Rome – Waxaa lagu qabtay magaalada Rooma ee caasumadda dalka talyaaniya, shirwaynihii 39aad qaybtiisii labaadee Xisbiga Radicalka Axsaabta badan ee dalaka kala duwan ee Loo Yaqaano Non-violent Radical Party Transparty Transnational (NRPTT) 8- 11 bishan Disembar 2011.
Xisbigan oo ka kooban axsaab badan oo dalka talyaaaniga iyo adduunka dacaladiisa ka hawl-gala wuxuu si buuxda u taageera cid walboo xaq-daro tirsanaysaa. Wuxuu gacan wayn ka gaystay xoraynta Kosovo iyo dalal badan oo manta xor ah. Waxaa shirwaynayahan ka qayb galay ergo iyo marti nsharaf kor u dhaafay illaa kun qof. Waxaa shirka lagu qabtay Hotel wayn oo ku yaala bartamaha magaalada Room oo caan ku ah shirarka caalamka. Ururkan oo la asaasay kontiomeeyadii, wuxuu ka diwaan-gasahan yahay qaramada midowga, wuxuuna gacan ka gaystay in dadyow badan oo dulman xaqooda la hor geeyo qaramada midoobay iyo fagaarayaal badan oo caalamka ah. Wuxuu ururka qayb libaax ka qaatay soo jeedinta iyo hirgalinta shurruc caalami ah oo difaacda xuquuqul insaanka iyo hirgalinta dimuqraadiyada, cadaalada iyo nabad-galyada. Ururku wuxuu cilaaqaad la leeyahay ururada kala ah Hoyga Xoriyadda( Freedom House), Ilaalinta xuquuqul insaanka(Human Rights watch), Dhaqdhaqaaqa Federaaliyadda Caalamiga (World Federalist Movement), Falgalka caalamiga ee xildhibaanada adduunka (Parliamentarians for Global action); Amnesty International, Isbahaysiga mashruuca Dimuqraadiyadda (Democratic Coalition action) iyo Uriurka dadyowga aan lahayn Dowlad la aqoonsan yahay( UNPO)
Shirka waxaa JWXO uga qayb-galay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee JWXO iyo Agaasimaha Guud ee Hogaanka arrimaha Dibedda ee JWXO oo matalayay dalka Somalida Ogadeniya ee Geeska Afrika ku yaala ee ay ciidamada Itoobiya xoogga ku fadhiyaan. Waxay wafdigu fiursad u heleen inay eragada iyo wufuudda u sharaxaan xaalada ay shacabka Somalida Ogadeniya ku sugan yihiin iyo dhibka uu gumaysiga Itoobiya ku hayo, iyo sida mujtamaca caalamka uu isaga indho tirayo ayadoo UNta iyo Ururada xuquuqul insaanka ay caddeeyeen inay Itoobiya gabood-fal qawaaniinta caalamka ka soo horjeedda kula kaceen shacabka aan waxba galabsan ka dib markii ay iska celin waayeen halyeeyada Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeniya ee JWXO iyo sida loogu baahan yahay in xaaladda Ogadeniya ka jirta Agendaha Caalamka loogu daro. Wafdigu wuxuu ka codsaday Xisbiga inay motionkooda ku daraan qodobo xaaladda Ogaadeniya wax lagaga qabanayo. Shirku markuu dhamaaday waxay ergadu si wada jir ah u aqbashay motion gaar ah oo Ogadenia kuseeya.
Shirka waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socotay dalalka Ogadeniya, talyaniga, Ruushka, Maraykanka, Ingiriiska, Sbaanishka, Kuuba, Venezuela, mali, Senegal, Koofurta Cameroon, Ghana, Gini, Tansania, Ugandha, Joorjiya, Congo, Koofurta afrika, Mon (Vietnam), Balochistan, East Turkestan, Koofurta azebaijan, Abkhasiya, Masar, Tunis, baxrayn, Libya, Tibet, Fransis, iyo jarmal. Wasiirka arrimaha Dibedda ee dalka Talyaniga ayaa shirka furay, waxaa kale oo ka soo qayb galay, Bernard kouchner oo horay u ahaan jioray wasiirka arrimaha Dibedda ee Dalka Faransiiska iyo Fischer oo isna ahaan jiray wasiirka arrimaha Dibedda ee dalka Jarmal.
