Ururka Midowga Dhalinyarada iyo Arydayda Ogadeney ee dalka South Africa farciisa PE ayaa 26kii bishan Dec. shir hawleed isugu yimid magaalada PE xaafada Kosten xafiiska OYSU. Shirkan oo ahaa mid si fiican loo soo abaabulay ayay dad badan ka soo qaybgaleen, waxaana shir gudoon ka ahaa Halgame Cabdiraxaman Siciid.
Shirkan oo ahaa kii abid ugu waynaa ee kadhaca xaafiiska ururka dhalinyarada ee PE ayaa laga dareemayay wajiyada dadka goobta yimid qiiro halgan iyo xamaasad wadaniyadeed, iyadoo shirka ay aheed ujeedadiisu in lagu doorto xooghayen cusub.
Shirkan ayaa wuixuu furmay abaarihii 2da duhurnimo, waxaana sida ahayd dhaqanka lagu furay muxadaro diini ah oo uu soo jeediyay hogaanka dacwada ee jaaliyada S.Ogaadeeniya Halgame Sheikh Maxamed. Muxadarada Sheekha ayaa u badnayd sidii looga faa-iidaysan lahaa cimriga uu Alle ku siiyay taasoo uu sheekhu carabka ku celceliyay in wakhtigu qaali yahay loona huro wax dan aduun iyo mid aakhiro ay ku jirto.
Maxaadarada kadib waxaa shirka lagu soo dhaweeyay mudane Xuseen oo ahaa hogaankii horee dhaqaalaha faraca PE , isagoo ka warbixiyay taariikhda ururka OYSU iyo waxyaabihii uu qabtay isla markaana raaciyay waxyaabaha uu hiigsanayo iyo hawlaha muhiimka ah ee horyaala ee uu rabo in uu ku talaabsado. Khudabadan oo dheerayd ayuu mudanuhu ku sheegay in loo baahan yahay in lagu garab istaago ururka si ay ugu fududaato in uu gaadho guul.
Waxaa shirka goob joog ka ahaa gudida jaaliyada S.Ogaadeeniya oo isku dhan waxana shirka qudbad wax ku ool ah oo dhaxalgal ah kasoo jeediyay gudoomiyaha jaaliyada mudane naftiihure Casaanyo. Wuxuu gudoomiyuhu siiyay marti shariftii kasoo qaybgashay shirka warbixin waafi ah oo ku saabsanayd horusocodka halganka iyo hagardaamada wax magaradka iyo haliilka gumaysiga iyo hiilka shacabka. Wuxuu gudoomiyuhu si gooni ah daaha uga qaaday dacaayaadaha kutidhi kuteenta ah ee waxbakamajiranka ah ee ay faafinayaan dadka xumaanta iyo guuldarada jecel ee wax magaradka ah.
Waxa xusid mudan mar lawaydiiyay waxa ay itoobiya ku tilmaantay hishiis ee horay ula galeen itixaadkii daalay hadhaayawgiisii oo ay maantana sheekooyin la baal-baaliyay ay wadaan. Wuxuuna ku tilmaamay hadal murtiyeed tusale ah oo ahayd;
Waxaa la yidhi; Dameer duqoobay oo aan da’na u hadhin ayaa maalin maalmaha kamid ah xanuunsaday. Wuxuu isugu yedhay dhamaan wixi dameero aduunka joogay, wuxuu ku yidhi; waan dhimanayaa ee waan ducaynayaaye amiin dhaha. Waxayna u diyaar garoobeen inay dhagaystaan duqooda oo aamiintii dhahaan. Wuxuu ku duceeyay; allaw cirka roob danbe haka keenin, bur caws ahna hasoo bixinin. Goobtii ayay dameerihii ku kala yaceen iyagoo leh Qaaq Qaaaq. Ilaa maanta dameeruhu waxay dhahaan Qaaq Qaaq.
Nuxurka iyo odulucda tusaalaha ayaa u dhacaya nimanka quustey ee isdhiibay ee hadana leh allaw halgan danbe yaan la arkin allaw yaan la guulaysan wuxuu lamid yahay DAMEERKAAS.
Shirkan oo ahaa mid aad u heer sareeya ayaay ujeedadiisu ugu wayn ahayd in lagu dhiso maamul hogaamiya faraca OYSU ee PE iyadoo maamulkii hore uu ka dhamaaday wakhtigii loo doortay xilka.
