Sida la wada og yahay waxay saxaafadu gaar ahaan midda Somaaliyeed, maalmihii ugu dambeeyay si buun buunin ah uga hadlaysay arimo ku saabsan in shacabka Somaliyeed iyo shirkadahooda ganacsiga looga uruuriyo dawladda Itoobiya dhaqaale iyada ooy qasab tahay inay bixiyaan dhaqaalahaas.
Dhaca ay Itoobiya ku dhacayso shacabka Somaliyeed, waxay ugu gabbaadaysay inay ka iibinayso Saami (Share) waxay ay ugu magac dartay Biyaxidheen Itoobiya laga dhisayo.
Waxay ugu hanjabaysay shirkadaha Itoobiya ka shaqeeya haddii ayna Saami/Share gadanin inayna Itoobiya ka shaqaynaynin, waa arrin adduunka ku cusub in laysku qasbo Saami in la gato iyo weliba dad aadan xukumin oodan dawlad u ahayn inaad qasabto inay lacag ku siiyaan waana xaq darro aan geed loogu soo gabanin.
Taasi waxay muujinaysaa inuu shacabkii Somaliyeed si toos ah u hoos yimid gumeysiga Itoobiya, waxaa ka mid ah shirkadaha lacaga badan laga qaaday Xawaaladaha iyo kuwa TV yada.
Sidoo kale waxay Saxaafada Soomaaliyed aad uga hadlaysay in dhulka Ogaadeenya ay ka jiraan hormar & barwaaqo waxayna been abuurkaas u sameynayaan iyaga oo qaarna Itoobiya ay laaluushtay sida Universal TV oo isu beddelay TV Itoobiya qaarna ay ku beer laxawsanayaan Itoobiya bal inay iyagana adeegsato.
Dhalinyaro aan tabar iyo waayo aragnimo saxaafadeed lahayn ayaa loo diray Ogadenya si ay meelo loo sii diyaariyey u soo duubaan oo been uga sheegaan horumar aan jirin, waxaana ka mid ah meelaha ay soo duubeen Jeel Ogaden oo ah meel maxaabiista lagu jidh dilo.
Waxaa Jeel Ogaden ku jira dadkii loogu talo galay dad toban jeer ka badan waxayna muddo dheer oo sanooyin ah ku jira dad aan weligood maxkamad la keenin oo layskaga iloobay.
Waxaa Jeelkaas ku jira dad buka oon weligood dhakhtar la gaynin dad badan ayaa ku dhinta oon ehelkoodii la ogaysiinin oo ay weli moodaya inay nool yihiin.
Waxaanu la kulanay dad Jeelkaaas ku jiri jiray oo warbixin naxdin leh ka bixiyey duruufta Jeelka, waxayna yidhaahdeen meel loo sameystay in dadka lagu cadaabo.
Ujeedo: Saxaafadda Soomaaliyeed & Sida ay u dhaqmayso
Kadib markaan aragnay qaar ka mid ah Saxaafada Soomaaliyeed sida ay ugu tumanayaan nidaamkii iyo sumcadii saxaafadeed ee caalamiga taas oo ah nidaam waajib ku ah qofka suxufiga ah in uusan ka gudbin.
Markaan Aragnay sida ay u dhaqmayaan TVyada Soomaaliyeed gaar ahaan TVga Universal & heshiisyada uu la galayo Itoobiya si uu u soo bandhigo Bor-Bogaandada Itoobiya ee beenta ah & in uu qariyo xaqiiqada dhabta ah ee ka Jirta Ogaadeenya, ayada oo laga go’doomiyay dhamaan saxaafada caalamiga iyo kuwa goboleedba.
Markaan aragnay Suxufiyiinta Caalmka sida loola dhaqmayo sidii labadii wariye ee Swedish-ka ahaa ee isku dayay in ay xaqiiqada Ogaadeenya ka jirta soo arkaan soona bandhigaan laguna xukumay xadhig aan cadaalad ku dhisnayn.
Markaan aragnay aqoon la’aanta haysata qaar badan oo ka shaqeeya Saxaafada Soomaaliyeed & sida ay u soo tabinayaan barnaamijyo ka baxsan nidaamka u ayala saxaafada ee ay caalamku ku wada shaqeyaan.
Markaan si mugleh u qiimaynay arimaahas oo dhan markaan aragnay hawl wadeenada Qorahay Media shir deg-deg ayay isugu yimadeen kaas oo ay kaga arinsanayeen arimaha kor ku xusan waxayna soo sareen Baaq & Cambaarayn.
Cambareen:
Ururka Suxufiinta Qorahay waxay Cambaaraynayaan dhamaan Warbaahinta u xaglinaysa Itoobiya gaar ahaan TVga Universal oo heshiisyo lagalay Itoobiya kuna dhaqma nidaam ka baxsan xeerka u yaala saxaafada caalamka.
Waxaanu si kulul u Cambaaraynaynaa dhamaan sixun wax u sheega ku ugaadhsada magaca Saxaafadeed isaga oo dano gaar ah ku fushanaya taas oo ah dambi in qofka saxafiga ah uu noqdo shaqsi raqiis ah oo u xagliya Gumaysiga dad shacab ah maalin & habeen tacadiyo joogto ah ku haya.
