
Waxaa sidii la filayay lagu qabtay maalinimadii Arbacada ee 7dii Sebtember magaalada madaxda Maraynkan ee Washington DC shir ay si wada jir ah u soo diyaariyeen hay’adaha kala ah IHASA, Woodrow Wilson Center iyo Alliance for Peacebuilding.
Shirkan oo albaabada loo xidhay ayaa diirada lagu saarayay colaada ka jirta Geeska Africa iyo sidii si nabad iyo cadaalad ah loogu soo afjari lahaa. Waxaa kasoo qayb galay madax sare oo ka kala socotay labada aqal ee Baarlamaanka dowlada Maraykanka iyo maamulka hada talada haya ee Obama.
Arima badan ayaa lagu gorfeeyey shirka maalintiisii 1aad. Waxaa ka mid ahaan arimaha sida fiican looga hadlay xaaladaha ka jira gobolka iyo saamaynta ay ku leeyihiin qurba joogta taasoo aan ilaa hadda wax nabad iyo hormar ah u keenin dadka ku nool Geeska Africa.
Madaxdii ka hadlay shirka waxay muujiyeen in ay saluugsan yihiin siyaasada Maraykanka oo ku mashquulsan oo kali ah arimaha la dagaalanka argagixisada iyagoo dhinac isaga dhigay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka kale ee gobolka ka jira oy ugu horeeyaan xad-gudubka xuquuqul insaanka iyo dagaalada aan dhamaadka lahayn ee la fac tirsaday gobolka, waxayna ku taliyeen in si dagdag ah wax looga badalo siyaasada Maraykanga iyo Europe hadii la doonayo in la helo nabad waarta inay ka hirgasho Geeska Africa.
Waxaa kaloo ay khubaradii iyo madaxdii shirka fadhiday kula taliyeen dowlada Maraykan in ay ka fiirsato cid ay kala saaxiibayso Geeska Africa oo marar badan dano gaar ah ka leh saaxiibtinimada Mareykanka.
Shirka qaybtiisa labaad ayaa dhici doona maalinta Arbacada ah oo bishu tahay September 14ka. Qaybtan ayaa lagu marti qaaday jaaliyaadka dibada in ay iyaguna fikirkooda ka dhiibtaan si kadib loogu gudbayo talooyinka ka soo baxa shirka oo dhamaystiran madaxda labada aqal iyo maamulka Obama oo ka codsaday Wilson Center markii hore in ay talooyin ka soo siiyaan maadama ay muuqato in lagu wareersan yahay sidii xal loogu heli lahaa Geeska Africa.
Kasoo qayb galayaashii shirka ayaa u mahadceliyey machadka IHASA iyo Woodrow Wilson Center iyo Alliance for Peacebuilding dadaalka iyo dareenka ay arintan galiyeen iyo sida ay uga go’antahay in xal ay u helaan xaaladda Geeska Africa.
ONA
As expected, on Wednesday, 7 September, a conference jointly organised by the organisations IHASA, the Woodrow Wilson Center and the Alliance for Peacebuilding was held in the American capital, Washington DC.
This closed-door conference focused on the conflict in the Horn of Africa and how it could be brought to an end peacefully and justly. It was attended by senior officials from both houses of the United States Congress and from the current Obama administration.
Many issues were examined on the first day of the conference. Among the issues discussed in depth were the situation in the region and the influence of the diaspora, which so far has not brought any peace or progress to the people living in the Horn of Africa.
The officials who spoke at the conference expressed their dissatisfaction with American policy, which is preoccupied solely with the fight against terrorism while setting aside how to resolve the region's other problems, foremost among them human rights abuses and the endless wars that have become entrenched in the region. They recommended that American and European policy be changed urgently if lasting peace is to be achieved in the Horn of Africa.
The experts and officials attending the conference also advised the American government to be careful about whom it befriends in the Horn of Africa, as many often have particular interests in friendship with the United States.
The second session of the conference will take place on Wednesday, 14 September. Diaspora communities have been invited to this session to share their views as well, so that the complete recommendations emerging from the conference can then be passed on to the leaders of both houses and to the Obama administration, which had originally asked the Wilson Center to provide recommendations, since there appears to be confusion over how to find a solution for the Horn of Africa.
The conference participants thanked the IHASA institute, the Woodrow Wilson Center and the Alliance for Peacebuilding for the effort and attention they have given this matter and for their determination to find a solution to the situation in the Horn of Africa.
ONAAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
