Wargayska –The Star – ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee dalka Kenya amar lagu siiyay inay ka eryaan 2,500 oo qabiilka loo yaqaano Merille oo Itobiya ah oo weeraro ku hayay dadka shacabka ah ee xuduuda 2da dal u dhexeysa daga.
Waxuu sheegay wargayska in dawladda Itobiya la wargaliyay inay dadkaa dib uga raraan dalka Kenya hadii kale si qasab ah looga saari doono. Waxaa lagu eedeynayaa in ugu yaraan dad gaaraya 40 qof oo Kenya ah ay dileen Itobiyaanka oo duulaan ku soo qaaday laba todobaad ka hor dadkii shacabka ahaa ee halkaa daganaa.
Shalay ayuu RW Kenya Mr. Odinga u sheegay baarlamaanka in guddi hoosaadkii uu gudoominayay Madaxwene Kibaki oo kulmay Talaadadii ay siiyeen ciidanka amarka ah inay si qasab ah ku raraan qabiilka Merille hadday si kale ku bixi waayaan, arintaa oo loo sheegay ayuu yidhi Mr. Odinga Mariilehii soo galay Kenya.
Wuxuu intaa ku daray RW Odinka in qabiilkan ay hubaysan yihiin badankooda ayna ka soo gudbeen xadka oo ilaa 17 Km ay gudaha Kenya ugu jiraan iyagoo ka qaatey dhulkoodii qabiilka Turkaana ee daga balliga Turkana.
Wuxuu RW Odinga ku eedeeyay arintan ciidamada qalabka sida ee Kenya oo uu sheegay in aanay arintan waxba ka qaban inkastoo malaayiin lacag ah lagu bixiyo hubkooda iyo mushaharka la siiyo. Wuxuu intaa ku daray in kor loo qaadi doono tababarka booliiska loo yaqaano Todonyang oo goobahaa la gayn doono.
Itobiya ayaa waxay aad ugu caan baxday inay dawladaha dariska la’ah marwalba ka dhex shido qalaalse iyadoo qabiilada isku hubaysa. Waxayna falalka noocan ah samaysaa marka ay doonayso inay culays saarto dawladaa dariska la’ah si ay uga hesho tanaasulaad siyaasi ah. Waxaa ka horeeyay isku dhacan midkii ay ku soo qaadeen xadka Mandheeraa oy ku laayeen qaar ka mid ahaa booliiska Kenya.
ONA
The newspaper –The Star–, published in Kenya, has reported that Kenya's armed forces have been ordered to expel 2,500 members of the Ethiopian tribe known as the Merille, who have been carrying out attacks on civilians living along the border between the two countries.
The newspaper said the Ethiopian government has been notified to move those people back out of Kenya, or else they will be removed by force. The Ethiopians, who launched an invasion two weeks ago against the civilians living there, are accused of killing at least 40 Kenyans.
Yesterday, Kenyan PM Mr. Odinga told parliament that the sub-committee chaired by President Kibaki, which met on Tuesday, had ordered the forces to forcibly move the Merille tribe if they would not leave otherwise, a matter that Mr. Odinga said had been communicated to the Merille who entered Kenya.
PM Odinka added that most members of this tribe are armed and that they crossed the border and are up to 17 km inside Kenya, having taken the land of the Turkaana tribe, who live in the Turkana plains.
PM Odinga blamed Kenya's armed forces for this situation, saying they had done nothing about it even though millions in money are spent on their weapons and the salaries they are paid. He added that the training of the police known as Todonyang would be stepped up and that they would be deployed to those areas.
Ethiopia has become notorious for constantly stirring up unrest in neighbouring countries by arming tribes against one another. It carries out acts of this kind whenever it wants to put pressure on a neighbouring government in order to extract political concessions from it. This clash was preceded by one they launched on the Mandheeraa border, in which they killed some members of the Kenyan police.
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
