15/10/2011 Maalinimada Sabtida abbaarihihi 1 Duhurnimo waxa ka bilowday shir aad u heersareeya oo looga hadlay arrimaha Xuquuql insaanka Ogadeniya iyo Guud Ahaan tacadiyada ay taliska TPLF u geystaan Shucuubta Ethiopia. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee UK ayaa waxa kasoo qeyb galay guud ahaan shucuuubta ku hoos nool taliska qalafsan ee Ethiopia.
Shirkan oo meeqaankisu ahaa mid aad u sareeya ayaa waxa kasoo qeyb galay Wariyihii soo duubay warbixinti BBC News night oo lagu magacabo Angus Stickler’s, Waxaa kale oo kasoo qeybgalay, Aqoonyahan aad ugu magacdheer Afrika oo ah cilmi baadhe dhanka saxafada ah oo lagu magacabo Vincet una dhashay wadanka Uganda oo isagu ahaa shirgudoonka shirka. Waxa kale oo shirkan kasoo qeyb galay Cllr. Mushtaq Lasharie oo ah Gudomiyaha “Third World Solidarity” oo fadhigisu yahay guriga baarlamaanka UK. Shirkan ayaa waxa kale oo ka hadlay kana mid ahaa xubnihi qeybta weyn ka qaatay qabanqaabada shirka Dr Trevor oo ah nin ka hadla arrimaha xuquuql insaanka Ethiopia.

Hadaba shirkan oo su’alo iyo talooyin badan lasoo jeediyay ayaa waxa shirka furay Xoghayaha Jaaliyada Ogadeniya ee Manchester mudane Cabdi Gure oo ku soo dhaweyay shirka Mushtaq Lasharie, Gudomiyaha ururka third world solidarity ayaa ka warbixiyay sida uu ugu faraxsanyahay innuu kasoo qeyb galo shir ay isugu yimaaden jaaliyada somalida Ogadeniya iyo shucuubta kale ee Ethiopia. Waana mid loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo bandhigi laha arrimaha xuquuql insaan ee Ethiopia.

Warbixino Goos Goos ahaa oo ay soo bandhigen gudida shirka iyo muuqaaladi BBC newsnight oo uu ka warbixiyay Mudane Angus Stickler. Warbixinahas marti sharafta kadib waxa shirka guddonkisa qabtay aqqoonyahanka ree Uganda ee Vincet kaas oo si qurux badan u daadihiyay shirka. waxana laguda galay wajigi labaad ee shirka oo ahaa Su’alo iyo talooyin loo soo bandhigay wariyaha BBC Newsnight mudane Angus.

Kowsar Cumsan badal ayaa waxa ay weydisay mudane Angus innuu kawarbixiyo Sababta ay Dowlada UK uga gaabsanayso inay baadhitaan kusameyso lacagaha faraha badan ee dowladan UK siiyo Ethiopia. Hadiba ay lacag sinayaan maxay dhib u tahay in la ogado lacagta meesha ay marayso iyo inay gaadheyso cidi loogu talo galay!
Angus ayaa ku dheeraday su’a shaas waxa uuna yiri waa mida aan ku cadaadinayno dowladan UK, haddi malaayiin ama ka badanba aad bixinayso waxa qasab ah inaad oggaato meesha ay tagayso. warbixinti aan soo sameynay waxa ay aheyd mid aan ku tusnay in lacagaha si qaldan loo isticmaalo. Waxa aan soo duubnay 20 saac oo filim ah oo aan ku cadeynayno tacadiga ay dowlada Ethiopia ku heyso dadka ree Ethiopia balse waxase aan soo deynay oo laga dawaday BBC News night 17 daqiiqo kaliya oo filimkaas ah.
Angus oo hadalkisa sii wata waxa uu yiri anagu sidayadaba ma nihin Urur Siyaasi ah, ama haayad u dooda oo abaabul (campaign) sameysa waxa aan nahay media Markii aan tagaynay Ethiopia manaanu iska tagin kaliya ee waxa aan sii aruursanay maclumaad warar badan ayaa sii daraasadaynay, wararkayaga maanaanu ka helin kaliya Dowlada Ethiopia ama mucaaradkeeda ay ku eedeynayso inay yihiin argagaxiso. Waxa aan maclumaad ka helnay warbixinaha hayadaha madaxa banaan ay sameyeen sidoo kale Dowladaha EU ama Dowlada Mareykanka. Kadib anaga oo heysana xog badan ayaan abbaarnay goobti dhibatada ka jirtay cadeymo dhab ah oo laga doodi karina waanu ka keenay.

