Weerar qorshaysan oo loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay 26/12/2011 ku qaadeen Ciidanka Waddaniga Xoraynta Ogadenya saldhiga ciidamada cadawga ee magaalada Galadiid oo ka tirsan degmada Qabri dahar, halkaasoo cagta lagu mariyay guud ahaan saldhigaa iyo wixii ku noolaa. Hawlgalkan oo ka mid ah kuwa ay fuliyaan ciidamada si gaarka u tababaran ayaa ahaa mid guul laga gaadhay .
Ciidamada JWXO ee sida gaarka ah u tababaran ayaa xaqiijiyay in saldhigaa ay ka dhigeen gabi ahaanba mid hawlgab ah oo gabi ahaanba baaba’y.
Isla taariikhdan ayaa kolanyo gaadiid ah oo maraysay duudciid oo ah duleedka magaalada qabridahar halkaa lagu helay waxaana goobtaas lagu shiday oo dab culus loo adeegsaday hal baabuur kaas oo noqday hawl gab. Dagaalada kale een warbixintooda aan helnay ayaa waxaa ka mid ah;
20.12.2011 dagaal ka kugta oo ka tirsan degmada dhagaxmadaw waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
21/12/2011 dagaal ka dhacay duudciid oo ka tirsan garbo waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 7 askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.
Waxaa ciidanka cadawga lagula galay dagaalo deegaanada kala ah biqod, huraale, dusmo iyo bulxan oo dhamaan ka tirsan gobolka jarareed ee dalka ogaadeenya.
Dhinaca kale waxaa tababar caafimaad oo socday mudo 30 maalmood ah lagu soo gabagabeeyay dugsiga tababrka caafimaadka ee qaybta Birjeex ee CWXO. Tababarkan oo lagu baranayay gargaarka dagdag ah ayaa ardaydu waxay xaqiijiyeen inay si fiican u qaateen duruustii halkaa laga bixinayay islamrakaana ay uga faa,iidayn doonaan dhamaan dadka ogaadeenya ciidan iyo shacaba ,sidoo kale qaar ka mida macalimiintii bixinaysay casharada oo halkaa ka hadashay ayaa sheegay in casharadan ay wax badan ka daboolayaan baahida gargaarka dagdaga ah waxayna intaa ku dareen in ay ku qanacsan yihiin sida hufan ee ay ardaydu u fahmeen duruustii la siinayay.
Ugu danbaytii Madaxa caafimaadka ee qaybta birjeex ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay macalimiintii iyo ardaydii labada isaga oo uga mahadcelyay sida xilkasnimada ah ee ay hawshaas u dhamaystireen
ONA.
On 26/12/2011, the Ogadenia National Liberation Army carried out a planned attack using various types of weapons on the enemy forces' base in the town of Galadiid, which belongs to the district of Qabri dahar, where the base as a whole and everything in it was razed to the ground. This operation, one of those carried out by the specially trained forces, was a successful one.
The specially trained ONLF forces confirmed that they had rendered the base completely inoperable and entirely destroyed.
On the same date, a convoy of vehicles passing through duudciid , on the outskirts of the town of qabridahar, was caught there, and heavy fire was used at the scene, setting one vehicle ablaze, which was put out of action. Other battles whose reports we have received include the following:
On 20.12.2011, in a battle at kugta, which belongs to the district of dhagaxmadaw, the enemy forces lost 3 soldiers killed and another 2 wounded.
On 21/12/2011, in a battle that took place at duudciid, which belongs to garbo, the enemy forces lost 7 soldiers killed and another 3 wounded.
The enemy forces were engaged in battles in the localities of biqod, huraale, dusmo and bulxan, all of which belong to the jarareed region of the country of ogaadeenya.
In other news, a medical training course that ran for 30 days was concluded at the medical training school of the Birjeex division of the ONLA. Regarding this training, in which first aid was taught, the students confirmed that they had absorbed the lessons given there well and that they would use them to benefit all the people of ogaadeenya, both soldiers and civilians. Likewise, some of the instructors who had delivered the lessons, speaking there, said that these lessons go a long way towards meeting the need for first aid, and added that they were satisfied with how thoroughly the students had understood the lessons they were given.
Finally, the Head of Health of the birjeex division expressed praise and commendation to both the instructors and the students, thanking them for the responsible manner in which they had completed that task.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

