
Magaalada Minneapolis waxaa lagu qabtay shalay shir aad u balaadhan oo Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO Mudane Cabdriraxmaan Sh Mahdi uu kula kulmey Jaaliyada Ogadeniya ee Gobolka Minnesota.
Maamulka Jaaliyda Ogadeniya ee Minnesota ayaa oo kaashanaya waaxyaha Ururada bulshada ee Jaaliyada ayaa si heersare u soo agaasimay shirka, iyadoo ay si buuxda uga soo qaybgaleen Odey Dhaqameedyada, dhalinyarada iyo Hooyinka Madaalooyinka ah.
Waxyaabaha xusid mudan waxaa ka mid ahaa wiil aad u da’yar oo lagu magacaabo Dalal Ilyaas oo ka mid ah Dhalinta Minnesota ee Ogadeniya oo Gabay uu daqiiqado ka hor alifey shirka ka soo jeediyo. Gabaygaas oo dadweynihii qiiro ku reebey.
Halkan ka dhagayso:
Kadib, waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweyey qaar ka mid ah cuqaashta Ogadeniya ee Gobolka Minnesota, waxaana halkaas hadal qiimo badan oo taariikhi ah ka soo jeediyey Mudane Suldaan Maxamuud Canshuur oo ka mid ah Odey dhaqameedyada Gobolka.. Suldaanka wuxuu sheegay in shacabka Ogadeniya uu aad uga foojiganyahay khiyaanada gumeysiga wado, wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in Itooobiya ayna marnaba dooneyn iney si dhab ah xal uga keento dhibaatada ka aloosan ogadenia.
Sidoo kale, Mudane Xuseen Mataan ayaa isaguna goobta kulanka ka soo jeediyey dhiiri gelin iyo khudbad aad u qiimo badan oo dadku ku boorinayey, isaga oo sheegay in Siyaasada Itoobiya ee soo jieenka ah ee ku aadan Ogadeniya ayna weligeed is bedelin. Mudane Xuseen Mataan wuxuu dadweynaha ku booriyey in qof walbaa kaalintiisa buuxiyo.
Waxaa iyaguna Shirka ka hadley Xubno ka mid ah Golaha Dhexe ee JWXO oo ay ka mdi yihiin mudane Axmed Majeerteen, oo isagu shirka ka soo jeediyey khubad uu ugu magac darey “Waa maxay nabadu”. Mudane Axmed Majeerteen ayaa si cilmiyeysan u sharaxay micnaha nabadu leedahay iyo qaabku lagu xalin karo khilaafaadka. Waxaa shirka marti ku ahaa Wafti ka socda Jabhada Oromiya oo uu hogaaminajo Dr. Fido oo ah Madaxa Arimaha Dibada iyo iku xidhka ee Waqooyi Amerika. Dr. Fidow waxa uu sheegay in Shacabka Ogadeniya midka Oromiya ay isaga dhawyhiin kuwa kale ee Itoobiya, isag oo tilmaamery in aynu siku naahay waxa loo yaqaano Kushitik, ila makaana 30% luuada Oromo ay tahay Soomaali. Dr-ka oo meelo badan a hadley iyo qaabka looga hortagi karo xasuuqa ka socda Ogadeniya iyo Oromiya ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada qoomiyadood iskaashadaan.
Dr. Fido waxaa hadaladiisii ka mid ah taariikh naxdin leh oo la wadaagey dadweynihii madasha fadhiyey, taariikhdaas ama dhacdadadaas oo dhacdey mudo hada qiyaastii laga joogo 42 sano. Taas oo ku sheegay in ay isku fasal ahaan jireen oo Itoobiyaan ah in markii uu dhameeyey iskuulkii uu ka mid noqdey Ciidamada Itoobiya, islamarkaana loo bedelay Ogadeniya. Dr. Fido weaxa uu yiri “ninii ayaan 6 sano kadib arkey isaga oo aad moodo in maskaxda lagaga jiro, kadib mar aan wareystiiey saaxiibo kale oo ninkan yaqaan, waxaa la ii heegay ‘ In uu Wiil yar oo Hooyadii dhabarka ku wado uu Ogadeniya ku soo diley”, kadibna maskaxda wax kaga dhaceen. Dr. Fido waxa uu intaas u darey in ujeedada uu ninka askariga ahi u diley Ilmaha yar ahayd, in ilmaha yari uusan korin oo beri la daggaalamanin Itoobiya. Qisadan yaa dadweynihii shirka fadhiyy ku abuurtey nacab xoog leh oo ay u sii qaadaan Itoobiya.
Waxaa iyaduna madasha shirka ka hadley Mudane Somaaliyeed oo ka soo kicintintey Magaalada Rochester oo lagu magacaabo Dr. Cabdiramaan Xaaji Erik. Dr. Erik wuxuu aad uga hadley dhibka uu gumeysigu leeyahay iyo nacaybka ay Itoobya u qabto dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegtey in Itoobiya markasta ka soo horjeedo midnimada Soomaliya. Dr. Cabdiramaan Xaaji Erik ayey khudbadiisii aad u qiiro galisey dhamaan dadweynihii madasha fadhiyey.
