Faahfaahin dheeraad ah – Waxaa si habsami ah loo soo gabagabeeyay shir howleed lagu qabtay X/Dhexe ee JWXO. Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan, Xubnaha GF, GDH, Taliska CWXO, Taliska Qaybaha iyo madaxada Gobalada dalka.
Shirka oo socday muddo afar maalmood ah (1dii-4tii bishan Marso) ayaa waxaa lagu falanqeeyay arima farabadan oo quseeya halganka ka socda Ogadenya xag ciidan, bulsho iyo siyaasadeedba. Waxaa shirka la horkeenay warbixino meela kala duwan oo dalka ah laga soo ururiyay, heerka uu gaadhay halganka shacabka S.Ogadenya ee JWXO ay hogaaminayso gude iyo dibadba iyo qorshihii horey loo dajiyay siyaabihii loo fuliyay. Arimahaasoo idil markii si mug leh loo lafa guray ayaa shirka lagu soo gunaanaday qorshe hawleedka CWXO isagoo guul ku dhamaaday.
Shirka ayaa ugu baaqay jaaliyadaha S.Ogadenya inay ku kalsoonaadaan CWXO oo hadh iyo habeenba u taagan difaaca dalka iyo sharafta umadda. Inaysan ku kadsoomin dacaayadda cadawga iyo brobagaanda-diisa naflacaariga ah ee ku wajahan jaaliyadaha ee gumaysiga uu doonayo inuu ku abuuro guulo aan jirin ka dib markuu ka caagay inuu guul ka keeno goobaha dagaalka.
Dhanka kale Waxaa uu cadawgu ku soo qaaday shirka xarunta dhexe duulaan balaadhan oo nafla caari ahaa, kaasoo ay ka soo duleena saldhigyo badan oo cadawgu ku leeyahay gobolada Qoraxay, Shabeele,Jarar iyo Nogob. waxaa goobo ku kala dhulweyn oo baahsan ka dhacay dagaalo culus oo cadawga la la galay 18 dagaal laga soo bilaabo l -4 bishan. Waxaa cadawga ka soo gaadhay dagaaladaa khasare culus oo isugu jira Ciidan iyo Qalab ba. Waxaa laga dilay inta u dhaxaysa 50-70 askari halka dhaawucu kor u dhaafay 100 askari. Waxaa ku dhacay cadawga in laga qabsado saadkiisii iyo biyihii halakaasna waxaa ku soo gaadhay oon aad ah iyo baahi ka laysay askar badan. waxaa ka lumay askar badan oo hawdka ku dhimaaday, iyadoo ilaa eegga qaar la la’yahay. Goobaha ay bakhtiga badan ku aaseen waxaa ka mid ah, Magaalada Birqod , Gerigoán iyo goobo badan oo miyiga ah.
Go,anada shiraka aya saxaafada dib laga soo siin doonaa mardhow.
ONA.
ONA.
Further details - A working conference held at the Central Headquarters of the ONLF has been concluded smoothly. The conference was attended by all members of the Central Committee (GF), the Executive Committee (GDH), the Command of the Ogaden National Liberation Army (CWXO), the Divisional Commands and the leaders of the country's regions.
The conference, which ran for four days (1st–4th of this month of March), analysed many matters concerning the struggle under way in Ogadenia in its military, social and political dimensions. Reports gathered from various parts of the country were presented to the conference, covering the level reached by the struggle of the people of Ogadenia led by the ONLF both at home and abroad, and the ways in which the previously set plan had been implemented. After all these matters had been examined in depth, the conference concluded with the adoption of the working plan of the CWXO, ending in success.
The conference called on the Ogadenia diaspora communities to place their trust in the CWXO, which stands day and night for the defence of the country and the dignity of the nation. It urged them not to be deceived by the enemy's lies and its desperate propaganda directed at the diaspora communities, through which the colonizer seeks to manufacture victories that do not exist after failing to achieve victory on the battlefield.
Meanwhile, the enemy launched a large and desperate offensive against the conference at the central headquarters, setting out from many bases it holds in the regions of Qoraxay, Shabeele, Jarar and Nogob. Heavy fighting took place across wide and dispersed areas, with 18 battles fought against the enemy from the 1st to the 4th of this month. The enemy suffered heavy losses in these battles, in both troops and equipment. Between 50 and 70 soldiers were killed, while the wounded exceeded 100 soldiers. The enemy also had its supplies and water captured, and as a result suffered severe thirst and deprivation that finished off many soldiers. Many soldiers were lost and died in the Hawd, and some are still missing to this day. Among the places where they buried large numbers of their dead are the town of Birqod, Gerigoán and many rural locations.
The resolutions of the conference will be released to the press soon.
ONA.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.