaaradii la soo dajiyay deegaanada Jigjiga ee Geri iyo Jaarso iyo gabi ahaan Hawd iyo Reserve Area oy iyagu dhiiriglaiyeen Kacdoonkii Geriga inay tahay fakir hooseeya. Arinta dhex taala Somalida iyo Itobiyaanka waa arin gumaysi oo u keenay dhibaatoyin farabadan gobolada Somalida.
Faisal A. Roble
Email: fabroble@aol.com
Tarjumaada ONA.
Faisal Roble
August 08, 2011
Dr. Faysal Rooble has responded with a very valuable corrective article on the history of the struggle of the Somali people of Ogadenia to an article previously written by a man named Mr. Tebeba Esheta, an Amhara who taught at Asmara University in the 1990s. In this article, published on the Wadheernews website, Dr. Faysal said that he was responding to what Mr. Tebeba had written, stating that the matter of the Gari uprisings of 1941-42 and 1948-57 particularly concerns his grandfather and the clans he descends from. Faysal Roble noted in his writing that the history Tebeba presented is one he extracted from Ethiopian writings, and that although he made an effort and examined much history, Mr. Tebeba nevertheless presented many things that are far from the truth.
Dr. Faysal advised scholars to dig deep into history when researching the history of Somali wars and struggles and to ask themselves important questions such as: Why is the struggle the Somalis are waging against Ethiopia a perpetual one? Why does the Somali struggle to secure their safety and justice still continue despite their having gone through many droughts and endless war? Proceeding from these questions, Dr. Faysal Rooble discussed the history that took place during those times.
By way of introduction, Dr. Faysal notes that the history of Ethiopia's occupation of the Somalis has been one of perpetual war and merciless collective punishment, and he said that this history is characterised by continuous abuses carried out by Ethiopia and continuous militancy through which the Somali people seek a solution to the hardship facing them. Dr Faysal put very important questions to scholars who write about Somali and Ethiopian affairs, citing as an example the writing of Tobias Hagmann, who wrote differently and more insightfully than the way Tebebe simplified this matter.
Tobiyas Hagmann said: "The Ogadenia issue is not a new matter. The relationship between Ethiopia and its Somali lowlands is built on a political conflict involving Ethiopian troops and regional peacekeeping forces, and humanitarian crises resulting from droughts, floods, wars and the displacement of the population. Before the ONLF attack on the Chinese oil company in Dhagaxbuur in April 2007, international agencies, Western diplomats and charitable organisations alike used to turn a blind eye to the issues happening every day in Ogadenia."
After that introduction, Dr. Faysal Rooble went on to examine the history of the struggle of the people of S. Ogadenia, saying that it has deeper roots than how Mr. Tebeba put it, who said it was created by British colonialism, which ignored the agreement between Britain and Ethiopia in 1942. Dr. Faysal said the Ogadenia issue is a matter arising from an occupied people fighting to obtain justice and security. He said that in order to illuminate the truth of the wars and struggle taking place in the region, it is essential to peel back the overlapping layers of history. He added that the war taking place in Ogadenia is an offshoot of the religious wars in the region that began in the 14th century. Dr. Faysal speaks in great depth about the wars that took place between Ethiopian troops, who were looting the people and at the same time distributing the people's livestock among their troops and the Christian Amhara accompanying the troops, who were intended to settle the land ( -- distributed the bounty among the elite Amhara Christians, otherwise known as Naftenyas –Settlers-). Among the wars that took place in 1941 – 42 and 1948-58 are the wars that Somalis know as ("the Geri Wars"), said Dr. Faysal. The 1st war, which was short but intense, arose when Ethiopia sought to settle Amhara on the land of the Gari and Jaarso. The aim was to seize the area between Harar and Jigjiga as a form of land grabbing. Resisting this and defeating the invading Ethiopian troops, driving them out of the land known as (reserve area), was Garad Cali Garad Dalal, together with his brother Garad Yusuf, who led the fighting. This Geri uprising was an organised one which could be said to have been a precursor to the founding in 1942 of the youth organisation known as the SYC Somali youth Council, from which the Somali Youth League party (SYL 1947) originated, as the Ethiopians in the towns were purged and their buildings and the places they had settled in Koojaar, Jinacsani and Fiyambiiro were all burned. Sylvia Pankhurst, who wrote about this war, said it was a very intense war, saying that the Garaad nearly captured Harar after he had trampled the Ethiopian troops.
Other matters on which Dr. Faysal rejected the Eritrean writer Mr. Tebeba included how he explained the Berbera district chief Major Walsh's welcoming of the Garaad's uprising and Mr. Bevin's plan to unite the Somali nation under one state, matters which Tebeba described as having caused the Garaad's uprising. Dr. Faysal said: it is worth asking, why did Major Walsh welcome the Garaad's uprising during the trip he made to Jigjiga in 1942? Why did Walsh permit Garaad Cali's capture of the entire land known as the Reserve Area, including Harar?
Dr. Faysal said that Major Walsh was aware of the situation of the Geri family, a part of which, the Reer-Awmame, lived in the Berbera region. Therefore, Ethiopia's claim that it owned the Reserve Area land appeared to Major Walsh to be a colonial ambition that could be brought to an end by the Geri uprising. He also knew that the British government viewed Ethiopia as a power involved in the colonial competition over Somali land.
Dr. Faysal described the Geri wars that took place in 1948-57, and the hardship that the Somali nation faces to this day, in which many people have lost their lives, as having been caused by 3 matters. The decision taken in 1948 by the commission of the alliance that won the 2nd war (Allied Powers Commission) by which the Somali lands of the Hawd and the Reserve were given to Ethiopia, which divided the Somali nation. Also among the matters that brought about the Geri uprising that Dr. Faysal mentioned is article 127 added to the constitution, which excluded the Somalis and at the same time gave state power to the Ethiopian Orthodox church, including that the emperor must work to spread the Christian religion and that the emperor's name be mentioned and prayed for in religious gatherings. And also article 125, which made the Amharic language the official language of the empire. Also among them was a tax imposed on the people – both farmers and pastoralists – which the people rejected and the Garaad of the Gari opposed.
In this very long and very interesting article, Dr. Faysal concluded that the Geri uprising became the foundation of the uprisings that followed it and created a political consciousness that gave rise to the NasruLaahi movement of the 1950s, led by Ugaas Maxamuud Majeerteen and Sh. Cabdinaasir, two heroes who did not lose their revolutionary ambition even as they grew old. They were followed by Garad Maqtal Daahir, who, said Dr. Faysal, was one of the most charismatic African liberation fighters (most charismatic liberation fighters), a tall man with a large beard and an imposing presence. He launched the Horn uprising, which became the foundation of the WSLF movement and the current struggle of the ONLF.
Finally, Dr. Faysal describes as a low-level idea Tibebe Ashete's notion that the British disrupted a good relationship that existed between the Amhara settled in the Jigjiga areas of the Geri and Jaarso and the Hawd and Reserve Area as a whole, and that they encouraged the Geri Uprising. The issue between the Somalis and the Ethiopians is a colonial issue that has brought a great many hardships to the Somali regions.
Faisal A. Roble
Email: fabroble@aol.com
Translation by ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
