
Seminar ku saabsan xaaladda Geeska Africa ooy si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen Jaaliyaadka Somalida Ogadenya; Oromada iyo Eritrea ee ku nool dalka Jarmalka ayaa ka dhacay magaalada Offenbach, dalka Jarmalka, 15kii bisha Oktobar, 2011.
Seminaarka oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa si qoddo dheer loogu falanqeeyey xaalad Geeska Afrika ku sugan yahay iyo qulquladaha iyo deggenaansho la’aanta uu taliska Itoobiya ku hayo.
Mudane Cabiraxmaan Cabdullahi ayaa Seminaarka furay, wuxuuna isaga oo afka Jaaliyadda Ogadenya dalka Jarmalka ku nool ku hadlaya ugu mahad naqay marti sharaftii ka soo qayb gashay Seminaarka wuxuuna si kooban u sharaxay ahmiyadda uu Seminaarkani u leeyahay shucuubta ku nool Geeska Afrika iyo ujeedadiisa oo ah in la helo iskaashi ay iska kaashadaan cadowgooda midka ah ee Gumeysiga iyo gardarada Taliska Itoobiya.
Soo dhowentii iyo furintaanka Seminaarka kadib waa warbixin faahfaahsan wax qabadkii Jaaliyada Ogadenya ee dalkka Jarmalka ka bixiyey Maxamed Cadde. Wuxuu sheegay in hawlaha jaaliyaddu ah tahay abaabulka Somalida Ogadenya ee ku nool dalka Jarmalka, la socodsiinta dawladda iyo dadweynaha Jarmalka qaddiyadda Ogadenya iyo dhibaatada shacabka cadowgu ku hayo.
Sida oo kale, waxaa warbixino faahfaahsan ka soo jeediyey guddoomiyeyaalka Jaaliyadaha Oromiya iyo Eritrea wax qabadka jaaliyadahooda iyo guulaha ay gaadheen. Waxay dhamaan hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo inay sii horumariyaann iskaashiga saddexda Jaaliyadood dhinac kasta.
Warbinada Jaaliyaadka kadib ayaa lagu soo dhaweeyay codbaahiyaha Mudane Xasan Macallin oo ku hadlay magaca Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO), halkaas oo uu ka soo jeediyay war bixin aad u qoto dheer oo ka xog waramaysa guud ahaan geeska Africa iyo gaar ahaa xaalada uu shacabka Ogadenya ku sugan yahay iyo guulaha halgankoodu gaadhay. Halgame Xasan waxaa kale oo uu si waafiy ah uga hadlay in ay lagama maarmaan tahay in ay iska kaashadaan dadyawga gumaysiga Ethiopia ku hoos nool iyo kuwa ay Ethiopia cadaadsiba si xukunka looga tuuro taliska argagixisada ah uu madaxa ka yahay kaligii taliye Meles Zenawi.
Waxa kale oo uu halgame Xasan si wayn uula dardarmay dadkii ka soo qayb galay seminarkan gaar ahaan kuwii ka soo jeeday jamhuuriyada Soomaliya oo uu ka codsaday in ay taageeraan halganka xaqa ah ee gumaysatada Ethiopia lagula dagaalamyo.
Waxaa isaguna warbixin dheer ka soo jeediyey Seminaarka Mudane Sifaf oo ergada ka socda dalka Eritrea. Sifaf wuxuu si mug leh uga xog waramay halgankii Eritrea iyo sababaha ay ku guuleysteen oo ah midnimada shacabka Eritrea. Wuxuu ka warbixiyey xaaladda maanta dalka Eritrea marayo iyo gumeysteyaalku tabaha ay adeegsadaan si ay u cimiri dheeraystaan. Wuxuu Mudanne Sifaf balan qaaday in Eritrea ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin dadyowga dulman ee ka midka yihiin Somalida Ogadenya iyo Oromo.
