Khamiis 15.3.2012: Wadanka South Afrika waxaa Maanta ka furmay shirweynihi Jaaliyadaha somalida ogadeniya ee South Afrika (JOKA ). Shirkanoo socon doona mudo 3 maalmood ah. Shirka ayaa waxaa ka sooqeeyb galay xubnaha jaaliyada ogadeniya ee wadanka koonfur Afrika oo ka kala imaaday dhamaanba gobolada dalk uu ka kooban yahay.
Shirweynahan ayaa maalinka hore waxa Jaaliyadu ay ku casuuntay Taagerayshaasha iyo saxiibada Halganka Somalida Ogadeniya ee ay Jaaliyadu ka hir galisay wadanka South Afrika. Waxaana shirkan kasoo qeyb galay Haayado Xuquuql insaan, kuwo Bulsho, Siyaasiyiin iyo Madax kasocota Guriga Mayorka gobolka Eastern Cape. Jaaliyada ayaa shirkan maalinka hore ugu talo gashay furitaan iyo soo dhaweyn sidoo kale warbixino ay Faracyada Gobolada Jaaliyadu ay kusoo bandhigayaan wax qabadkoodi sanadlaha ahaa. Maalmaha danebana waxa lagali doona wada xisaabtan iyo siminaaro lasiinayo Jaaliyada.
Shirka oo uu shir gudoominayey Halgame Mahamed daahir colhaye ayaa furitaanki shirka kadib wuxu kusoodhaweyey afhayeenka jaaliyada somalida ogadeniya Huud.
Halgame huud sheekh badri, wuxuu xog kooban ka bixiyay sababihii dadka ogadenia ay ugasoo barakaceen dalkoodii hooyo .Waxaa kale uu si hufan ugahadlay dhibaatadda bulsho iyo dhaqaale iyo caqabadaha dadka ogadeniya kasoojeeda horyaala. Waxa kale oo uu kahadlay oo uu dhiiri galiyay isdhexgalka bulshooyinka ee Jaaliyada Somalida Ogadeniya la leedahay Bulshaweynta ay la noolyihiin ee South Afrika oo uu kusheegay in loo baahanyahay in lasii xoojiyo oo lagu dadaalo.
Mudane Huud ayaa kacodsaday Madaxdii South Afrikanka aheyd iyo Haayadihii kasoo qeyb galay shirka in Marka loo eego wakhtiga dheer ee Jaaliyada JOKA ka howlgalaysay South Afrika hadana wali in ay u baahan yihiin in lanagacawiyo dhismaha bulsho dhinaca isdhexgalkaa oo is fahanka dhaqaale iyo dhaqan ahaanba, aad muhiim ugu ah ayuu yidhi.
Gudoonku wuxu kusoo dhaweyey masuul ka socoda gobolka Easten cape xafiiska Mayarka gobolkan laguna magacaabo rev. Abel Vinai
Rev Abel ayaa sifiican uga hadalay dhibatada ka jira ogadeniya. Waxuuna jaaliyada JOKA iyo xubnihii shirka kasoo qeyb galay uu laqeybsaday xanuunka iyo murugada kasoo gaadhaysa gumeysiga: waan ka xunahay ayuu yidhi dhibaatoyinkaas. Sidoo kale wuxu kahadalay dhibatada geeska afrika ka jirta. Masuulkan ayaa jaaliyada u balan qaaday innuu kala sahqeyn doono mayorku arrimaha bulsho iyo dhamaanba kaalmo kasta oo ay uga baahdaan gobolkan uu masuulka ka yahay.
Waxa lagu soo dhaweyey oo kale cod baahiyaha hadan masuul ka socoday Human Rights centre for REFUGEES.
DAVID ROSSOUW oo haayadaas masuul ka ah ayaa wuxu xog kabixiyay xaquuqda ay leeyahiin shacabka Somalida ogadeniya ee wadankan South Afrika ku nooli ay ku leeyihiin South Afrika. Waxuu kaloo kudheeraday in xuququda ogadeniya ay tahay in laga hadalo oo aan laga aamusin. Si dhibatadaas wax looga qabto waa in wax badan laga hadlo qadiyadaas ayuu yiri.
Hadana waxaa lagu soodhaweyey M W KALANI oo ah ruugcadaa siyaasi ah oo u ololeeya qadiyadadadka ogadenia ee qaxootiga ku ah wadankan South Afrika
SNGO oo ah urur mideeya dhamaan ururarad bulsha ee koonfur afrika ayaa shirkan iyana u soo dirsatay masuul shirkan, Masuulkaas waxuu jaaliyada ku casuumay inay kubiirto ururkaas oo xubinka ah urur waynaha caalamka ee mideeya dhamaan urur-bulsheedyada calamka kajira. Waxa uuna u mahad celiyaya jaaliyada JOKA siday ugu taaganyihiin inay danahooda ka arrinsadaan isla mar ahaantsaasna dadkoodi dhibanaha ahaa ay wax ugu taraan.
