
In mudda ahba waxay wadeen gumaysiga Itobiya iskuday lagu tashwiishinayo idaacadaha iyo TV yada kasoo horjeeda gumaysiga itoobiya taasoo aanay ka nabad galin idaacadaha halganka Ogadenya oo uu in badan cadowgu isku dayay inuu hawada Ogadenya ka xihdo gabi ahaanba balse uu ku guulaysan waayey, kadib markay ogaadeen hawl-wadeenada warfaafinta JWXO isku dayadaas ayay dagaal adag oo xaga hawada ah lagashay halkaas oo uu cadowgu kari waayey in si saafi ah looga dhagaysto geeska afrika oo dhan gaar ahaana Ogadenya idaacadaha halganka ee RX iyo ICDS.
Horey ayaan u ogayn inay dawladda Shiinaha arrintaa ka dmabayso hasa ahaatee waxaa hadda cabasha xoogan ka muujiyay tashwiishka lagu furay mawjadaha gaagaaban ee idaacadaha iyo TV-yada mucaaradka ku ah xukunka macangaga ee TPLF wakaaladda ESAT (The Ethiopian Satellite Television) oo ku baaqday inay diyarinayso cunaqabatyn caalami ah in lagu qaado alaabta Shiinaha ay soo sameeyaan. ESAT waxay ka codsatay dawladda Shiinaha inay joojiso taageerada ay siinayaan xukuumadaha Kali-Taliska ah ee ka jira dunida 3xaad.
Xukuumadda dhiigyacabka Itobiya Meles ayaa dagaal adag ku qaaday guud ahaan warbaahinta xorta ah ee ka soo horjeeda maamulkiisa sida shabakadaha Internetka, idaacadaha, iyo TV-yada xorta ah. Arintaana waxaa taageero xagga teknoolojiyadda ah ka siiyay dawladda Shiinaha oo la ogsoonyahay inay ku horeyso qalabka tashwiishika ku fura warbaahinta ka soo horjeeda xukunka shuuciga ah ee dalkaa ka jira.
Ninka madaxda ka ah ururka saxaafdda madaxa banana ee Itobiya oo dalka masaafuris ka ah Mr. Kifle Mulat, ayaa ku tilmaamay wax laga xishoodo taageerada ay dawladda Shiinaha siiso xukunka Meles si looga hortago xoriyadda iyo dimoqraadiyadda. Wuxuu kaloo uu xasuusiyay dawladda Shiinaha inaysan ahayn arin loo dulqaadan karo qalabka lagu cabudhiyo shucuubta ee dawladda Shiinaha ay u soo safrinayaan qaaradda Afrika gaar ahaan Itobiya taasoo sharafta Shiinaha wax u dhimi doonta.
Waxay Shiinaha ka caawiyeen maamulka Itobiya inay waxa loo yaqaano (Internet firewalls) oo xaniba shabakadaha Internetka in lagu daawado hahalkaa. Sidoo kale waxay Ogadenya geeyeen suxuun waaweyn oo tashwiish ku fura idaacadaha halganka kana dhaga-dhageeyaan isgaarsiinta ku xidhan dayax gacmeedyada.
ONA.
For some time now, the Ethiopian colonisers have been attempting to jam radio stations and TV channels opposed to Ethiopian colonialism. The radio stations of the Ogadenia struggle have not been spared, and the enemy has repeatedly tried to shut them out of the airwaves of Ogadenia entirely, but it has failed. After ONLF media operators became aware of these attempts, they waged a tough battle over the airwaves, and the enemy was unable to prevent the struggle's radio stations, RX and ICDS, from being heard clearly throughout the Horn of Africa, especially in Ogadenia.
We already knew that the Chinese government was behind this. However, ESAT (The Ethiopian Satellite Television) has now voiced a strong complaint about the jamming of the shortwave frequencies of radio stations and TV channels opposed to the tyrannical TPLF regime, and has called for preparations for an international boycott of Chinese-made goods. ESAT asked the Chinese government to stop the support it gives to dictatorial governments in the Third World.
The bloodthirsty Ethiopian government of Meles has launched a fierce war against all free media opposed to its administration, such as Internet websites, radio stations and free TV channels. It has received technological support for this from the Chinese government, which is known to be a leader in equipment that jams media opposed to the communist regime in that country.
The exiled head of the Ethiopian Free Press Association, Mr. Kifle Mulat, described the support the Chinese government gives to the Meles regime to suppress freedom and democracy as shameful. He also reminded the Chinese government that the equipment for oppressing peoples that it exports to the African continent, especially Ethiopia, is intolerable and will damage China's reputation.
The Chinese helped the Ethiopian administration install what are known as Internet firewalls, which block Internet websites from being viewed there. They have also brought to Ogadenia large dishes that jam the struggle's radio stations and eavesdrop on satellite-linked communications.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
