Shirka ayaa saaka dib ufurmay abaarihii 10 subxanimo sidii caadiga ahaa waxaa lagu furay aaayado Qur’aan ah waxaana saaka laga warbixiyay xidhiidhka rasmiga ah ee Jaaliyadu laleedahay Dowlada Southa Afrika iyada oo faah faahin badan laga bixiyay arimaha siyaasada ee wadankan koonfur afrika oo ah wadan lasoo guumeysan jiray una nugul dadka dhibanayaasha ah ee madowga ah ee gumeysiga ku hoos nool. Shirka Saaka waxaa warbixin laga dhiibay dacawadii lagudbiyey 7.2.2012 ee ka dhanka aheyd maamulka TPLF sidii ay kuqabsoontay oo ah mid hirgashay iyo meesha ay hada mareyso shir saxaafadeedkii iyo xidhiidhka jaaliyada laleedahay haayadaha caalamiga ah iyo goobo kale oo muhiim ah.
Waxaa saaka qiimeyn buuxda lagu sameeyay warbixintii waxqabadka Jaaliyada JOKA ee 2011-2012. midas oo qiimeyn kadib lagu amaanay maamulka Suulboon ee toosna howlihii uu qabtay ummada sanadkaas.
Sida caadada u ah Jaaliyadaha Somalida Ogadeniya waxay sanad kasta qiimeeyn lagu sameya howlaha Jaaliyada waxayna doortaan guddi cusub oo howsha daadihisa iyo Maamul Cusub. Saaka waxa xilkii dhiibay Maamulki hore ee Jaaliyada JOKA iyo Xoghayaha OYSU ee JOKA. waxaana laguda galay oo lamagacabay gudi farsamo iyo Gudi doorasho oo shirka sii hagi doona dhameystirina doona howshan.
Halgame Muhumed Qonbaar ayaa loo doortay guddoonka Gudida qabanqaabada ee shirkan hagi doona soona xulli doona maamulka cusub ee jaaliyada JOKA 2012-2013.
Hadda waxaa loo baxay Salaadi Jimce, waxaana la isuugu soo laaban doona kulan danbe iyo howlo ahmiyad gooni ah leh.
Omar Jig Jiga
South Afrika
ONA
Freedom fighter Muhumed Qonbaar was elected to chair the organising committee, which will guide this conference and select the new administration of the JOKA community for 2012-2013.
The session has now adjourned for Friday prayers, and participants will reconvene for a later meeting and for tasks of special importance.
Omar Jig Jiga
South Africa
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.


