Labadii saxafi ee dalka Sweden u dhashay, sida xaqdarada ahna loogu xukumay 11ka sano ayay dad xog-ogaal ahi kula taliyeen in aanay rafcaan ka qaadanin xukunkaa hadday doonayaan in la sii daayo. Waxaa loo sheegay nidaamka maxkamadaha Itobiya ee xukuumadda Wayaanaha waa inuu qofka isaga is-xidho oo dambiga isku qiro ka dibna ka codsado Meles Zinawi cafis iyo naxariis.
Ninka la xidhiidha saxafiyiinta Anna Roxvall ayaa u sheegay saxiifadda Dagens Nyheter (DN), in go’aanka lagula taliyay Martin Schibbye iyo Johan Persson uu ahaa mid sax ah markaan si walba u fiirinay, sababtoo ah haday rafcaan ka qaataan waxba iskama badalyo xukunka, oo qaanuunka Itobiya ayaa ah inuu qofka isku qiro dambi uusan galin si loo cafiyo. Labada saxafi ayaa weedhan kooban warqad ku soo qoray; “Waxaan ku kalsoonahay dhaqanka Itobiya ee ku dhisan cafiska iyo naxariista.”
Sharci ahaan waa inuu Madaxweynaha dalka fidiyaa cafiska, hasa ahaatee Meles umbaa cafin kara ama xidhi kara dadka jooga Itobiya.
Ururka saxafiyiinta Sweden ayaa ku adkaysanaya in Persson iyo Schibbye yihiin laba nin oo saxafiyiin ah oo hawl saxaafadeed un u tagay Ogadenya, waxayna ku tilmaameen xadhiga labada saxafi inay guuldaro u tahay madaxbanaanida saxaafadda. Sidaa waxaa yidhi ninka madaxda ka ah ururka saxafiyiintaSwedenMr. Jonas Nordling.
Karin Schibbye oo ah saxafiga hooyadii oo CNN wareysi siisay ayaa tidhi; “Xabsiga ay ku jiraan wuxuu u qaybsan yahay (Zones), iyadoo qaybwalba ay ku jiraan 1000 maxbuus. Zone-walba waxaa ka dhisan buulal ay ku jiraan 150 ilaa 250 maxbuus buulkii walba, halkaasoo habeenkii lagu soo oodo. 100 sariir oo kali ah ayaa buul walba dhex taala sidaa darteed in badan ayaa dhulka jiifta.” Wuxuu ii sheegay bay tidhi Martin in dadka meesha ku xidhan ay aad u fara badan yihiin oo sibidhka la’is barbar jiifo. Waxay tidhi; “Hadda Schibbye and Persson waxay noqdeen asyaano, marka waxaa la siiyay hal sariir oy ku wada seexdaan, teendho yar gacantooda ayay ku tusheen oo qolqol ahaan ah. laakiinse nalka marna lagama damiyo buulka, waana qaylo joogta ah habeenkii. Taasaa ugu daran.”
Waxaa kaloo ay sheegtay inay jadwal samaysteen, markay wax cunayaan iyo markay jimicsanayaan, si caafimaadkooda ay u ilaaliyaan. Waxay u sheegtay inay lacag u diyaariyeen looga gado makhaayadaha cunto, oo isla markaa ay u geeyeen raashin qalalan oy ku karsadaan gudaha. Buugaag ayaan u gaynay ayay tidhi hooyada Martin, iyadoo ka codsatay qofkii ku tabarucaya buug inuu us oo diro si maktabada ay samaysteen ugu darsadaan.
dalka Sweden ayaa guud ahaan ka cadhaysan sida fuusha xun ee loola dhaqmay labadaa saxafi, iyadoo saxaafadda dalakssi ay aad wax uga qoraan arimaha la xidhiidha xabsigooda iyo asbaabaha ay ugu socdeen Ogadenya. Waxaana la faliyaa todobaadka soo socda inay ku hordhigaan banaabax baarlamaanka dalka hortiisa.
Waxaa hubaal ah inay labadan saxafi waxyaaba badan ka soo arkeen xabsiyada Itobiya iyo habka maxkamadaha Itobiya dadka loogu bahdalo, arimahaasoo ay wax ka qori doonaan markay ka soo baxaan xabsiga. Wixii ka soo kordha waan la socon doonaa.
ONA.
The two Swedish-born journalists, who were unjustly sentenced to 11 years, have been advised by well-informed people not to appeal the sentence if they want to be released. They were told that under the court system of Ethiopia's Woyane government, a person must restrain himself, confess to the crime, and then ask Meles Zenawi for pardon and mercy.
The man who is in contact with the journalists told Anna Roxvall of the newspaper Dagens Nyheter (DN) that the decision Martin Schibbye and Johan Persson were advised to take was the right one when we looked at it from every angle, because if they appeal it will not change the sentence at all, and Ethiopian law requires that a person confess to a crime he did not commit in order to be pardoned. The two journalists wrote this brief statement in a letter: "We trust in the Ethiopian tradition built on pardon and mercy."
Legally it is the country's President who must grant the pardon, but it is Meles alone who can pardon or imprison people in Ethiopia.
The Swedish Union of Journalists insists that Persson and Schibbye are two journalists who went to Ogadenia solely for journalistic work, and they described the imprisonment of the two journalists as a defeat for press freedom. This was said by the head of the Swedish Union of Journalists, Mr. Jonas Nordling.
Karin Schibbye, the journalist's mother, who gave an interview to CNN, said: "The prison they are in is divided into zones, with 1,000 prisoners in each zone. In each zone there are huts built holding 150 to 250 prisoners each, where they are locked in at night. There are only 100 beds in each hut, so many sleep on the floor." She said Martin told her that the people held there are so numerous that they sleep side by side on the cement. She said: "Now Schibbye and Persson have become VIPs, so they were given a single bed which they share, and they made a small tent with their own hands from sheets. But the light is never switched off in the hut, and there is constant noise at night. That is the worst part."
She also said that they have made a schedule for when they eat and when they exercise, in order to maintain their health. She said they had arranged money for them to buy food from the restaurants, and at the same time had brought them dry rations to cook inside. "We brought them books," said Martin's mother, asking anyone who wishes to donate a book to send it to them so they can add it to the library they have set up.
Sweden as a whole is angry at the bad manner in which the two journalists have been treated, and the country's press is writing extensively about matters related to their imprisonment and the reasons they were travelling to Ogadenia. It is expected that next week they will hold a demonstration in front of the country's parliament.
It is certain that these two journalists have witnessed many things in Ethiopian prisons and in the way Ethiopian courts mistreat people, matters they will write about when they come out of prison. We will follow any further developments.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