Waxaan si kulul u cambaanaynaaya ku tumashada ay Itoobiya ku tumanayso xuquuqada uu qofka saxafiga ah leeyahay waxaanan leenahay Itoobiya waa in ay shuruud la’aan soo daysaa labada wariye ee Swedish-ka ah Martin Schibbye & Johan Persson,
Waxaan Cambaaraynaynaa Wariyaasha lagu laynayo dalka Soomaaliya ayaga oo gudanaya waajibka saran ee wariye nimo waxaana leenahay dadka mar walba laynaya wariyeyaasha waa in ay ka waantobaan oo ay joojiyaan.
Baaq:
Waxaan dhamaan saxaafada Caalamka ugu baaqaynaa in Itoobiya lagu cadaadiyo in ay dhulka Ogaadeenya saxaafada u ogolaato xaqiiqada dhabta ah ee ka jirtana ay ka soo waranto.
Sidoo kale waxaan dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel ay jogaanba ugu baaqaynaa in ay galaan Ogaadeenya ayaga oo soo taabanaya waxa ka jira maxaa yeelay waa dad aad isku mid tihiin dhanwalba, sidii uu u galay Jaamac Nuur Wariyihii Soomaaliyeed ee Al-Jazeera sanadii 2008 oo barnaamijyadii uu soo bandhigay ee xaqiiqada ahaa ay noqdeen kuwa soo jiita aduunka.
Qorahay Media Journalists Group (QMJG) waxay dhamaan suxuufiyiinta Soomaaliyeed ku boorinayaan in ay si dhab ah u midoobaan si caqabdaha & xiliga adag looga gudbo loona xoojiyo waxqabadka & tayada saxaafada Soomaalida waxaa muhiim ah in la helo wada shaqayn & wax wada qabsi.
Nairobi/ONA.
As is widely known, in recent days the media, particularly the Somali media, has been speaking at great length about the Ethiopian government collecting money from the Somali public and their businesses, with the payment of that money being compulsory.
Ethiopia has been using the pretext of selling shares in what it calls the Ethiopian Dam under construction to cover up the robbery it is committing against the Somali public.
It has been threatening companies operating in Ethiopia that if they do not buy shares they will not be allowed to operate in Ethiopia. It is something new in the world for people to be forced to buy shares, and moreover to compel people you do not govern, and to whom you are not a government, to give you money. This is an injustice that cannot be hidden behind a tree.
This shows that the Somali public has come directly under Ethiopian colonialism. Among the companies from which large sums of money were taken are the money transfer companies (hawala) and the TV stations.
Likewise, the Somali media has been talking a great deal about there being progress & prosperity in the Ogaden land, and they are fabricating these lies, some of them having been bribed by Ethiopia, such as Universal TV, which has turned into an Ethiopian TV, while others are flattering Ethiopia in the hope that it will make use of them too.
Young people with neither the ability nor journalistic experience were sent to Ogadenia to film places prepared in advance and to lie about progress that does not exist. Among the places they filmed was Jeel Ogaden (Ogaden Jail), which is a place where prisoners are beaten.
Jeel Ogaden holds more than ten times the number of people it was designed for, and it holds people who have been there for many years without ever being brought before a court and who have been forgotten.
That jail holds sick people who have never been taken to a doctor. Many people die there without their families being informed, and their families still believe they are alive.
We met people who used to be held in that jail, who gave a shocking account of the conditions in the jail, and they said it is a place created to torment people.
Purpose: The Somali Media & How It Is Behaving
After we saw how some of the Somali media are trampling on the international standards and reputation of journalism, which are standards that a journalist is obliged not to violate.
When we saw how the Somali TV stations are behaving, particularly Universal TV, & the agreements it is entering into with Ethiopia in order to broadcast Ethiopia's false propaganda & to conceal the real truth in Ogadenia, while all international and regional media have been cut off from it.
When we saw how international journalists are being treated, like the two Swedish reporters who tried to see and report on the truth in Ogadenia and were sentenced to imprisonment that was not based on justice.
When we saw the lack of knowledge affecting many of those working in the Somali media & how they are broadcasting programmes that are outside the established standards of journalism on which the world works together.
When we thoroughly assessed all these matters, the staff of Qorahay Media convened an emergency meeting in which they discussed the above-mentioned matters, and they issued an Appeal & a Condemnation.
Condemnation:
The Qorahay Journalists Association condemns all media that are biased towards Ethiopia, particularly Universal TV, which has entered into agreements with Ethiopia and operates in a manner that is outside the established code of international journalism.
We strongly condemn all those who report falsely and who hunt in the name of journalism while pursuing private interests, which is a crime: for a journalist to become a cheap individual who sides with the colonialism that is committing continual abuses day & night against a civilian population.
We strongly condemn Ethiopia's trampling on the rights of journalists, and we say Ethiopia must unconditionally release the two Swedish reporters Martin Schibbye & Johan Persson,
We condemn the killing of reporters in Somalia while they are carrying out their duty as reporters, and we say that those who keep killing reporters must desist and stop.
Appeal:
We appeal to all the international media to press Ethiopia to allow the media into the Ogaden land so that they can report on the real truth there.
Likewise, we appeal to all Somali journalists wherever they are to go into Ogadenia and cover what is happening there, because they are people who are the same as you in every respect, just as Jaamac Nuur, the Somali reporter for Al-Jazeera, went in 2008, and the truthful programmes he broadcast attracted the attention of the world.
Qorahay Media Journalists Group (QMJG) urges all Somali journalists to genuinely unite in order to overcome the obstacles & the difficult times and to strengthen the performance & quality of the Somali media; it is important to achieve cooperation & mutual support.
Nairobi/ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
