Opens in a new tab

Shil Baabuur Oy ku Dhinteen Laba Xubnaha OYSU/Koonfur Afrika ka Tirsanaa

ONA28 June 2011
Read in English


Waxaa goor dhaweyd naga soo gaadhay jaaliyadda qiimaha badan ee Koonfur Afrika –JOKA- shil naxdin leh oy ku dhinteen laba xubin oo ka tirsanaa ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya (OYSU) ee Koonfur Afrika.

Shilkan naxdinta leh oo ka dhacay gobolka Johannesburg ayaa waxaa ku dhintay Alaha u naxariistee laba dhalinyara ah oo magacyadooda kala ah;
1- Maxamad Cabdulaahi
2- Axmad Raasin
Waxaana ku dhaawacmay oo isbitaalka yaala C/rizaq Maxamad Dari.

Bahda Warfaafinta JWXO iyagoo ka wakiil ah dhamaan xubnaha ururka waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen labadaa xubin. Waxaa kaloo aan tacsi uga diraynaa halkaa gudoomiuaha OYSU iyo djamaan xubnaha ururka. Inaa Lilaahi Wa-Inaa Ilayhi Raajicuun.

ONA.

La wadaag