Opens in a new tab

Shabakad Ganacsi oo Xaga Internet ka ah oo Muqdisho laga Hirgaliyay.

ONA18 April 2016
Read in English

Soomaaliya waxaa kusii xoogaysanaya teknoolajiyada (Internet), waxaana markii teknoolajiyada sii xoogaysataba sii kordhaya inay dadku adeegyadooda si madaxbannaan u qabsadaan.

Dhowaan waxaa magaalada Muqdishu laga hirgeliyey website ama shabakad ay dadku kusoo bandhigi karaan amaba ku xayaysiin karaan haddii ay hayaan agab iib ah si bilaash ah. Shabakadan ayaa lagu magacaabaa ”xaashi.com”.

Waxyaabaha qofku ka heli karo shabakadda xaashi.com oo lagu masaalay Craigslist oo kajirta Maraykanka waxaa kamid ah kirada iyo iibka guryaha, huteellada, alaabta guryaha, telefoonnada, baabuurta iyo xataa dahabka.

ONA

La wadaag