Waxaa shalay hoolka saxaafada ee smail Atony lagu qabtay shir-saxaafadeed oo aad loo sugayay shirkaasoo lagaga hadlayay xaalada Ogadenia iyo tacadiyada ciidamada iyo xukuumada Itoobiya ay ka waday intii mudo ahba.
Shirkan jaraa’id wuxuu daba socday dacwad 7ba bishan ey qareenada matalaya jaaliyada Ogadenia iyo hawl-wadeenada urururada bulshada Ogadenia u gudbiyeen xeer-ilaaliyaha guud ee Konfur Africa iyo madaxa baadhista danbiyada khatarta ah iyo sidoo kale maxkamada caalamiga ah.
Arinta dacwadan waxay soo jiiday saxaafad aad u badan oo gudaha iyo dibadab, sida Aljazeera, E-news, Islamic channel, South African Radio, iyo saxaafada afka Somaliga ku hadasha.
Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay xubno ka mid ah kuwa u oleleeya madaxbanaanida saxaafada sida Media Review Network oo halkaas kaga dhawaajiyay inay si dhab ah ugu olalayn doonaan madaxbanaanida saxaafada Ogadenya iyo Ethiopia labadaba.
Shirka jaraai’d waxaa hadal dheer ka jeediyay Garyaqaanka matalaya jaaliyadda Ogadenya ee dalka Koonfur Afrika Mudane Afzal Appa Parak. Waxaa ka mid ahaa hadaladiisa;
“Kadib mar kii aanu aragnay dhibanayaal aad u tiro badan oo ka soo qaxay Ogadenia islamar kaana aanu daawanay filimo muujinaya tacadiyo looga gaystay gobolka Ogadenia waxaanu dareenay masuuliyadda aadannimo ee nagasaaran difaacida xuquuqul insaanka. Waxaanuna u guntanay uruurinta xog dhab ah, markay noo dhamaystirantayna waxaanu ku lifaaqnay sheekooyinkii dhibanayaasha oo guud ahaan isku qaadatay 7ba boqol oo bog.”
Waxaa kale oo looyarku xaqiijiyay in ay dacwada gaadhsiiyeen xeer ilaaliyaha guud ee Konfur Africa iyo madaxa baadhista danbiyada halista ah ee booliskaKkoonfur Africa. Waxaa kaleeto oo dacwadaa loo gudbiyay maxkamada caalami ga ah ee danbiyada
Waxaa isaguna meesha ka hadlay af hayeenka jaaliyada Koonfur Africa maxamed Badal C/lahi waxa uuna si waafi ah faah faahin uga bixiyay marxaladaha kala badalan ee ay soo martay uruurinta dacwadani isaga oo carabaabay in caqabada ugu adagi ay ahayd galitaanka iyo ka soo bixitaanka Ogadenia oo muhiim u ahayd soo uruuninta xogaha ku saabsan tacadiyada laga gaystay Ogadenia.
Dhanaca kaleeto waxaa fadhiyay dhibanayaal ka koobnaa rag iyo dumar oo dhamaantood ka warbixiyay tacadiyo halisa oo lagula kacay. Dhibane layidhahado Cabbdicaziiz Buraale ayaa ka sheekeeyey tacadiyo lagula kacay oo sheegay in ciidamadu ku qasbeen inuu lashaqeeyo sirdoonka Itoobiya isagoo sheegay mudadaadsi in uu ahaa shaqaale caafimaad. Markuu diidayna ay ciidamadu xabsiga u taxabeen jidhdil aad u baahsana lagu sameeyay.Waxaa kaloo uu xaqiijiyay Cabdicaziiz in uu indhihiisa ku arkay dad garaacis u dhintay xabsiga uu ku xidhnaa dhexdiisa, loona diiday maydkoodii in laga qaado, isaga oo sheegay in lafaha dadka xabsiga dhexdiisa ku dhintay ay ku tuura hayeen qol xabsiga dhexdiisa ah si ciidamada sirdoonku ugu isticmaalaan ciqaab iyo cabsigalin lagu sameeyo dadka ku xidhan xabsiga.