Dadweynaha kadib, waxaa shirka si qoto dheer warbixino meelo badan taabanaysa ka soo jeediyey Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO Mudane Cabdiraxmaan Sh Mahdi Yaasiin. Mudane Cabdiraxmaan ayaa si taxanaha ah uga hadley xaalada Geeska Afrika iyo Saameynta ay ku leedahay halgnaka ay JWXO hormuudka ka tahay ee shacabka Ogadeniya aayo katashiga loogu raadinayo.
Warbixinta Cabdiraxmaan ayaa waxaa ka mid ah Filim muujinaya xadgubyada bani’aadamnimada ka baxsan ee Xukumada Wayaanuhu kula kacdo shacabka Ogadeniya.
Sidoo kale, waxa uu mudane Cabdiraxmanaa si qoto dheer uga hadley horumarka JWXO gaadhey ee la xidhiidha xaga Diplomaasiyada iyo Xidhiidhada caalamiga ah ee ay la eedahay Ururada mucaaradka ku ah Itoobiya iyo kuwa aan dawliga ahayn.
Ugu dambeyntii Mudanuhu wuxuu sheegay in JWXO diyaar u tahay in ay miis caalami ah la fadhiisato Xukumada TPLF, laakiiin waa in nabada shacabka Ogadeniya qaadanayo noqoto midi lagu gaadhihahaa ayaakatashiga shacabka Ogadeniya.
ONA.
Yesterday a very large conference was held in the city of Minneapolis, at which the Head of Foreign Affairs of the ONLF, Mr. Cabdriraxmaan Sh Mahdi, met with the Ogadenia community of the State of Minnesota.
The administration of the Ogadenia Community in Minnesota, in cooperation with the community's civil society departments, organised the conference to a high standard, and traditional elders, youth and honourable mothers attended in full.
Among the noteworthy moments was a very young man named Dalal Ilyaas, one of the Ogadenia youth of Minnesota, who recited at the conference a poem he had composed minutes earlier. The poem moved the public deeply.
Listen here:
Somali Intellectual & Poem
Afterwards, some of the Ogadenia elders of the State of Minnesota were welcomed to the microphone, and Mr. Suldaan Maxamuud Canshuur, one of the traditional elders of the state, delivered a highly valuable and historic speech there. The Sultan said that the people of Ogadenia are very alert to the deception the colonisers are carrying out, and he concluded his remarks by saying that Ethiopia never wants to genuinely bring a solution to the crisis raging in Ogadenia.
Likewise, Mr. Xuseen Mataan also delivered at the venue an encouragement and a very valuable speech urging the people, saying that Ethiopia's longstanding policy towards Ogadenia has never changed. Mr. Xuseen Mataan urged the public that every person should fulfil his role.
Also speaking at the conference were members of the Central Committee of the ONLF, among them Mr. Axmed Majeerteen, who delivered a lecture at the conference which he titled "What Is Peace". Mr. Axmed Majeerteen explained in a scholarly manner the meaning of peace and the way in which disputes can be resolved. Guests at the conference included a delegation from the Oromo Front led by Dr. Fido, who is the Head of Foreign Affairs and liaison for North America. Dr. Fidow said that the people of Ogadenia and those of Oromia are closer to each other than to the others in Ethiopia, pointing out that we share what is known as Cushitic, and that up to 30% of the Oromo language is Somali. The Doctor, who spoke on many points and on how the massacre taking place in Ogadenia and Oromia can be countered, said that the two nations need to cooperate.
Among Dr. Fido's remarks was a horrifying story that he shared with the public seated at the venue, a story or incident that took place about 42 years ago. He said that an Ethiopian he used to share a class with joined the Ethiopian army after finishing school, and was then transferred to Ogadenia. Dr. Fido said: "I saw that man 6 years later, looking as if he had lost his mind. Then when I asked other friends who knew this man, I was told 'that he had killed in Ogadenia a little boy his mother was carrying on her back'", and after that his mind was affected. Dr. Fido added that the purpose for which the soldier killed the small child was so that the small child would not grow up and one day fight Ethiopia. This story created strong hatred towards Ethiopia among the public seated at the conference.
Also speaking at the conference venue was a Somali gentleman who had come from the city of Rochester, named Dr. Cabdiramaan Xaaji Erik. Dr. Erik spoke at length about the harm of colonialism and the hatred Ethiopia holds for the Somali people, and said that Ethiopia is always opposed to Somali unity. Dr. Cabdiramaan Xaaji Erik's speech deeply moved all the public seated at the venue.
After the public, the Head of Foreign Affairs of the ONLF, Mr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi Yaasiin, delivered to the conference in-depth reports touching on many points. Mr. Cabdiraxmaan spoke in a sequential manner about the situation in the Horn of Africa and its impact on the struggle led by the ONLF, through which self-determination is being sought for the people of Ogadenia.
Cabdiraxmaan's report included a film showing the inhumane abuses that the Woyane government commits against the people of Ogadenia.
Likewise, Mr. Cabdiraxmaan spoke in depth about the progress the ONLF has achieved in the field of diplomacy and the international relations it has with organisations opposed to Ethiopia and with non-governmental ones.
Finally, the gentleman said that the ONLF is ready to sit at an international table with the TPLF government, but the peace that the people of Ogadenia accept must be one through which the self-determination of the people of Ogadenia is achieved.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