Angus waxa kale uu ka hadlay In dowlada Ethioipia u ogoleyn wariyaasha inay galaan Ethiopia aad ayayna uga xumaadeen warbixintayadi maadama ay xaqiiq jirta aheyd. Hadda waxa tusaale idiinku filan wariyaasha Swedene Ethiopia u xidhan. Waxa ay ku edeyeen inay yihiin argagaxiso oo xataa Zenawi waa kii sheegay inay argagaxiso yihiin wariyaashi. Waxay cadeyn uga dhigeen inay qori heysteen. Aniga laftigayga waxa marar badan aan kasoo waramay dhul daggaalo iyo khilaaf ka jiro. Qorina waan taabtay balse micnaheedu maahan hadaad qori kor u qaado inaad ridayso oo qof kale ku ridayso. Angus waxa uu muujiyay inuu aad uga xunyahay xaalada wariyaasha Sweden ee dowlada Ethiopia u xidhan.
Shirkan oo su alo badan laweydiyay Angus ayaa waxa kamid aheyd su alihi xiisaha badna ee laweydiyay sababta ay qadiyada Ogadeniya u soo gali weydey warbaanihinta caalamka. Arintaas waxa Angus uu kaga jawaabay waa adag tahay in warbaahinta ay gasho dhulkaas Ogadeniya waxa aan ogahay hada warbaahin badan oo caalami ah oo xiiseynaysa inay gasho oo kaso waranto Ogadeniya. Waxa jira channel4, CNN, iyo kuwo kale oo badna oo uu magac dhabay dhamaantood dib ayay u hakiyeen ayuu yiri inay aadan ethiopia waayo lacag badan ayay u baahantahay waxa kale oo jirta amaankooda oo halis ah. Midda kale waqtigan waxa warbaahinta caalamka liiskooda ka buuxa Iraq, afganistan iyo dabeysha ka socota Carabta. Lakiin waxa aan ku dadaaleyna oo ku howlanahay sidii wajigi labaad loo guda gali lahaa loona jabin laha caqabadaas jirta. Waxa dowladan UK aan ka wadnaa cadaadis anaga oo isticmaaleyna qodobka Freedom of information ee laga hirgaliyay UK.
Shirkan ayaa waxa aad loogu mahadnaqay Angus, Waxana lagu dhiiri galliyay innuu sii xoojiyo dadaalkisa.
Haweenka somalida Ogadeniya oo ahaa tiradi ugu badneyd ee shirka kasoo qeyb gasha ayaa waxa markii ugu horeysay aan ku arkay shirka in haween badan oo somalida Ogadeniya ahi ka hadlaan oo ama su’alo weydiyaan angus ama ay talooyin iyo dhiiri galin u soo jeediyaan.

