Qofka intaa kuu sheega waxba kuuma aanu faa’idaynin. Taas waxay la mid tahay qof gumaysiga u galay oo isku dayahaya inuu dib u masaxo wuxuu islahaa halganka shacabkaaga ayaad u tartey. Sababtoo ah qofkastoo caqli leh wuxuu garan karaa inuu gorgortanka uu la galay gumausiga ay midaa ahayd. Hadii kale muxuu gumaysiga ugu xishay oo intaasoo kharash ah iyo waqti u galiyay una buunbuuniyaa.
Maqaalkii dheeraa ee Nuradin Jilani cinwaankiisuna ahaa (Understanding Ethiopia’s Culture War in Ogaden: a Meditation with Ngugi wa Thiong’o) tusaalooyinka uu soo qaatay sababta ay Itobiya kolba u soo ugaadhsanayso fanaaniinta ama qaar ku soo caan baxay taageerada halganka shacabka gumaysi diidka ah ayuu ku sheegay inuu qoraaga u dhashay Kenya Mr. Koriri yidhi waa mid taariikh ahaan ay isu adeegsadaan dadka iska soo horjeeda, hadafkiisuna yahay in qofka markuu inkiro oo dacaayadeydo wixii uu horey u aaminsanaa iyo taariikhdiisii hore laga dhigo in shacabkiisii laga adkaaday oo laga xoogbatay. Waana sababta ay xukuumadda Itobiya uga yeedh-siinayso inay caayaan fikradii ay aaminsanaayeen qaar horey u ahaan jiray ama u taageersanaa ONLF. Waana sababta ay kolba qurbaha uga soo ururinayaan qaar horey u ahaa ONLF ama aanan ka mid noqon waligood oo caalamka loo tusayo, si loo yidhaahdo ONLF qalalaase ayaa ka dhex taagan.
Albaabka ONLF wuxuu u furan yahay qofkasta oo doonaya inuu ka qaybqaato halganka uu shacabka Ogadenya ugu jiro inuu aayihiisa ka tashado iyo qofkasta oo doonaya inuu caalamka u soo bandhigo dhibaatada uu cadawga Itobiya ku hayo dadka shacabka ah een waxba galabsan ee haweenka iyo dadka birma-gaydada lagu tilmaamo ee ka reeban qaanuunka dawliga iyo shuruucda diiniga ahba in la dhibaateeyo. Albaabkaa furan waxaa kaloo ka bixi kara qofkii horey uga soo galay markuu doono inuu gumaysiga kaga qaato xoogaa dhaqaale ah is-ceebeyntiisa. Sababtoo ah inuu is-ceebeeyo si aan ahaynoo uu wax kaga helayo gumaysiga ayaaban jirin. Waa inuu ama iska dhigaa duqun la siray oo wax lagu shubtay ama fulay la qasbay oo wax aanu rabin laga sheegsiiyay.
Hadaan hoos ugu foorarsano wareysiga ee Univ.TV la yeelatay dhalinyaro ka mid ah kuwii ka soo shaqeeyay barnaamijkii SC, su’aasha ugu horeysa ee qofka maskaxdiisa ku soo dagdagaysa waxay tahay maxaa ku kalifay dhalinyaradan inay cadawga u tagaan? Waa su’aal mashruuc ah inuu qofka isweydiiyo. Waxaase ka horeysa inuu isweydiiyo maxaa markii hore ku kalifay inay waqti iyo juhdi iyo xamaasad xoogan galiyaan mashruucuu SC? Sababtoo su’aashan ayaa furi u ah midda hore. Sida ay iyagu sheegeen ahna xaqiiqa aan ka dabatag lahayn, dhalinyaradan iyagaa isdiray, kadibna isabaabulay kadibna caalamka meel walba gaadhsiiyay wixii ay ku soo arkeen dadkoodii ay dhex tageen. Jaaliyadaha Somalida Ogadenya iyo kuwa kalee Somaliyeedba waxay ku taageereen inay u sahlaan hawshii ay soo qabteen siday caalamka u gaadhsiin lahaayeen. Isakaashigaa labada dhan ah, dhalintii SC iyo abaabulkii jaaliyadaha (oo la’aantood aanay waxba u hirgaleen) waxaa ka dhashay laba arimood. 1- caalamka oo arkay waxqabadka dhalinyarada iyo dadaalka ay galeen, aqbalayna wixii ay u soo bandhigeen. 2- gumaysiga Itobiya oo markuu dareemay culayska barnaamijka SC, dadaal dheer u galay siduu u kala daadin lahaa is-haysashada dhalinyaradaa iyo in aan qayb 2aad oo barnaamijkaas ah hirgalin. Inuu midaa ku guulaystay iyo in kale mustaqbalka ayaan u daynaynaa.
Wuxuuse ku guulaystay sida muuqata in qayb ka mid ahaa dhalintii SC ay gacanta ku dhigeen Itobiya. Sida aan ku helayno warbixino hoose, waxaa arintaa ka shaqeeyay safaaradda Itobiya ee London gaar ahaan Ina Duulane isagoo adeegsanaya maal iyo sasabaad. Wuxuuna ka soo xaluushay is-qabqabsi dhalinta dhexdooda ahayd oo kuwan hadda u galay lagu eedeeyay anshax xumo iyo hogaansanaan la’aan iyo inay iskala weynaadeen wada-shaqayntii looga baahnaa dhexdooda iyo mashruucii ay wadeen. Waana meelaha uu gumaysiga ka ugaadhsado dadka aan lahayn garaadka ku filan ee laga yaabo inay markoodii horeba u soo galeen halganka ku danaysi iyo i arka i maqla.