Waxaa isna warbixin balaadhan ka soo jeediyey Mudane Mezgebu Effa, oo ku hadlay magaca ururaka OLF . Mudane Effa waxa oo si faahfaahsan uga hadlay dhibaatada uu ururka EPRDF ku hayo dadka Oromada ah iyo sidii ay heeryada gumaysiga isga tuuri lahayeen. Wuxuu caddeeyey in halgankii iyo kacdoonkii shacabka Oromadu meel fiican marayo.
Waxay ka qayb galayaasha iyo ergooyinku hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in si taabo gal ah laysu kaashado, lana fashiliyo qorshe dhagareedyada cadowga Itoobiya maleegayo.
Muddadii uu socday Seminaarka waxaa si talan-taali ah heeso waddani ah iyo dhaanto u qaaddayey koox fanaaniin ah oo uu horkacayo fanaanka weyn Cabdi Baadil iyo Jigjiga iyo Darwiish.
Wuxuu Seminaarkii ku soo gabagaboobay guul qayb weyn ka qaadan doonta horumarinta iskaashiga jaaliyadaha Geeska Afrika ee ka soo horjeeda gumeysiga iyo in shacab shacab kale dulmiyo.
ONA
A seminar on the situation in the Horn of Africa, jointly organised by the Ogadenia Somali, Oromo and Eritrean communities living in Germany, took place in the city of Offenbach, Germany, on 15 October 2011.
At the seminar, which was organised to a high standard, there was an in-depth analysis of the situation in the Horn of Africa and the turmoil and instability that the Ethiopian regime is causing there.
Mr Cabiraxmaan Cabdullahi opened the seminar. Speaking on behalf of the Ogadenia community living in Germany, he thanked the guests of honour who attended the seminar and briefly explained the importance of this seminar for the peoples living in the Horn of Africa and its purpose, which is to achieve cooperation among them against their common enemy: the colonialism and aggression of the Ethiopian regime.
After the welcome and opening of the seminar, Maxamed Cadde gave a detailed report on the activities of the Ogadenia community in Germany. He said that the work of the community is mobilising the Ogadenia Somalis living in Germany and informing the German government and public about the Ogadenia cause and the suffering the enemy is inflicting on the people.
Likewise, the chairmen of the Oromia and Eritrean communities gave detailed reports on the activities of their communities and the successes they have achieved. They all underlined the need to further develop the cooperation of the three communities in every respect.
After the communities' reports, Mr Xasan Macallin, who spoke on behalf of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), was welcomed to the microphone, where he delivered a very in-depth report on the Horn of Africa in general and, in particular, on the situation the people of Ogadenia are in and the successes their struggle has achieved. Freedom fighter Xasan also spoke comprehensively about how essential it is for the peoples living under Ethiopian colonialism and those whom Ethiopia oppresses to cooperate in order to overthrow the terrorist regime headed by the dictator Meles Zenawi.
Freedom fighter Xasan also strongly encouraged the people who attended this seminar, especially those from the Republic of Somalia, whom he asked to support the just struggle being waged against the Ethiopian colonisers.
Mr Sifaf, of the delegation from Eritrea, also delivered a long report to the seminar. Sifaf gave a substantial account of the Eritrean struggle and the reasons for its success, namely the unity of the Eritrean people. He reported on the situation Eritrea is in today and the tactics colonisers use to prolong their rule. Mr Sifaf pledged that Eritrea stands with full support beside the oppressed peoples, among them the Ogadenia Somalis and the Oromo.
Mr Mezgebu Effa, who spoke on behalf of the OLF organisation, also delivered a broad report. Mr Effa spoke in detail about the suffering the EPRDF organisation is inflicting on the Oromo people and how they could throw off the yoke of colonialism. He made clear that the struggle and uprising of the Oromo people is progressing well.
The participants and delegations underlined the need to cooperate effectively and to foil the treacherous plans the Ethiopian enemy is hatching.
Throughout the seminar, a group of artists led by the great artist Cabdi Baadil, along with Jigjiga and Darwiish, performed patriotic songs and dhaanto dances one after another.
The seminar concluded with a success that will play a major part in developing cooperation among the Horn of Africa communities opposed to colonialism and to one people oppressing another.
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.