Opens in a new tab

Runbaa Reer lagu Dhaqaa

ONA13 October 2025
Read in English

Marka hore waxay bulshada Soomaaliyeed iyo bulsha waynta aduunku ba ogyihiin qadiyada la xidhiidha Khayraadka dhulka Soomaalida Ogadenia iyo taariikhiyan waxa ku xeeran.

Shidaalka Ogadenia ma aha mid shalay la helay mana aha mid maanta laga wadahadlay ama wax la iska waydiiyay, balse waa mid shisheeye iyo sokeeyaba uu garanayo taariikhdiisa.

Gumaysiga gacanta ku haya dhulka waligii ma caqbalin lahaanshaha shacabka Soomaaliyeed ee khayraadka sidoo Kale shacabka Soomaaliyeed waligii gorgortan kama galin khayraad kooda.

Xukuumada Itoobiya ma qeexin qayb ahaan waxa deegaanka Soomaalidu uu ka helayo hantidoodii, marka laga reebo Abiye Axmed oo sheegay in deegaanka Soomaalidu leeyahay 5% waliba hadalkaas oo uu islahaa soomaalida wax u ogolow.

Qadiyada Shidaalku waa mid dhex taala Dowlada Itoobiya iyo Shacabka Soomaaliyeed ee waligiiba ilaashan jiray umana taalo shakhsi Dowlada gumaysiga wakiil uga ah bahdilka shacabkiisa.

Waxaa xusid mudan in mar kale lagu celiyo khayraadka Ogadenia waxba laga waydiin maayo shaqaale hoosaadka dowlada Itoobiya, balse waa qadiyad heer caalami ah.

ONA.

La wadaag