Ugu dambayntii maqaal ku qoran Nazret.com oo aad uga hadlaya falaadka ururka gacanta birta ah ku haya xukunka Itobya ayaa wuxuu odhanayaa; “Ururka TPLF wuxuu ogaaday ahmiyadda ay leedahay dagaalka dacaayadda waa hore oo ahayd intuu kula jiray dagaalka xukuumadii Mingisto. Markay la wareegeen taladii dalka, ururka TPLF waxba kama badalin istraartijiyadoodii dagaalka dacaayadda .. (The TPLF learned the importance of propaganda war at the early stage of its armed struggle against the Derg. Since taking power, the TPLF has not changed its propaganda war strategy .. )“
Arimaha loo adeegsanyo Unv.TV waa un istraatijyadaa, hasa ahaatee shacabka S.Ogadenya wuu ka koray hadda heer ay halganka shacabkooda iyo heerka uu marayo kala socdaan Unv.TV iyo kuwa cadawga u gala ee dib u masaxa taariikh hadday ku lahaayeen shacabka dhexdiisa.
ONA.
A person who tells you that much has done you no favour. It is the same as someone who has gone over to the colonizer and tries to erase what he once claimed he did for the struggle of your people. Because any sensible person can recognise that the bargain he struck with the colonizer was exactly that. Otherwise, why would the colonizer favour him, invest so much money and time in him, and blow him up out of all proportion?
In the long article by Nuradin Jilani entitled (Understanding Ethiopia’s Culture War in Ogaden: a Meditation with Ngugi wa Thiong’o), among the examples he cited of why Ethiopia keeps hunting down artists, or those who became well known for supporting the anti-colonial struggle of the people, he stated that the Kenyan-born writer Mr. Koriri said this is something historically used by opposing sides, and its aim is that when a person renounces and spreads propaganda against what he previously believed and against his own past, it is made to look as though his people have been defeated and overpowered. That is why the Ethiopian government makes some who used to be members or supporters of the ONLF publicly denounce the ideas they once believed in. And that is why, time and again, they gather from the diaspora some who used to be in the ONLF, or who were never part of it, to be paraded before the world, so that it can be said that the ONLF is beset by turmoil.
The door of the ONLF is open to anyone who wishes to take part in the struggle of the people of Ogadenia for self-determination, and to anyone who wishes to show the world the suffering that the Ethiopian enemy inflicts on innocent civilians, on women, and on those described as non-combatants who are protected from harm under both international law and religious law. Through that open door, anyone who previously entered may also leave when he wishes to obtain some money from the colonizer by disgracing himself. Because there is no way he can gain anything from the colonizer other than by disgracing himself. He must either play the fool who was deceived and filled with something, or the coward who was forced to say things he did not want to say.
If we look closely at the interview that Univ.TV held with some of the young people who worked on the SC programme, the first question that rushes into one’s mind is: what drove these young people to go over to the enemy? It is a pertinent question for one to ask oneself. But before that, one should ask oneself: what originally drove them to invest time, effort and great enthusiasm in this SC project? Because this question is the key to the first one. As they themselves stated, and as is an undeniable fact, these young people sent themselves, then mobilised themselves, and then brought to every corner of the world what they had witnessed among the people they had gone to. The Somali communities of Ogadenia and other Somali communities supported them by facilitating the work they had carried out so that they could bring it to the world. That cooperation between the two sides, the SC youth and the mobilisation of the communities (without which nothing would have been achieved), produced two outcomes. 1- The world saw the work of the young people and the effort they had made, and accepted what they presented to it. 2- The Ethiopian colonizer, when it felt the weight of the SC programme, made great efforts to break the unity of those young people and to prevent a second part of that programme from being carried out. Whether it succeeded in that or not, we leave to the future.
What it has clearly succeeded in, however, is that some of the SC youth have fallen into Ethiopia’s hands. According to inside reports we are receiving, the Ethiopian embassy in London worked on this matter, in particular Ina Duulane, using money and enticement. He took advantage of a dispute among the young people, in which those who have now gone over were accused of misconduct and insubordination, and of placing themselves above the cooperation required among them and the project they were running. These are the places where the colonizer hunts for people who lack sufficient understanding, who may have joined the struggle in the first place out of self-interest and a desire to be seen and heard.
Finally, an article written on Nazret.com that discusses at length the deeds of the organisation holding power in Ethiopia with an iron fist says: “The TPLF organisation learned the importance of propaganda warfare long ago, during the time it was fighting the Mengistu government. When they took over the leadership of the country, the TPLF organisation did not change anything in its propaganda war strategy .. (The TPLF learned the importance of propaganda war at the early stage of its armed struggle against the Derg. Since taking power, the TPLF has not changed its propaganda war strategy .. )“
What Unv.TV is being used for is simply that strategy; however, the people of S. Ogadenia have now grown beyond it, to a level where they follow the struggle of their people and the stage it has reached, beyond Unv.TV and those who go over to the enemy and erase whatever history they may have had among the people.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

