Shirwaynihii Jaaliyada Ogaadeeniya ee Magaalada Nairobi oy ka soo qayeb galeen dhamana xubnaha Jaaliyada Ogaadeeniya ee Nairobi ayaa si habsami leh u furmay maanta oo ay teeriikhdu ahayed 04.02.2012 iyadoo uu shir gudoominahayey gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeeniya ee Dalka Kenya Mudane Cabdinaasir Uurdoox.
Oogu horeyn gudmoomiyaha jaaliyada ayaa warbixin dheer oo dhinacayo badan taabaneysa siiyey xubnaha jaaliyada isagoo ka warbixin guulaha ay Ciidanka Xoreynta Ogaadeeniya ka gaadheen dagaaladii oogu danbeyey ee gudaha Ogaadeeniya ka dhacay wuxuun yidhi Mudane Cabdinaasir; “Ciidankeenu guulo la taaban karo ayey ka soo hooyiyeen iyadoo cadawgu lagu gaadhsiiyey khasaaro badan oo isugu jira naf iyo maalba”. Wuxuu sidoo kale ka warbixiyey xaaladda shacabaka Ogaadeeniya ee gudaha iyo dibadab ku nool, heerka uu gaadhsiisan yahay taageerada ay halganka u qabaan isagoo sheegay in shacabkii Ogaadeniya ee xabsiyada laga buuxiyey in ayna keenin wax is dhimid ah xaga taageerada ay halganka u hayaan, taasoo muujinaysa adkaysiga iyo mintidnimada shacabka Ogaadeeniya ee geesiga ah. Warbixintaas dheer kadib waa la gudo galay qaybihii kale ee shiraka.
Xubnaha Jaaliyada ayaa xili walba oo ay jiraan xubno mutaysata abaal marino in la siiyo la gudoonsiiyaa iyadoo maanta xubno ilaa 20 gaadhaya la siiyey abaalmarino. Xubnaha abaalmarinada la siiyay ayaa waxay isugu jiraan qaar dhamaystay Siminaaro iyo kuwa lagu siiyey waxqabad ay ka gaysteen xagga taakuleyn ay u sameeyeen qoxootiga Ogaadeeniya ee dalkaKenyasoo galay sanadkan. Xubnahaas la siiyaya abaalmarinta ayaa waxaa kamid ahayed Hooyo Sahra Ismaaciil, Faadumo Xirsi Mahad, Fardwso Axmed Muraar iyo Canbo Rashiir. Sidoo kale Arday dhamaysatay Siminaaro ayaa la gudoon siiyey Shahaadooyin lagu abaalmariyay xubnaha firfircoon ee shaqooyinka jaaliyada iyo awaamirta madaxdooda fuliyay.

Intaas kadib waxaa shirka ka hadalay Marti sharaf ka kala socotay faracayada Jaaliyada gaar ahaan kuwa xerooyinka qoxootiga Dhadhab oo xubnaha jaaliyada oogu warbixiyey dhibaatooyinka ka jira xerooyinka qoxootiga dalka Kenya iyo nolosha qoxootiga ku haysata dadkii Ogaadeeniya ka soo qaxay.Wuxuuna ooga mahadceliyey gudoomiyihi caawimaad ay xubnaha jaaliyada Nayroobi u fidiyaan walaalahood ku dhibaataysan xerooyinka qoxootiga dalka Kenya. Waxaa isana martida kamid ahaa abwaan Ayaanle Axmed Aar oo kamida xubanah Jaaliyada Ogaadeeniya ee Dalka Mareykanka ka yimid wuxuuna Ayaanle warbixn kadib xubnaha u sheegay in ay ku dadaalaan midnimada Xubnaha taas oo ah mida kaliya ee aan kaga guuleysan karo cadawgeen waana in aan kor u qaadnaa iskaashiga iyo Xidhiidhka ayuu yidhi ayaanle.
waxaa Shirka Suugaan guubaabo ah ka tiriyey Abwaanka reer Ogaadeeniya ee Caanka aha Axmed Sh Maxmed (Axmed Heelaale) oo dhamaan dadweynihii shirka ka qayeb galay dareensiiyey dhibaatada Guumasiga isaga oo fikirkiisa ku cabiraya suugaanka uu Ilaahay haybada u siiyey.