Waxana kamid aheyd dadki ka hadlay shirka Xoghayaha Ururuka Haweenka Ogadeniya Marwo Ruqiya oo ku sheegtay kaligi Taliye Zenawi innuusan aheyn nin aqli leh sida dad sheegaan, waxay tiri waa nin dulli ah oo ku caan noqday kubsiga haweenka. Anigu muddo dheer dhulkayga hooyo ee Ogadeniya ma tagin. Waayo ayay tiri maahan inaasan awodin tigidh. Waa la idili walibana inta aan la idilin waa la i kufsan, sida ku dhacda dadkeyga ree Ogadeniya. Waxa ay tiri waxase jira dad qaldan oo aminsan in Zenawi lala hadli karo oo nin Xus ku jiro yahay, kuwaas hadeysan jiri laheyn males Zenawi dadkayaga ma guumeysteen.
Waxa kale oo ka hadashay Gabadh ree Ogadeniya ah oo u sheegtay Angus inay aad ugu faraxsantahay warbixinta uu kaso diyraiyay Ogadeniya iyo Guud ahaanba Ethiopia. Kolay waa shaqadadi ayay ku tiri balse shaqo fiican ayay aheyd waana marki ugu horeysay ee warbixin noocaas oo kale ah laga so diyariyo Ogadeniya. aad ayaan kuugu mahad naqaya. Haddaan nahay Shacabka Ogadeniya ma hadli karno si xor ah haddii aan xattaa Joogno Europe. Waayo dadkayaga ku nool Ogadeniya hooyooyinkano, abbayashano iyo eheladayada ayaa la dilaya. Balse anigu waan hadlaya waayo kolay waan dhimanayna, waxana diyaar u ahay inaan u dhinto dadkayga iyo dalkayga.
Ereyada gabadhan u dhalatay Ogadeniya oo aad u qiiro galiyay Gudoonka shirka oo ahaa isagu nin u dhashay Uganda ayaa ilmo kusoo istaagtay waxa uuna sheegay Mudane Vincet innuu aad uga qiirooday hadalada gabadha. anigu waxa aan u dhashay wadanka Uganda, waxa aan soo marnay dictataro badan oo uu kamid yahay Eidamiin iyo kuwo kaleba, hadiyo jeer waxa aad arkeysa dad kala qeybsan oo qaarkood u arkaan kaligood taliyasha inay yihiin dad saxan balse waa inaan u midowna. Marka aad aragto qof dhahahaya aniga dadkeyga waa u dhimanaya dhiiga ayaa ku kacaya waadna qiironaysa waana arrinta loo baahanyahay.
Sidoo kale Vincet ayaa ka jawaabay su’al laga weydiyay Madaxda Afrika sababta ay uga hadli la’yihiin Xasuuqa Ogadeniya. Vincet waxa uu ku jawabay Tuugo weyaan madaxda Afrika, marka dad dulmi ku dhisan wax inaan weydisano maahan iskana illaawa kuwaas inay wax inoo qabanayaan. hadii ay wax kaqaban waayaan arrinta Ogadeniya waa in sida Carabta aan wadankasta ka kicina oo dad xor ah aan doorana oo u istaagi kara sharafta Afrikaanka. Markaas ayaan helayna madax ina matasha. Vincet ayaa hadalkisi si raciyay inusan rabin in siyaasada uu sii dhextibaaxo.
Ugu danbeynti waxa shirka soo istaagay Dr Trevor oo u mahad naqay Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee UK oo sheegay inay shirkan iyagu soo qaban qaabiyeen lacagtana ay bixiyeen islamarkaasna ka codsaday dadki kaso qeyb galay in lagala qeyb qaato oo ugu yaraan qeyb loo celiyo dhaqalihi shirka ku baxay. Dr Trefor ayaa waxa kale oo ka hadlay sida wanaagsan ee shirka looga soo qeyb galay iyo martida shirka ka hadashay ee sharaftay shirka.
Dr Trevor ayaa hadalo kooban kadib waxa uu daaray Filim ay soo diyaarisay Kowsar Cusman Badal oo laga soo diyariyay Ogadeniya. Filimkan oo ahaa mid aad uga muuqdo tacadi badan oo loo geystay dil, kufsi ciqaab ayaa shacabki wajigooda badalay aadna waa looga qiroday.
Dr trevor ayaa waxa filimka kadib uu u balan qaaday dadkii kasoo qeyb galay shirka in laqaban doono shirara badan oo kan kasii waaweyn oo dhici donaan December iyo January laguna qaban doono guriga baarlamaanka iyo Xarumaha Amnetsty international. Waxana lagu balamay inlasii xoojiyo shirarka noocan oo kale ah ee iskaashiga ah.
Warbixintan filimkan oo maqal iyo muuqaal ah dib kala socda:






15/10/2011 On Saturday afternoon, at around 1 pm, a very high-level conference began which discussed human rights issues in Ogadenia and, in general, the abuses that the TPLF regime commits against the peoples of Ethiopia. This conference, which was organised by the Ogadenia Somali Community in the UK, was attended by people from across the various peoples living under the harsh regime of Ethiopia.
This conference, whose standing was very high, was attended by the journalist who recorded the BBC Newsnight report, named Angus Stickler. Also attending was a very renowned African academic, a media researcher named Vincet who was born in Uganda and who chaired the conference. Also attending the conference was Cllr. Mushtaq Lasharie, Chairman of "Third World Solidarity", which is based at the UK Houses of Parliament. Also speaking at the conference, and among the members who played a major part in organising it, was Dr Trevor, a man who speaks on Ethiopian human rights issues.

This conference, at which many questions and suggestions were raised, was opened by the Secretary of the Ogadenia Community in Manchester, Mr Cabdi Gure, who welcomed attendees to the conference. Mushtaq Lasharie, the Chairman of the Third World Solidarity organisation, spoke of how happy he was to attend a conference bringing together the Ogadenia Somali community and other peoples of Ethiopia. It is something that requires working together on how to present the human rights issues of Ethiopia.

Brief reports were presented by the conference committee, along with footage from BBC Newsnight introduced by Mr Angus Stickler. After those reports by the guests of honour, the chairing of the conference was taken over by the Ugandan academic Vincet, who guided the conference beautifully. The conference then moved into its second phase, which was questions and suggestions put to the BBC Newsnight journalist, Mr Angus.

Kowsar Cumsan Badal asked Mr Angus to explain why the UK Government is failing to carry out an investigation into the large sums of money that the UK Government gives to Ethiopia. Since they are giving money, what is the difficulty in finding out where the money is going and whether it reaches the people for whom it is intended!
Angus elaborated on that question and said: it is something we are pressing the UK Government on; if you are giving millions or even more, it is essential that you know where it is going. The report we made was one in which we showed that the money is being misused. We recorded 20 hours of film proving the abuses that the Ethiopian Government is inflicting on the people of Ethiopia, but what we released, and what was broadcast on BBC Newsnight, was only 17 minutes of that film.
Continuing his remarks, Angus said: we are not, by our nature, a political organisation, or an advocacy body that runs campaigns; we are the media. When we went to Ethiopia we did not just go; we gathered information and studied a great deal of news beforehand. We did not get our information only from the Ethiopian Government or from its opposition, whom it accuses of being terrorists. We got information from reports made by independent organisations, as well as from EU governments and the United States Government. Then, holding a great deal of information, we headed to the place where the trouble was, and we brought back real and indisputable evidence.

