Waxaa Magaalad Nairobi si habsami leh ooga furmay shirkii jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka Kenya. Shirkaa oo lagu soo gunaanadayay shirar ay jaaliyado waday oo ku saleysanaa abaabul iyo kor u qaadid tayada xubnaha Jaaliyada Ogaadeenya ee dalka Kenya. Shirka oo dhamaan xubnaha jaaliyadu ay goob joog ahaayeen ayaa waxaa furey Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Cabdinaasir uurdoox oo ka warbixiyey dib u dhis ay ku sameeyeen xubnaha jaaliyada iyo abaabul mudo dheer socday oo ay jaaliyadu ku guuleysatay iyadoo hawlahaas sidii loogu talo galay ay u fushay. Wuxuu Cabdinaasir sheegay in guulaha ay jaaliyadda ka gaadhay dhanka abaabulka ay sabab u ahayed ka feejignaan laga feejiganyahay dhaxgalka uu cadawgu isku dayo in uu xubnaha ku soo dhex galo.
Sidoo kale mas’uuliyiinta Jaaliyada shirka kala soo qayeb galay waxaa ka mid ahaa mudane M. Shariif oo xubnaha jaaliyada warbixin ka siiyay hadal haynta wadahadalka la sheegay in uu dhexmarey mas’uuliyiinta jabhada iyo wafdi ka socday dawladda Kenya, wuxuuna mudane Maxamed Shariif xubnaha xusuusiyey taariikhda halganka gobanimodoonka ah iyo go’aanka ONLF oo uu yidhi; “go’aanka wada hadal in lala galo dawladda Itobiya waxaa sal u ah labo arimood in la helo cid dhexdhexaad ah iyo goob nabad galiyo ah oo cid walba ay xor u tahay afkaarteeda iyo qodobada ay goobtaas la imaaneyso”
Mudanaha oo sii wata hadalkiisa ayaa yidhi; “Mas’uuliyiinta jabhadu go’aankoodu ma aha mid ay iska qaadanayaan ee waa mid ka tarjumaya rabitaanka Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya.”
Waxaa kale oo uu Maxamed Shariif ku baraarujiyay mas’uuliyiinta jaaliyadaha iyo dhamaan xubnuhuba in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa cadawga gaar haan kuwa sida gaarka ah looga soo dirayo Ogaadeeniya, kuwaa oo Wayaanuhu oogu talogalay inay ka dhex shaqeeyaan Jaaliyadaha Ogaadeniya ee dibdaha jooga iyadoo in badan oo kamid ah aan hadaba hayno xogtooda iyo meelaha ay kala joogaan iyo qorshe ahaan wixii la soo siiyey in ay ka hawlgalaan. Waxaa kaloo uu kula dardaarmay in guud ahaan la xoojiyo hawlaha Jaaliyada u yaaala iyadoo buu yidhi jaaliyada Kenya go’aamadii ay qaadatay dhamaadkii sanadka ay ahaayeen go’aamo wax tar u leh hawlaah mustaqabalka jaaliyada horyaal.
Shirka maanta ay jaaliyadu lahayed ayaa lagu Ogaysiiyey xubnaha in uu jiro barnaamij loogu magac darey ( Gurmad ) oo loogu talo galay in caawimaad loogu ururiyo qoxootiga Ogaadeeniya ee soo galay xeryaha qoxootiga Dhadhab Kenya oo ay dhibaato iyo diif ka soo gaadhay Safaro dhaadheer oo ay soo mareen iyo waliba iyaga oo qoxootiga yimid xili ay jiraan shaqo joojin ay sameeyeen shaqaalaha UN ta ee Dhadhaab taasina ay sababtay in ay waayaan wax yaabihii aasaasiga u ahaa marka ay dad qoxooti ah soo gaadhaan meeshi ay ku socodeen.
