
Jaaliyadda Somalida Ogadenya iyo haya’adaha mujtamaca madaniga ayaa loogu baaqayaa inay ka soo qaybgalaan maalinta Axadda ah shir taageero oo looga hadli doono xasuuqa qarsoon ee ka socda dalka Ogadenya ee bariga Itobiya. Waxaa munaasabadda lagu xusi doonaa oo kale Maalinta Xasuuqa Ogadenya oo dhamaan jaaliyadaha Ogadenya laga xusay. Waxaa shirkan soo qaban-qaabiyay Jaaliyadda Somalida Ogadenya (JOKA), Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya (OYSU), iyo ururka Isu-tagga Somalida Koonfur Afrika (SASA).
Maareeyaha ururka SASA, mudane Maxamad Adan ayaa ku baaqay in shirka ahmiyadiisa ay sii siyaadisay hadda xasuuqii 12-20kii bishan Feb. ka dhacay Gunagado ee 35ka shacabka ah lagu laayay. Dad shacab ah oon waxba galabsan ayay ciidamada Meles Zinawi xasuuqeen ayuu yidhi mudane M. Adan. Isagoo raciyay; “ Waa mawjad horleh oo dadweynaha lagu laynayo iyadoo saxaafadda caalamka aan loo ogolayn inay galaan Ogadenya arimaha ka socda darteed. Waa xaalad bani-aadamnimo, ujeedada shirka waa inaan caalamka ku soo jeedinaa dilka ay Itobiya ka wado halkaa.”
Shacabka Ogadenya ayaa gobanimadiisa u dagaalamaya iyadoo uu R/W Itobiya Meles uu ku hayo dil, afduub, iyo kufsi dadka shacabka ah een waxba galabsan. Mr. Adan oo ah maareeyaha SASA wuxuu sheegay inuu caalamka ka indha dadbay dagaalka ka socda Ogadenya. Waxaa shirka la soo hordhigi doonaa si maqal iyo maqaal ah dadkii ay dawladda Itobiya dhibaatada ugu gaysatay Ogadenya. Wuxuuna ugu baaqay maxamad Adan dhamaan haya’daha inay ka soo qaybgalaan dhacdadan si isbadal loogu ololeeyo inuu ka dhoco gobolkaa.
“Waxaan rajaynaynaa in aan bilowno barnaamij wacyigalin ah anagoo ka raja qabna in ururka sharciga ee Muslim Judicial Council (MJC) uu shirka iman doono. Waxaa kaloon feerin doonaa doorka ay ka qaadan karaan Midowga Afrika (AU) iyo dawladda Koonfur Afrika taageerada qadiyadda shacabka Ogadenya iyo kor-u-qaadida Xuquuqul Insanka gobolka.”
Waxaa shirka lagu qabanayaa goobta Small & Weltevreden Street, Bellville, ee ka soo horjeeda Bellville Post Office maalinta 26ka Febraayo 5ta galabnimo. Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad kala xidhiidhi kartaa;
Mohamed Aden teleefoonka 0721980051 ama cinwaanka ah; xadiis80@hotmail.com.
ONA.
The Ogadenia Somali community and civil society organisations are being called upon to attend a solidarity conference on Sunday that will discuss the hidden massacre taking place in the country of Ogadenia in eastern Ethiopia. The occasion will also commemorate Ogadenia Massacre Day, which has been marked by all Ogadenia communities. The conference has been organised by the Ogadenia Somali Community (JOKA), the Ogaden Youth and Students Union (OYSU), and the Somali Association of South Africa (SASA).
The manager of SASA, Mr Maxamad Adan, said in his appeal that the importance of the conference has been heightened by the massacre of 12-20 February this month in Gunagado, in which 35 civilians were killed. "Innocent civilians were massacred by the forces of Meles Zinawi," said Mr M. Adan. He added: "This is a new wave in which the public is being killed while the international media is not allowed to enter Ogadenia because of what is happening there. It is a humanitarian situation; the aim of the conference is for us to draw the world's attention to the killings Ethiopia is carrying out there."
The people of Ogadenia are fighting for their freedom while Ethiopian Prime Minister Meles subjects innocent civilians to killing, abduction and rape. Mr. Adan, the manager of SASA, said that the world has turned a blind eye to the war taking place in Ogadenia. People who have suffered at the hands of the Ethiopian government in Ogadenia will be presented at the conference through audio and video. Maxamad Adan also called on all organisations to attend this event so that a campaign can be waged for change to take place in that region.
"We hope to launch an awareness programme, and we expect that the legal organisation, the Muslim Judicial Council (MJC), will attend the conference. It will also examine the role that the African Union (AU) and the South African government can play in supporting the cause of the people of Ogadenia and in promoting human rights in the region."
The conference will be held at the venue on Small & Weltevreden Street, Bellville, opposite the Bellville Post Office, on 26 February at 5 in the afternoon. For further details you can contact:
Mohamed Aden on telephone 0721980051 or at the address: xadiis80@hotmail.com.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
