
Waxaa magaalada Edmonton lagu qabtay shirweynihii jaaliyada Ogaadeeniya taariikhdu markay ahayd Dec. 31/2011 kaasoo si wayn loo sugayey lana qabto sanad walba bisha December.
Waxaa shirka lagu furay sidii caadada inoo ahayd wacdi diini ah oo uu soo jeediyey
sh.Axmed Dayib kaasoo dhinacyo badan taabanayey kuna salaysnaa Alle ka cabsi iyo in aynu nahay umad muslim ah kuna jirta halgan xaq ah loona baahanyahay in aynu halmeel uga soo wada jeedsano cadowga mudada dheer umadeena soo dulaysanayay.
Ka dib waxaa mikrafoonka lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha jaaliyada magaalada Edmonton mudane C/raxmaan Maxamed, oo ugu horeyn u mahad celiyey xubnaha jaaliyadda Ogaadeeniya ee sida weyn uga soo qaybgalay shirka iyo marti sharaftii uga timid meelo fog fog sida Toronto iyo Fort McCurry. Wuxuu kaloo mahad balaadhan u soo jeediyey xubnihii iyo kaadirkii waqtigooda qaaliga ah galiyey in uu qabsoomo shirweynaha jaaliyadu.
Gudoomiyuhu wuxuu aad uga hadlay waxqabadkii jaaliyada sanadkii 2011ka taas oo lagu xasuusto in ay jaaliyadu ganafka u dhigtay fashilisayna qorshayaashii gumaysigu uu doonayey inuu ku kala qaybiyo jaaliyadda ka soo jeeda shacbiga dulman ee geesiyaasha ah. Wuxuu kaloo sheegay gudoomiyuhu in ay jaaliyadu u diyaar garowday qorshayaasheeda ku aadan sanadka cusub ee 2012ka kaasoo ay balanqaadeen in ay dardar gelindoonaan waxqabadkooda soo socda, wuxuuna cadeeyey shirkani in uu gogol xaadh u yahay shirweynaha jaaliyadaha aduunka ee 2012ka ka dhici doona magaalada Toronto/Canada.

Waxaa kale oo madashii shirka hadal kooban oo ku saabsanaa taariikhda halganka
Shacabka Ogaadeeniya kasoo jeediyey madaxa hogaanka arimaha dibada ee jaaliyada halgame Maxamed Aadan Dubad hadalkaasoo macno weyn xambaarsanaa.
Gudoomiyaha jaaliyada fort McCurry mudane Sheekeeye oo hadalka qaatay ayaa wuxuu si waafi ah uga hadlay maanta meesha uu halgankeenu marayo iyo waxa loo baahanyahay ee aynu higsanayno taasoo uu ku tilmaamay madax banaani iyo in aan aayaheena ka tashano, waxayna u baahantahay arintaa in aynu dadaal dheerad ah la nimaadno.
Dadkii shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdullahi Olol Diinle oo ka mid ah odayaaasha sida weyn looga qadariyo dhulka Ogaadeeniya oo tilmaamay in uu u soo joogay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray halganka hubaysan ee mudada dheer ka socday Ogaadeeniya, wuxuuna qiray maanta in uu ku taaganyahay wadadii saxda ahayd taasoo ay hormuud u tahay Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya.
Waxaa sidoo kale ka hadlay ruugcadaa khibrad fara badan u leh siyaasada dawlada maxaysatada ah ee Ethiopia mudane Axmed-haadi Sh.Cabdullahi oo diirada saaray maanta in ay taagan tahay Itobiya waqtigii burburka una baahantahay in la israaciyo, si hagar la’aan ahna loo taageero Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya.
Waxaa lagu soo dhaweeyey goobta oo in badan la sugayey madax sare oo ka mid ah JWXO ahna madaxa hay’ada hanti dhawrka mudane Maxamed Macalin Axmed oo dadkii shirka isugu yimid uga warbixiyey guud ahaan halganka Ogaadeeniya iyo horumarka dhinac walba leh ee uu ku talaabsaday, isagoo shacabka kula dardaarmay in ay gacmaha is qabsadaan cududoodana muujiyaan si aynu u gaadhno ujeedooyinka aynu leenahay.

