
Shir balaadhan ayaa xalay lagu qabtay magaalada Riyaadh oo ay kasoo wada qayb galeen xubnaha jaaliyada Riyadh iyo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo wakiilka Bariga Dhexe u jooga JWXO mudane Sh. C/alaahi ciraaqi oo kormeer hawleed ku jooga ayaa xalay. Waxaa sidoo kale uu shir ay xubnaha ururka ka soo qaybgaleen lagu qabtay magaalada Doxa, halkaasuu uu kala qaybgalay halgame Maxamad A. Raabi oo ka mid ah xubnaha jaaliyadda UK oo dhowr dal oy Qatar ka mid tahay mari doona.
Shirka Riyadh oo lagu furay aayadaha Quraanka ayaa waxaa wacdi diini ah ka jeediyay Sh. Mohamed Xaaji ku saabsan fadliga uu jahadka leeyahay iyo halganka ka socda Ogadeniya. Wacdigaa diiniga ah kadib waxaa hadalkii qaatay musuuliyiinta jaaliyada qaybo ka mid ah iyaga oo ku dheeraaday wax-qabadka jaaliyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa arimaha la xidhiidha dhaqaalaha, dhaqanka iyo suugaanta halganka iyo dhamaanba tayada Jaaliyada.
Guddomiyaha jaaliyada Riyadh ayaa ka dib ku soo dhaweyay masuulka JWXO u jooga Bariga Dhexe Mudane Ciraaqi oo warbixin dheer ka siiyay jaaliyadda heerka uu marayo halganka iyo jahaadka ka socda Ogadenya isagoo dadkii madasha fadhiyay ka codsaday in loo huro naf iyo maalba. Khudbada Isu-duwaha Bariga Dhexe oo meelo badan taabatay ayuu xubnaha jaaliyadda faray inay ka digtoonaadaan shir qoolka gumaysigu uu ka maleegayo qurbaha iydoo uu sheegay in lagaga adkaaday gudaha, iyagoo doonaya hadda inay jaaliyadaha dibadda ku jaha-wareeriyaan dacaayado been ah oo aan jirin.
Shirka lagu qabtay magaaladda Doxa ayuu gudoomiyaha jaaliyadda halgame Faysal warbixin kooban ka siiyay martida la joogta xaaladda jaaliyadda isagoo isla waqtigaana ka warbixiyay halgame Maxamad Raabi doorkii uu ka soo qaatay jaaliyadaha Germany iyo UK oo uu hadda ku suganyahay. Warbixintaa ka dib ayuu halgame Raabi warbixin dheer siiyay xubnaha jaaliyadda Doxa isagoo ugu horeynba ka soo tabiyay salaam ay madaxda iyo jaaliyadda UK soo gaarsiiyeen Jaaliyadda Doxa. Ka dib wuxuu ka xogwaramay arimihii ugu dambeeyay ee jaaliyadaha Yurub ay qabteen iyo weerarkii uu gumaysiga ku soo qaaday jaalidaha bilihii la soo dhaafay iyo sida looga gacan sareeyay oo meel walba loogu qaraacay gumaysiga iyo beedhi-qaatayaashii la socday. Halgame Raabi wuxuu aad uga xogwaramay heerka ay jaaliyadaha iyo madaxda JWXO ka qaadanayaan hadda sidii loo soo celin lahaa ruuxdii Somaalinimo ee gumaysiga Itobiya uu aasay. Wuxuu ka xogwaramay shirkii ugu dambeeyay ee G/xigeenka uu ku qabtay London oo Soomali oo idil ay ka soo qayb gashay halkaasoo ay xubnihii ka socday jaaliyadaha Somaliyeed ee oday-dhaqameed iyo aqoonyahay iyo siyasiyiinba lahaa ay ballan ku qaadeen inay isgarab taagaan shacabka S.Ogadenya ee dulman isla marahaantaana ay meel uga soo wada jeestaan xoreynta Somaliya oo ay yidhaahdeen gumaysiga haysta Ogadenya umbaan Somaaliyana haysta.
Ugu dambayntii shirarkii xalay ka dhacay Riyadh iyo Doxa ayaa guulo ku dhamaaday.
ONA.
A broad meeting was held last night in the city of Riyadh, attended by members of the Riyadh community and various sections of society, as well as the ONLF representative in the Middle East, Mr. Sh. C/alaahi Ciraaqi, who is there on a working visit. Also, a meeting attended by members of the organisation was held in the city of Doxa, where it was attended by freedom fighter Maxamad A. Raabi, a member of the UK community, who will be passing through several countries, among them Qatar.
The Riyadh meeting, which was opened with verses of the Quran, was addressed with a religious sermon by Sh. Mohamed Xaaji on the virtue of jihad and the struggle taking place in Ogadenia. After that religious sermon, officials of some sections of the community took the floor, elaborating on the community's activities and on how to advance matters related to the economy, culture and literature of the struggle, and the overall quality of the community.
The chairman of the Riyadh community then welcomed the ONLF official in the Middle East, Mr. Ciraaqi, who gave the community a lengthy report on the stage the struggle and jihad taking place in Ogadenia has reached, asking the people seated at the gathering to sacrifice both life and wealth for it. In the speech of the Middle East Coordinator, which touched on many points, he instructed the community members to be wary of the plots the coloniser is hatching in the diaspora, stating that it had been defeated inside the country and now wants to confuse the communities abroad with false propaganda that has no basis.
At the meeting held in the city of Doxa, the chairman of the community, freedom fighter Faysal, gave the guest a brief report on the situation of the community, while at the same time telling them about the role freedom fighter Maxamad Raabi has played in the communities of Germany and the UK, where he is currently based. After that report, freedom fighter Raabi gave the members of the Doxa community a lengthy report, first of all conveying the greetings that the leadership and the community of the UK sent to the Doxa community. He then spoke about the latest activities carried out by the European communities and the attack the coloniser launched on the communities in recent months, and how it was overcome and the coloniser and the mercenaries accompanying it were routed everywhere. Freedom fighter Raabi spoke at length about the role the communities and the ONLF leadership are now playing in reviving the spirit of Somali identity that the Ethiopian coloniser buried. He spoke about the latest meeting the Vice-Chairman held in London, which was attended by Somalis of all backgrounds, where the members from the Somali communities, including traditional elders, intellectuals and politicians, pledged to stand shoulder to shoulder with the oppressed people of Ogadenia and at the same time to unite in liberating Somalia, saying that the coloniser occupying Ogadenia is the very one occupying Somalia.
Finally, the meetings held last night in Riyadh and Doxa ended successfully.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