Markii lagu dhawaaqay Barnaamjikaas oo uu hormuud ka yahay N/hure Xaliye oo ah halgamaa ay dadka Ogaadeeniya aad u jecelyihiin ayaa waxaa bilaabatay in gabadhii joogay kulanka ay oogu deeqaan dadkaas lacago iyo waliba dahabkooda, waxaana ka mid ahaa gabdhaha dahabkooda oogu deeqay dhibanayaasha Qoxootiga Ogaadeeniya Canbe Rashiid, Faadumo Xirsi Mahad, Sahra Ismaaciil iyo Fardwso Axmed Murar. Iyadoo gabdhaha inta kalane ay bilaabeen bixinta lacag iyo balanqaadyo ay u sameeyeen barnaamijka Gurmad ee ololihiisa maanta la bilaabay, iyadoo ay socon doonto deeqda iyo yabooha. Waxaa la ogyahay in gabadha Soomaalida Ogaadeeniya ay hurmuud ka yihiin halganka Ogaadeeniya dibada iyo gudahaba.
Gabogabadii shirka ayaa waxaa ka hadlay xubno marti sharafa ahaa oo ka yimid wadamada dibada oo dardaarano kala duwan u jeediyey xubnaha jaaliyada Ogaadeeniya ee Kenya, iyagoo ugu baaqay jaaliyadaha S.Ogadenya ee dunida dacaladeeda ka hawlgala inay walaalahooda ka soo cararay dhibaatada gumaysiga ee xeryaha qaxootiga soo galay inay u soo fidiyaan taageero.
Kaahin Xareed
ONA Nairobi
The conference of the Ogadenia community in Kenya opened smoothly in the city of Nairobi. The conference concluded a series of meetings the community had been holding, focused on mobilisation and on raising the capacity of the members of the Ogadenia community in Kenya. The conference, attended by all members of the community, was opened by the Chairman of the Community, Mr Cabdinaasir Uurdoox, who reported on the rebuilding the community members had carried out and on a long-running mobilisation in which the community succeeded, accomplishing those tasks as planned. Cabdinaasir said that the successes the community achieved in mobilisation were due to vigilance against infiltration, as the enemy tries to infiltrate the membership.
Among the community officials who also took part in the conference was Mr M. Shariif, who briefed the community members on the talk of negotiations reported to have taken place between officials of the front and a delegation from the Kenyan government. Mr Maxamed Shariif reminded the members of the history of the struggle for freedom and of the ONLF's decision, saying: "The decision to enter into negotiations with the Ethiopian government is based on two things: finding a neutral party and a safe venue where each side is free to present its ideas and the points it brings to that venue."
Continuing his speech, he said: "The decision of the front's officials is not one they take on their own; rather, it reflects the will of the Somali people of Ogadenia."
Maxamed Shariif also alerted the community officials and all members to keep track of enemy activity, especially those being sent specifically from Ogadenia, whom the Woyane intend to operate within the Ogadenia communities living abroad, adding that we already hold information on many of them, where they are located and what they have been given as a plan to carry out. He also urged that the work of the community be strengthened overall, saying that the decisions the Kenya community took at the end of the year were decisions beneficial to the future work ahead of the community.
At today's conference held by the community, members were informed that there is a programme named (Gurmad), intended to collect assistance for the Ogadenia refugees who have arrived in the Dhadhab refugee camps in Kenya, who have suffered hardship and distress from the long journeys they made, and moreover arrived as refugees at a time when the UN staff in Dhadhaab are on strike, which has caused them to lack the basic necessities refugees need when they reach their destination.
When the programme was announced, led by N/hure Xaliye, a freedom fighter much loved by the people of Ogadenia, the women present at the meeting began donating money and even their gold to those people. Among the women who donated their gold to the suffering Ogadenia refugees were Canbe Rashiid, Faadumo Xirsi Mahad, Sahra Ismaaciil and Fardwso Axmed Murar. The other women also began giving money and making pledges to the Gurmad programme, whose campaign was launched today, and the donations and contributions will continue. It is well known that the Somali women of Ogadenia are at the forefront of the Ogadenia struggle both abroad and at home.
At the close of the conference, guests of honour who had come from abroad spoke and gave various words of advice to the members of the Ogadenia community in Kenya, calling on the Somali Ogadenia communities operating around the world to extend support to their brothers and sisters who have fled the hardship of colonialism and arrived in the refugee camps.
Kaahin Xareed
ONA Nairobi
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