Waxaa shirka jaaliyada Edmonton marti sharaf ugu ahaa aqoonyahan mudane Maxamed Cismaan oo ah gudoomiyaha qabanqaabada shirweynaha jaaliyadaha aduunka oo lagu qaban doono dalka Canada sanadka 2012ka. Wuxuu ku dheeraaday in uu soo bandhigo qaabkii uu u qabsoomi lahaa shirweynuhu isagoo tilmaamay shirkani in uu ka duwanaan doono shirarkii hore ee lagu qaban jiray aduunka dacaladiisa, sababta oo ah wuxuu socon jiray shirarkaa sadex maalmood laakiinse shirwaeynaha sanadka wuxuu noqon doonaa mid socda afar maalmood, isagoo carabka ku dhuftay in ay jaaliydaha Canada u diyaar garoobaan marti gelinta jaaliyadaha aduunka iyo madaxda JWXOba.Wuxuu mahad balaadhan u soo jeediyey jaaliyadaha Alberta sida wanaagsan ee ay diyaarka ugu yihiin ka qayb qaadashada shirweynaha kaalintoodana ay uga soo bixi doonaan.
Shirkan oo ahaa mid aad iyo aad u qiimo badnaa muhiimad gaar ahna u lahaa gobolka Alberta iyo shacbiweynaha reer Ogaadeeniya ee ku dhaqan, wuxuu ku soo gabagaboobay farxad iyo rayrayn, waxayna Ilaahay ka baryayaan in sanadkan cusub ee 2012ka inoo noqdo mid guul iyo gobanimo xambaarsan.

ONA
C/raxmaan/Edmonton / Canada.
The Ogadenia community's annual conference, which had been eagerly awaited and is held every year in December, took place in the city of Edmonton on Dec. 31/2011.
As is our custom, the conference was opened with a religious sermon delivered by
Sh. Axmed Dayib, which touched on many aspects and was based on the fear of God and on the fact that we are a Muslim nation engaged in a just struggle, and that we need to turn together as one against the enemy that has long oppressed our nation.
Then the chairman of the Edmonton community, Mr. C/raxmaan Maxamed, was welcomed to the microphone. He first thanked the members of the Ogadenia community who attended the conference in large numbers and the guests of honour who came from faraway places such as Toronto and Fort McCurry. He also extended broad thanks to the members and cadres who devoted their precious time to making the community conference happen.
The chairman spoke at length about the community's achievements in 2011, which will be remembered for the community standing firm against and thwarting the colonizer's plans to divide the community that comes from the oppressed and heroic people. The chairman also said that the community has prepared its plans for the new year of 2012, and they pledged to intensify their upcoming activities. He confirmed that this conference paves the way for the 2012 world communities' conference, which will take place in the city of Toronto/Canada.
Also at the conference, a brief speech about the history of the struggle
of the people of Ogadenia was delivered by the head of the community's foreign affairs leadership, freedom fighter Maxamed Aadan Dubad, a speech that carried great meaning.
The chairman of the Fort McCurry community, Mr. Sheekeeye, who took the floor, spoke comprehensively about where our struggle stands today and what is needed and what we are aiming for, which he described as independence and determining our own destiny, and said that this requires us to make extra effort.
Among those who spoke at the conference was Cabdullahi Olol Diinle, one of the most highly respected elders in the land of Ogadenia, who stated that he had witnessed the various stages that the long-running armed struggle in Ogadenia has gone through, and he affirmed that today he stands on the right path, which is spearheaded by the Ogaden National Liberation Front (ONLF).
Also speaking was the veteran with extensive experience of the politics of the Ethiopian state, Mr. Axmed-haadi Sh.Cabdullahi, who focused on the fact that Ethiopia today is in a time of collapse and that it needs to be hastened along, and that the Ogaden National Liberation Army should be supported unreservedly.
Welcomed to the venue, and long awaited, was a senior ONLF leader and head of the audit agency, Mr. Maxamed Macalin Axmed, who briefed the people gathered at the conference on the Ogadenia struggle in general and the all-round progress it has made, urging the people to join hands and show their strength so that we may achieve our goals.
The guest of honour at the Edmonton community conference was the intellectual Mr. Maxamed Cismaan, chairman of the organising committee of the world communities' conference to be held in Canada in 2012. He elaborated at length on how the conference would be organised, stating that this conference will differ from previous conferences held around the world, because those conferences used to last three days, but this year's conference will last four days. He emphasised that the communities in Canada should prepare to host the world communities and the ONLF leadership alike. He extended broad thanks to the Alberta communities for how well prepared they are to participate in the conference and to fulfil their role.
This conference, which was extremely valuable and of special importance to the province of Alberta and the great people of Ogadenia living there, concluded with joy and celebration, and they pray to God that this new year of 2012 will be one that brings us victory and freedom.
ONA
C/raxmaan/Edmonton / Canada.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