Warbixinihii Faracyada Jaaliyada JOKA
Soo dhaweynta iyo Qudbadihii Saxiibada qadiyada Ogadeniya iyo Jaaliyada JOKA kadib waxaa la guda galay wajigii labaad ee biliwga kulanka oo ahaa isna soo dhaweyn lagusoo dhaweynayo faracyada Jaaliyadaha. Kuwaas oo bixinayay warbixino ku aadan shaqoyinkii ay qabteen.
Waxaana lagu soodhaweyey sheekh Mahamed Raabi oo halkaas kasoo jeediyay muxaadaro diini ah isaga oo ku dheeraday cimriga bini aadmka iyo sida loogu baahan yahay in ruxu ka faa ideysto waqtiga nolashana uu san umacaansan oo uu xisaabtamo Eebana ku xidhnaado.
Gudoomiyaha jaaliyada JOKA halgame Suldaan Cabdi Azkar ayaa khud bad kooban soo jeediyey iyo guubaabo uu siinayay oo ku amaanayay shaqooyinkii wanaagsanaa ee Jaaliyada JOKA qabatay. waxaana kamid ahaaa hadladiisii 3 la imaada waad guulaysanaysaane. Midnimo, Adkeeysi iyo Allaah kacabsi. gudoomiyah waxuu u hanbalayay si guud xubnaha jaaliyada JOKA.
Xasen Cabdi aw Nuur, Cabdi Qorane, Cumar Farah ayaa iyana kamid ah Masuuliyiinta Joka ee u qaabilsan Xafiiska Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Saxafada. Waxayna Masuliyiintu sheegeen in Tirada Xubnaha Jaaliyadu ay aad usoo badatay Sanadkan, Dhaqaalihii Dhigaalka ahaa iyo Dhaqalaha Guud ee Jaaliyada Soo galana laba jibaarmay marka loo eego sanadki hore. Sidoo kale Xubnaha Warfaafinta u tababaran ee jaliyadu soo saartay ayaa ah mid lagu faano iyada oo qorshayaal badan oo Saxaafada la xidhiidha halkaas laga sheegay.
Maxamed Qani ayaa isna ka xog waramay ururka OYSU south Afrika iyo horumarkii uu sameyay sanadkii ay howsha kawadeen wadanka South Afrika.
Waxaa sifiican warbixin tii looga dhageestay gudoomiyaashii gobolada oo qolo walba sheegtay wixii uqabsoomay sanadakan gobolada meesha ka hadalay waxa kamid ahaa
Johanesburg , Eastern londan, Darban, Quenstown, Kingwilmestown , Cape town xarunta oo ah eastern london.
Shirkan ayaa socon doona 2malmood oo danbe waxaana maalinta bari ah la guda gali dajinta ama asixinta xeer hoosaadka jaaliyada iyo xildhigsta gudida iyo doorashada gudi farsamo.
Shirka maanta oo furmay abaarihii 2.00 duhurnimo ayaa soo xidhmay 6makhribnimo
Wuxuna kusoo xidhmay jawi aad u heer sareeya shirka ayaa dib ufurmi doona bari aroortii hadii ale idmo
Kala soco shirka qeybihiisa kala duwan: Filimaan shirka lagasoo diyariyay iyo xogag kale ONA
Omar jigjiga
SA
ONA
On the first day of this conference, the community invited the supporters and friends of the Ogadenia Somali struggle whom the community has won over in South Africa. Human rights organisations, community organisations, politicians and leaders from the Mayor's House of Eastern Cape province took part in this conference. The community dedicated the first day of the conference to the opening and welcome, as well as reports in which the community's provincial branches present their annual work. In the following days there will be mutual accountability sessions and seminars given to the community.
Freedom fighter huud sheekh badri gave brief information on the reasons why the people of Ogadenia were displaced from their homeland. He also spoke clearly about the social and economic hardship and the obstacles facing the people who come from Ogadenia. He also spoke about and encouraged the social integration that the Ogadenia Somali community has with the wider South African society in which they live, saying that it needs to be further strengthened and that efforts should be made toward it.
The chair welcomed an official from the Mayor's office of Easten cape province, named rev. Abel Vinai
Rev Abel spoke well about the hardship in Ogadenia. He shared with the JOKA community and the members who attended the conference the pain and sorrow caused by colonisation: "I am sorry about those hardships," he said. He also spoke about the hardship in the Horn of Africa. This official promised the community that the mayor would help them with social affairs and with any assistance they need from the province in which the official serves.
Also welcomed as the next speaker was an official from the Human Rights centre for REFUGEES.
DAVID ROSSOUW, who is an official of that organisation, gave information on the rights that the Ogadenia Somali people living in South Africa have in South Africa. He also elaborated that the rights of Ogadenia must be spoken about and not kept silent. In order to address that hardship, that cause must be spoken about a great deal, he said.
Then M W KALANI, a veteran politician who campaigns for the cause of the people of Ogadenia who are refugees in South Africa, was welcomed
SNGO, an organisation that unites all the community organisations of South Africa, also sent an official to this conference. That official invited the community to join the organisation, which is a member of the global umbrella organisation that unites all the civil society organisations in the world. He also thanked the JOKA community for the way they stand up to deliberate on their interests while at the same time contributing to their suffering people.
Reports of the JOKA Community Branches
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