Waxaa goobta shirka ka bilaabatay codayn lagu dooranayo xoghayaha faracaEastern Cape, waxana masraxa lasoo taagay in kabadan 6 mudane, waxaana isku fuuq fuuqsaday codkii xoghaya cusub oo helay cod aqlabiyad ah. Waxa lagu qanacsan yahay in mudane Cabdiqani oo loo doortay xoghaya gobloka EasternCapeuula iman doono hogaamin toosan oo loo aayo.
Shirka ayaan ka madhnayn suugaan iyo maansooyin iyadoo uu masraxa soo joogsaday abwaan da’yar oo Alle ku manaystay hal abuurka. Waxaa durbadiiba isbadalay dareenka dadka iyo shirkii oo isu rogay jawi cusub ood moodo in uu hada bilawday si ay dadku ugu ooman yihiin odhaahda abwaanka oo erayba erayga uu ka danbeeyo khudbadiisa uu kasii saamayn iyo qiiro badnaa.
Maansooyikii uu abawaku soo bandhigay oo gabi ahanba ahaa kuwo cusub oo maalintaa uun daaha laga qaaday ayuu wariyaha wakalada Wararka ee ONA idiin fudeediyey waxaadna ka daawataan warbaahinta goor dhow.
ONA/SA.
The PE branch of the Ogaden Youth and Students Union (OYSU) in South Africa held a working conference on the 26th of this month, December, at the OYSU office in the Kosten neighbourhood of the city of PE. The well-organised conference was attended by many people and was chaired by Freedom Fighter Cabdiraxaman Siciid.
The conference was the largest ever held at the PE youth union office. A spirit of struggle and patriotic enthusiasm could be seen on the faces of those who attended. The purpose of the conference was to elect a new secretary.
The conference opened at around 2 p.m. As is customary, it began with a religious lecture by the head of religious outreach of the South Ogadenia community, Freedom Fighter Sheikh Maxamed. The Sheikh's lecture focused mainly on how to make good use of the lifetime God has given us. The Sheikh repeatedly stressed that time is precious and should be devoted to things that bring benefit in this world and the hereafter.
After the lecture, the conference welcomed Mr Xuseen, the former head of finance of the PE branch. He spoke about the history of OYSU and its achievements. He also described its goals and the important tasks ahead of it that it intends to take on. In this long speech, he said that the union needs support so that it can more easily achieve success.
The entire committee of the South Ogadenia community was present at the conference. The chairman of the community, Mr Naftiihure Casaanyo, delivered an effective and memorable speech. The chairman gave the honoured guests at the conference a comprehensive report on the progress of the struggle, the harassment by the ignorant, the cruelty of the colonisers and the support of the people. The chairman in particular exposed the baseless propaganda and hearsay being spread by ignorant people who love evil and failure.
It is worth noting that he was asked what he made of the agreement that Ethiopia had earlier made with the remnants of the defunct alliance, who today are spreading embellished stories. He described it with a proverb, given as an example:
It is said that an old donkey with few years left fell ill one day. He called together all the donkeys in the world and said to them: "I am dying, and I will say a prayer, so say amen." They got ready to listen to their elder and say amen. He prayed: "O God, may the sky never bring rain again, and may no blade of grass ever grow again." The donkeys scattered from the spot braying "Qaaq Qaaq." To this day, donkeys say "Qaaq Qaaq."
The essence and meaning of the example applies to the men who have despaired and surrendered and yet say, "O God, may no struggle ever be seen again, O God, may it never succeed." They are just like THAT DONKEY.
The main purpose of this very high-level conference was to establish an administration to lead the PE branch of OYSU, as the term of the previous administration had expired.
Voting then began at the conference to elect the secretary of the Eastern Cape branch. More than 6 gentlemen were put forward on stage, and they competed closely for the vote for the new secretary, who won a majority of votes. There is confidence that Mr Cabdiqani, who was elected secretary of the Eastern Cape region, will bring upright and beneficial leadership.
The conference was not without literature and poetry, as a young poet blessed by God with creative talent took the stage. The mood of the people changed at once, and the conference took on a new atmosphere, as if it had only just begun. The people were thirsty for the poet's words, and each word of his speech was more moving and stirring than the one before.
The ONA (Ogaden News Agency) reporter recorded the poems the poet presented, all of them new and unveiled that very day, and you will be able to watch them on the media soon.
ONA/SA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
