
Waxaa State-ka Denvar Colardo ku sii qulqulaya si aan kala go’lahayn taageerayaasha iyo xubnaha ururka OYSU ee qaarada North America, halkaasoo maalinta jimcaah ah uu si rasmi ah uga furmi doona shirweynihii qaarada waqooyi America ee OYSU.
Shirkan oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan 13 State oo uu ka dhisanyahay ururka ama xarumo ku leyahay ururka OYSU-North America ayaa waxaa laga dareemayaa magaalada Colorado jawi farxad leh oo dhalinyarada ay isku marxabaynayaan iyo jaaliyadda oo si fiican ugu soo dhawynaysaa dhalinta halkaa.
Waxaa kaloo shirka marti ku ah wafuud heer sare ah oo uu hogaaminayo Hogaanka arimaha dibada ee JWXO- Mudane C/rahman maadey, hogaanka qorshaynta iyo cilmi baarista jwxo , mudane mohamed nur, iskuduwaha jaaliyaadka north america mudane ahmed majeerteen iyo ku xigeenkiisa mudane ahmed ali yusuf. Waxaa kaloo shirka goob joog ku ah ku xigeenka xoghaya guud ahna afahayeenka OYSU Mudane Shaafi sheikh -shilaabo , xoghaya dhaqaalaha iyo samafalka Marwo rahma ahmed, Xoghaya xidhidhka caalamiga Marwo Najma ahmed oo maal mahan safar shaqo ku joogtay north america.
Waxaa laga dareemayaa magaalada denvar calamada iyo astaanta ururka OYSU oo ay taageerayaasha iyo xubnaha shirka yimid ku la bisanyihin dhamaantood,Xoghaya OYSU ee Denvar ahna
xoghaya arimaha ururka iyo garsoorka north america mudane C/asis shaqalane mar uu saxaafada hadal kooban siinayay wuxu sheegay in shacabka somalida ogadenia iyo jaaliyada ay balan ku qaaden in shirka sidii loogu talagalay u qabsoomi doono isla markaana go,aano wax tar u ah halganka iyo hormarinta OYSU ee north americ ay ka soo bixi doonaan siduu sheegay mudane C/asis shaqlane oo ay ka muuqatay shacuur farxadeed .
Waxaad kala socon doontaan shirweynaha OYSU north america si toos ah saxaafada xorta ah e somalida Ogadenia
ONA/Colorado
Supporters and members of the Ogaden Youth and Students Union (OYSU) from across the North American continent are pouring into Denver, Colorado in an unbroken stream, where the OYSU North America continental conference will officially open on Friday.
The conference, attended by participants from more than 13 states where the OYSU-North America organisation has been established or has branches, has brought a joyful atmosphere to the city of Colorado, with the young people welcoming one another and the community warmly receiving the youth there.
Also attending the conference as guests is a high-level delegation led by the ONLF Head of Foreign Affairs, Mr. C/rahman maadey, together with the ONLF Head of Planning and Research, Mr. mohamed nur, the North America communities coordinator, Mr. ahmed majeerteen, and his deputy, Mr. ahmed ali yusuf. Also present at the conference are the Deputy Secretary General and spokesperson of OYSU, Mr. Shaafi sheikh -shilaabo, the Secretary of Finance and Charity, Mrs rahma ahmed, and the Secretary of International Relations, Mrs Najma ahmed, who has been in north america for several days on a working trip.
The flags and emblem of the OYSU organisation, which all the supporters and conference members who have arrived are wearing, can be seen throughout the city of denvar. The OYSU Secretary for Denvar, who is also
the Secretary of Organisational Affairs and Judiciary for north america, Mr. C/asis shaqalane, speaking briefly to the press, said that the Somali people of ogadenia and the community have pledged that the conference will take place as planned and that decisions beneficial to the struggle and to the advancement of OYSU in north americ will come out of it, said Mr. C/asis shaqlane, who appeared filled with joy.
You will be able to follow the OYSU north america conference live through the free press of the Somalis of Ogadenia
ONA/ColoradoAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
