Maalintii sabtida 3-12-2011 ayaa waxaa shir ku qabsaday Xarunta Jaaliyada Ogaadeeniya ee WadankaDenmarkmagaalada Copenhagen Ururka Midowga Dhalinta iyo Ardayda Ogaadeeniya eeDenmark.
Shirkaas oo Dhalinyaradu ay isaga kala yimaadeen gobolada wadankaasiDenmarkuu ka koobanyahay ayaa lagu qaadaadhigay wax qabadkii ururka ee wadankaniDenmark.
Waxaa shirka furay Xoghayaha Ururka Midowga dhalinta iyo ardayda Ogaadeeniya ee Denmark Marwo Nasra Sh. Waxaa ayaduna madasha ka hadlay Afhayeenka ururka Marwo Najma Abdi oo ayadu meesha kusoo bandhigtay wax qabadkii ururka ee sanadka. Hogaanka Dhaqaalaha Marwo Manna Maxamud iyo Xoghayaha Ururka Marwo Nasra oo iskaashanaya ayaa ayaguna soo bandhigay dhaqaalihii ururka ee sanadkan dhamaadka ah 2011 qaabkuu ku baxay iyo siduu kusoo galay– Isla mar ahaantaana xubhanii ururka Midowga Dhalinta iyo ardayda Ogaadeeniya ee madasha joogay ayaa aad oogu qancay Xog warankas sida wanaagsan loogasoo shaqeeyay iyo sida qiimaha iyo qadarinta leh ee Maamulka Ururku u qanciyay ee uu si tifa tiran wax qabadkii uruka iyo Dhaqaalihiiba uga haqab tireen xubnaha ururka Midowga dhalinta iyo Ardayda Ogaadeeniya ee Denmark.
Waxaa madasha ka halday Gudoomiyaha Jaaliyada oo goobjoog ka ahaa shirka Mudane Xasan Macalin. Marwo Istaahil Xirsi Mahad oo shirka kasoo qayb gashay goobjoogna ka ahayd ayaa waxa ay Gudoonsiisay Bilad sharaf ay jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya eeDenmarkoogu tala gashay ururka Midowga dhalinta iyo ardayda Ogaadeeniya eeDenmark.
Kadib waxaa lagalay oo laysla qaadaa dhigay fikrad iswaydaarsi ku wajahan Qorsha sanadeedka 2012 ee Ururka Midowga Dhalinta iyo Ardayda ogaadeeniya ee wadankaniDenmark.
Ururka Midowga Dhalinta iyo Ardayda Ogaadeeniya ee Denmark waxay isla meel dhigeen Qorshe sanadeedka Ururka Midowga dhalinta iyo ardayda Ogaadeeniya ee Denmark sanadka 2012 ayaga oo is waafajinaya Hadafka iyo ujeedada ururka loo yagleelay. Waxaa shirka kasoo qayb galay oo marti ku ahaa masuuliyiin kamida maamulka African pride ee wadankaDenmark.
ONA.
On Saturday 3-12-2011, the Ogaden Youth and Students Union (OYSU) in Denmark held a meeting at the Ogadenia Community Centre in the city of Copenhagen, Denmark.
At the meeting, attended by young people who came from the various regions that make up Denmark, the union's activities in Denmark were discussed.
The meeting was opened by the Secretary of the Ogaden Youth and Students Union (OYSU) in Denmark, Mrs Nasra Sh. The union's spokesperson, Mrs Najma Abdi, also addressed the gathering and presented the union's activities for the year. The Head of Finance, Mrs Manna Maxamud, and the Union Secretary, Mrs Nasra, working together, presented the union's finances for the year ending 2011, showing how money was spent and how it came in. At the same time, the members of the Ogaden Youth and Students Union present at the gathering were very satisfied with the report, with how well it had been prepared, and with the valuable and commendable way the union's leadership had convinced them, as they thoroughly answered the questions of the members of the Ogaden Youth and Students Union in Denmark regarding both the union's activities and its finances.
The chairman of the community, Mr Xasan Macalin, who was present at the meeting, addressed the gathering. Mrs Istaahil Xirsi Mahad, who attended and was present at the meeting, presented a medal of honour that the Ogadenia Somali community in Denmark had designated for the Ogaden Youth and Students Union in Denmark.
Afterwards, an exchange of ideas was held and discussed regarding the 2012 annual plan of the Ogaden Youth and Students Union in Denmark.
The Ogaden Youth and Students Union in Denmark agreed on the annual plan of the Ogaden Youth and Students Union in Denmark for 2012, aligning it with the goals and purpose for which the union was founded. Officials from the administration of African Pride in Denmark attended the meeting as guests.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