Shukri iyo Ardo oo ka midahaa dhibanayaashii goobta ka hadlay ayay labaduba xaqiijiyeen jidhdil kufsi iyo ciqaab kale oo lagula kaco dadka meesha ku xidhnaa oo ay iyagu ka mid ahaayeen.
Dhibanayaasha goobta kahadlay guud ahaan waxay ahaayeen dad kazoo bad baaday dhimasho cadaymahaasina waxay soo jiiteen saxaafadii dalka oo si toosa u sooxiganaya hadaladoodii
Dhinaca kale waxaa dhacdadan si wayn u baahiyay idaacadaha iyo jaraai’dada maxaliga ah ee dalka Koonfur Africa, iyadoo tiro kamida TV-yada caalamiga ah iyo war baahinta afsoomaliga ku hadasha waxay ka qoreen aad war bixinada dambe ka akhrisan doontaan hadii Alle yidhaahdo.
Cadhadii dalka iyo ficiladii daciifka ahaa ee uu safiirka Itobiya u fadhiya halkaa isku dayay inuu ku horjoogsado shir saxaafadeedka oo ay ceebi karaacday ayaan gadaal ka soo tabin doonaa iyadana.
Cumar jigjiga/ONA.
Yesterday, a long-awaited press conference was held at the Ismail Atony press hall. The conference discussed the situation in Ogadenia and the abuses that the Ethiopian forces and government have been committing for a long time.
This press conference followed a case that, on the 7th of this month, lawyers representing the Ogadenia community and workers of Ogadenia civil society organisations submitted to the National Director of Public Prosecutions of South Africa, the head of the serious crimes investigation unit, and also the International Criminal Court.
The case attracted a great deal of media attention, both domestic and international, such as Al Jazeera, E-news, Islamic Channel, South African Radio, and the Somali-language media.
Also in attendance were members of press freedom advocacy groups, such as the Media Review Network, who announced there that they would seriously campaign for press freedom in both Ogadenia and Ethiopia.
A lengthy speech was delivered at the press conference by the lawyer representing the Ogadenia community in South Africa, Mr Afzal Appa Parak. Among his remarks were the following:
"After we saw a very large number of victims who had fled Ogadenia, and at the same time watched films showing abuses committed in the Ogadenia region, we felt the humanitarian responsibility that rests upon us to defend human rights. We committed ourselves to gathering accurate information, and once it was complete, we attached the stories of the victims, which altogether came to 700 pages."
The lawyer also confirmed that they had delivered the case to the National Director of Public Prosecutions of South Africa and the head of the serious crimes investigation unit of the South African police. The case was also submitted to the International Criminal Court.
The spokesman for the community in South Africa, Maxamed Badal Cabdilahi, also spoke at the event and gave a full and detailed account of the various stages that the gathering of this case went through, noting that the greatest challenge was entering and leaving Ogadenia, which was essential for collecting information about the abuses committed in Ogadenia.
On the other side were seated victims, made up of men and women, all of whom gave accounts of serious abuses committed against them. A victim named Cabdicaziiz Buraale described the abuses committed against him, saying that the forces had tried to force him to work with Ethiopian intelligence, stating that at the time he was a health worker. When he refused, the forces took him to prison, where he was subjected to very extensive torture. Cabdicaziiz also confirmed that he saw with his own eyes people who died from beatings inside the prison where he was held, and that their bodies were not allowed to be removed, saying that the bones of people who died inside the prison were thrown into a room inside the prison so that the intelligence forces could use them for punishment and intimidation of those held in the prison.
Shukri and Ardo, who were among the victims who spoke at the event, both confirmed the torture, rape and other punishments inflicted on the people held there, of whom they themselves were among.
The victims who spoke at the event were, in general, people who had survived death, and their testimonies drew the attention of the country's media, which closely followed their statements.
Meanwhile, the event was widely covered by local radio stations and newspapers in South Africa, while a number of international TV channels and Somali-language media wrote about it, which you will read in later reports, God willing.
We will later also report on the anger of the country and the feeble actions with which the Ethiopian ambassador stationed there tried to prevent the press conference, which brought him disgrace.
Cumar Jigjiga/ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