Angus also spoke about how the Ethiopian Government does not allow journalists to enter Ethiopia, and said they were very upset by our report because it was the existing truth. Now, a sufficient example for you is the Swedish journalists imprisoned by Ethiopia. They accused them of being terrorists, and even Zenawi himself is the one who said the journalists were terrorists. They made it their evidence that they had held a gun. I myself have reported many times from lands where wars and conflicts are taking place. I have touched a gun too, but that does not mean that if you pick up a gun you are going to fire it or shoot someone else. Angus showed that he was very upset about the situation of the Swedish journalists imprisoned by the Ethiopian Government.
At this conference, where Angus was asked many questions, one of the most interesting questions put to him was why the Ogadenia issue has failed to enter the international media. Angus answered this by saying it is difficult for the media to enter that land of Ogadenia; I know that there are now many international media outlets interested in entering and reporting from Ogadenia. There are Channel 4, CNN and many others which he named; all of them have postponed going to Ethiopia, he said, because it requires a lot of money, and there is also their security, which is at risk. Another thing is that at this time the agenda of the international media is filled with Iraq, Afghanistan and the wind blowing through the Arab world. But what we are striving for and working on is how to move into the second phase and break through that existing obstacle. We are putting pressure on the UK Government using the Freedom of Information provision that has been implemented in the UK.
Angus was warmly thanked at this conference and was encouraged to further strengthen his efforts.
The Ogadenia Somali women, who made up the largest number of those who attended the conference, were seen by me at the conference, for the first time, with many Ogadenia Somali women speaking, either asking Angus questions or offering him suggestions and encouragement.

Among the people who spoke at the conference was the Secretary of the Ogadenia Women's Organisation, Mrs Ruqiya, who stated that the dictator Zenawi is not an intelligent man as people claim; she said he is a contemptible man who has become notorious for the rape of women. I have not been to my motherland of Ogadenia for a long time. Why, she said, it is not that I cannot afford a ticket. I would be killed, and moreover before being killed I would be raped, as happens to my people of Ogadenia. She said: but there are misguided people who believe that Zenawi can be talked to and that he is a man with some decency in him; if those people did not exist, I do not think Zenawi would have colonised our people.
Also speaking was a young woman from Ogadenia who told Angus that she was very happy with the report he had prepared on Ogadenia and Ethiopia in general. Of course it is your job, she told him, but it was good work and it is the first time a report of that kind has been prepared from Ogadenia. I thank you very much. We, the people of Ogadenia, cannot speak freely even when we are in Europe. Because our people living in Ogadenia, our mothers, our sisters and our relatives, are being killed. But I am speaking, because we are going to die anyway, and I am ready to die for my people and my country.
The words of this young woman born in Ogadenia deeply moved the chairman of the conference, himself a man born in Uganda, who was brought to tears, and Mr Vincet said that he was deeply moved by the young woman's words. I was born in Uganda; we have been through many dictators, among them Idi Amin and others; and always you will see people divided, some of whom see the dictators as being right, but we must unite. When you see someone saying, I will die for my people, your blood rises and you are moved, and that is what is needed.
Likewise, Vincet answered a question put to him about why African leaders are unable to speak about the Ogadenia massacre. Vincet replied that African leaders are thieves, so we should not ask anything of people built on oppression, and forget about them doing anything for us. If they fail to do anything about the Ogadenia issue, then, like the Arabs, we must rise up in every country and elect free people who can stand up for the dignity of Africans. Then we will get leaders who represent us. Vincet added to his remarks that he did not want to wade further into politics.
Finally, Dr Trevor rose to address the conference and thanked the Ogadenia Somali Community in the UK, saying that they themselves had organised this conference and paid the money, and at the same time he asked those who attended to share in the cost and to at least reimburse part of the expenses incurred by the conference. Dr Trefor also spoke about the good attendance at the conference and the guests who spoke at the conference and honoured it.
After brief remarks, Dr Trevor played a film prepared by Kowsar Cusman Badal, which was made in Ogadenia. This film, in which many abuses committed, including killing, rape and torture, were clearly visible, changed the faces of the audience, and they were deeply moved.
After the film, Dr Trevor promised those who attended the conference that many conferences, even larger than this one, would be held in December and January, and would be held at the Houses of Parliament and at the offices of Amnesty International. And it was agreed to further strengthen cooperative conferences of this kind.
Follow this report with the audio and video film later:






AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.