
Idaacad ka baxda dalka Mareykanka oo lagu magacaabo KPFA ayaa lagaga hadlay xasuuqa ka socda Ogadenya 4tii July oo ah maalintauu dalka Mareykanka xoriyadda qaatay.
Waxaa barnaamijka lagu falanqeeyay ciidamada la sheegay inay Itobiya u direyso gobolka Abyei ee dalka Sudan iyadoo la fulinayo go’aan ka soo baxay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay si looga badbaadiyo shacabka Abyei dagaal gaysta xasuuq.
Wuxuu barnaamijyka ka waramay in dawladda Mareykanka ay ciidanka Itobiya u dirtay halkaa, si loo hirgaliyo go’aankaa ka soo baxay QM, hasa ahaatee ay saxafiyiinta Afrika cadeeyeen in sababta cidaamada Itobiya loogu diray meesha ay tahay say u ilaaliyaan danaha Mareykanka ee shidaalka gobolka. Waxay saxafiyiinta Afrika taageereen warbixinadii ay soo saareen Human Rights wach iyo ururo kale oo xuquuqda aadanaha u dooda ee muujinayay in Mareykan iyo Golaha Amniga labadaba ay iska indh tireen xasuuqa ciidamada Itobiya ey ka wadaan Ogadenya.
Idaacadda oo wareysatay Thomas Mountain oo ah aqoonyahan arimaha caalamka ahna wariyaha kaliya ee wax ka qora arimaha Geeska Afrika ayaa yidhi; Itobiya waa askari Mareykan oo heegan ah oo lagu fuliyo hawlaha wasakhda ah. Waxay isku raaceen Thomas Mountain, iyo saxafiga Afrika isla markaana baadha arimaha xuquuqul insaanka Mr Keith Harmon, in Mareykanka iyo QM (UNO) ay ka indha dadbaan xasuuqa ay Itobiya ku hayso shacabka Ogadenya. Waxay sheegeen inay Itobiya ka joojisay raashinkii iyo dawadii malaayiin qof oo hadda qarka u saran macaluul iyadoo ay abaaraha ka jira Geeska Afrika uu sii xumaanayo taasoo ay sabab uga dhigtay inay ku daciifiso Jahadda ONLF ee dagaalka gobanimadoon kula jira ciddanka Itobiya.
Wuxuu sheegay Thomas Mountain inay abaar ba’an ka jirto Ogadenya oo malaayiin qof ee gaajo u liitaan. Wuxuu kaloo yidhi, 10 sano ayuu dagaal gobanimadoo ka socdaa halkaa ay shacabka kaga soo horjeedaan gacan bidixaynta iyo dagaalada foosha xun ee maamulka Meles Zianwi ee xukuma Itobiya uu ka wado dalkaa. Wuxuu maamulka Meles cunaqabatayn ku soo rogay dalka Ogadenya isagoo ka soo saaray samafaladii sida Red Cross iyo Doctors Without Borders si buu yidhi Mr. Thomas ay shacabka Ogadenya gaajo ugu dhintaan.
Waliba Itobiya waa dalka la siiyo mucaawanada ugu badan Afrika oo gaadha sanadkii 7Bilyan oo Doolar. Sidaa darteed sow dhab ma’aha in reer Galbeedka ay maalgalinayaan xasuuqa ka socda Ogadenya iyadoo ay saxaafadda reer galbedka ka aamusaneen inkastoo ay dhab ahaan u ogyihiin waxa ka socda halkaa.
Waxay idaacadda KPFA sheegtay in Go’aanka Goalaha Amniga ee Ciidmada Itobiya loogu dirayo Sudaan loo cuskaday mabda’a sheegaya in caalamka ay masuuliyad ka saarantahay inay badbaadiyaan shacabka hadii Qaranka ay ka tirsan yihiin uu badbaadin kari waayo. Qodobkan oo raqamkiisu yahay 1674 wuxuu Golaha Amniga soo saaray 2006 iyo 2009 si shucuubta loo badbaadiyo xiliyada dagaalka. Hasa ahaatee labadaa qodob midna in aan loo cuskanin si loo badbaadiyo shacabka Ogadenya ayaa barnaamijka idaacadda KPFA lagu soo gunaanaday.
ONA.
A US-based radio station called KPFA discussed the massacre taking place in Ogadenia on 4 July, the day the United States gained its independence.
The programme analysed the troops that Ethiopia is reportedly sending to the Abyei region of Sudan in implementation of a decision issued by the United Nations Security Council to protect the people of Abyei from a war that is committing massacres.
The programme reported that the US government sent the Ethiopian troops there to implement that UN decision; however, African journalists stated that the reason the Ethiopian troops were sent there is to protect US oil interests in the region. The African journalists supported the reports issued by Human Rights Watch and other human rights organisations showing that both the United States and the Security Council have turned a blind eye to the massacre that Ethiopian troops are carrying out in Ogadenia.
Thomas Mountain, an expert on international affairs and the only journalist who writes about Horn of Africa affairs, who was interviewed by the radio station, said: Ethiopia is an American soldier on standby used to carry out dirty work. Thomas Mountain and the African journalist and human rights investigator Mr Keith Harmon agreed that the United States and the UN (UNO) are turning a blind eye to the massacre Ethiopia is committing against the people of Ogadenia. They said that Ethiopia has cut off food and medicine to millions of people who are now on the brink of famine, while the drought in the Horn of Africa is worsening, which it has used as a means to weaken the ONLF, which is fighting a war for freedom against the Ethiopian army.
Thomas Mountain said that there is a severe drought in Ogadenia, with millions of people suffering from hunger. He also said that a war for freedom has been going on there for 10 years, in which the people are opposing the oppression and the brutal wars that the regime of Meles Zianwi, which rules Ethiopia, is waging in that country. The Meles regime has imposed an embargo on the country of Ogadenia, expelling the humanitarian organisations such as the Red Cross and Doctors Without Borders so that, said Mr. Thomas, the people of Ogadenia die of hunger.
Moreover, Ethiopia is the country that receives the most aid in Africa, reaching 7 billion dollars a year. Therefore, is it not true that the West is funding the massacre taking place in Ogadenia, while the Western media have remained silent even though they truly know what is happening there?
The KPFA radio station stated that the Security Council decision under which Ethiopian troops are being sent to Sudan was based on the principle stating that the international community has a responsibility to protect people if the nation to which they belong is unable to protect them. This provision, numbered 1674, was issued by the Security Council in 2006 and 2009 to protect peoples in times of war. However, the KPFA radio programme concluded that neither of those two provisions has been invoked to protect the people of Ogadenia.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