Shirka agendayaashiisu waxay kala ahaayeen: Maalinka Kowaad Furitaanka- Khudbadda Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga Mudane Giulio Terzi di Sant’Agata asagoo matalaya Dowladda talyaniga; Madaxweynaha Xisbiga MarKo Pannella, Xoghaya Marko Turko, Aqbalaada ajendaha; maalinka labaad wuxuu ajendahu ahaa: Xuquuqul Insaanka, Dimuqraadiyadda, iyo Xeer-ku Dhaqanka; Maalinka seddexaad: Degaanka dabiiciga, Ecological debt, Kororka xad-dhaafka ah ee Tirada dadka adduunka iyo Dhibaatada dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Yurub soo Foodsaartay ; Maalinka Afraad: dhammaystirka Go’aamada iyo Xidhitaanka.
Shirkan waxaa aad loogu gorfeeyay soo kororka xadgudubka Xuquuqda aadanaha iyo iska indho-tirka Shuruurcda caalamka, sidii loo mamnuuci lahaa dilka sharciyasan (death penalty), Gudniinka fircowniga ah ee Ku xad-gudbaya gabdhaha yaryar, Dhibaatada Yurub ee dhaqaale, Kacdoonkii Carabta, kororka xad-dhaafkan ah ee tirade dadka adduunka taas oo khatar kua ahaa dhammaan uunka kale, dhulka iyo dadkaba ayadoo ay soo dhowdahay inuu dhulku qaadi deeqi waayo baahdida bani’aadmiga mar dhow.
Khudbaddii Wafdiga JWXO iyo Go’aamadii Shirka waxaad ka heli doontaan qormada labaad.
Rome/ONA
Rome - The second session of the 39th congress of the multi-party, transnational Radical Party known as the Non-violent Radical Party Transnational Transparty (NRPTT) was held in Rome, the capital of Italy, from 8 to 11 December 2011.
This party, which is made up of many parties operating in Italy and around the world, fully supports anyone who complains of injustice. It played a major role in the liberation of Kosovo and many countries that are free today. More than a thousand delegates and guests of honour attended the congress. The congress was held in a large hotel in the centre of Rome that is well known for international conferences. The organisation, which was founded in the fifties, is registered with the United Nations, and it has helped bring the rights of many oppressed peoples before the United Nations and many international forums. The organisation played a lion's share in proposing and implementing international legislation that protects human rights and in the implementation of democracy, justice and peace. The organisation has relations with organisations including Freedom House, Human Rights Watch, the World Federalist Movement, Parliamentarians for Global Action, Amnesty International, the Democratic Coalition action, and the organisation of peoples without a recognised state (UNPO).
The ONLF was represented at the congress by the ONLF Secretary of Foreign Affairs and the Director General of the ONLF Foreign Affairs Department, who represented the Somali country of Ogadenia, located in the Horn of Africa and occupied by force by Ethiopian troops. The delegation had the opportunity to explain to the delegates and delegations the situation in which the Somali people of Ogadenia find themselves and the suffering inflicted on them by Ethiopian colonialism, and how the international community turns a blind eye to it, even though the UN and human rights organisations have confirmed that Ethiopia has committed abuses contrary to international law against innocent civilians after it failed to repel the heroes of the Ogaden National Liberation Army of the ONLF, and how there is a need for the situation in Ogadenia to be added to the international agenda. The delegation asked the Party to include in their motion points addressing the situation in Ogadenia. When the congress ended, the delegates unanimously adopted a special motion concerning Ogadenia.
The congress was attended by delegations from Ogadenia, Italy, Russia, America, Britain, Spain, Cuba, Venezuela, Mali, Senegal, Southern Cameroon, Ghana, Guinea, Tanzania, Uganda, Georgia, Congo, South Africa, Mon (Vietnam), Balochistan, East Turkestan, Southern Azerbaijan, Abkhazia, Egypt, Tunisia, Bahrain, Libya, Tibet, France and Germany. The Italian Minister of Foreign Affairs opened the congress, and it was also attended by Bernard Kouchner, the former Minister of Foreign Affairs of France, and Fischer, who was also formerly the Minister of Foreign Affairs of Germany.
The congress agenda was as follows: Day One, the Opening - Speech by the Italian Minister of Foreign Affairs, Mr Giulio Terzi di Sant'Agata, representing the Italian Government; the Party President Marko Pannella, Secretary Marko Turko, adoption of the agenda; on the second day the agenda was: Human Rights, Democracy, and the Rule of Law; Day Three: The Natural Environment, Ecological Debt, the Excessive Growth of the World's Population and the Economic and Political Crisis Facing Europe; Day Four: Finalisation of Decisions and Closing.
The congress closely examined the increase in human rights violations and the disregard of international law, how to ban the death penalty, pharaonic circumcision which violates young girls, Europe's economic crisis, the Arab uprising, and the excessive growth of the world's population, which poses a danger to all other creatures, the land and people alike, as the earth will soon be unable to meet the needs of human beings.
You will find the speech of the ONLF delegation and the decisions of the congress in the second article.
Rome/ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