Waxaa shirka canbaareyn looga soo jeediyay falkii waxashnimada ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Gaarisa, iyadoo mas’uuliyiinta Jaaliyada Ogaadeenya ee Dalka Kenya iyo Xubanah Jaaliyada ay shirkooda ka soo saareen qoraal canbaareyn ah oo ay ku canbaareynayaan Falkii Waxashnimada ahaa ee ka dhacay magaalad Gaarisa ee Gobolka Waqooyibari Kenya iyadoo ay ku tilmaameen in falkani uu yahay mid ka dhan ah umuda Soomaaliyeed ee ku nool magaalda Gaarisa kaas oo lagu klhalkhal galinayo amaanka magaalada Gaarisa, waxaana loogu talagalay in shaki iyo tuhuna lagu kala dhex dhigo dadka walaalaha ah ee ku wada nool magaalada Gaarisa. Waxaa lagu sheegay qoraalka in ay jireen falal hore oo dil ah oo ka dhacay Gaarisa oo dhamaantood ay fulinyaaa cadwga Soomaaliyeed isaga oo adeegasan kuwa aan diin lahayn oo calooshood u shaqayste gacan ku dhiigleyaal ah.
Waxaa shirka laga soo saaray in aad ooga xumaaaday xasuuq loo gaystay Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanad Jubbooyinka iyadoo ay canbaareynayaan mujrimiintii falkaas waxshanimada aha gaysatay.

ONA/Nairobi
The conference of the Ogadenia community in the city of Nairobi, attended by all members of the Ogadenia community in Nairobi, opened smoothly today, 04.02.2012. It was chaired by the chairman of the Ogadenia community in Kenya, Mr Cabdinaasir Uurdoox.
First of all, the community chairman gave community members a long report touching on many aspects. Reporting on the victories achieved by the Ogadenia Liberation Army in the latest battles that took place inside Ogadenia, Mr Cabdinaasir said: "Our forces have brought home tangible victories, while the enemy has been inflicted with heavy losses in both lives and property." He also reported on the situation of the people of Ogadenia living inside and abroad, and the level of support they give to the struggle, stating that the filling of prisons with the people of Ogadenia has not caused any decline in the support they give to the struggle, which shows the resilience and steadfastness of the heroic people of Ogadenia. After that long report, the other parts of the conference began.
Whenever there are deserving members, community members are presented with awards, and today about 20 members were given awards. The members who received awards include some who completed seminars and others who were recognised for their work in assisting Ogadenia refugees who entered Kenya this year. Among the members given awards were Mother Sahra Ismaaciil, Faadumo Xirsi Mahad, Fardwso Axmed Muraar and Canbo Rashiir. Likewise, students who completed seminars were presented with certificates, rewarding the members who were active in the community's work and who carried out the instructions of their leaders.

After that, the conference was addressed by guests of honour from the community's branches, particularly those from the Dadaab refugee camps, who briefed community members on the problems in the refugee camps in Kenya and the living conditions of the refugees who fled Ogadenia. He also thanked the chairman for the assistance that members of the Nairobi community extend to their brothers and sisters suffering in the refugee camps in Kenya. Also among the guests was the poet Ayaanle Axmed Aar, a member of the Ogadenia community in the United States, who had come from there. After his report, Ayaanle told the members to strive for the unity of the members, which is the only way we can defeat our enemy, and that we must strengthen cooperation and ties, Ayaanle said.
The famous Ogadenia poet Axmed Sh Maxmed (Axmed Heelaale) recited rousing poetry at the conference, making all the people attending the conference feel the suffering caused by the colonisers, expressing his thoughts through the poetry with which God has gifted him.

The conference condemned the barbaric act that took place last night in the town of Garissa. The officials of the Ogadenia community in Kenya and the community members issued a statement of condemnation from their conference, condemning the barbaric act that took place in the town of Garissa in Kenya's North Eastern Province. They described this act as one directed against the Somali nation living in the town of Garissa, aimed at destabilising the security of the town of Garissa, and intended to sow suspicion and distrust among the brotherly people living together in the town of Garissa. The statement said there had been previous killings in Garissa, all of which were carried out by the enemy of the Somalis, using godless, mercenary murderers.
The conference stated that it was deeply saddened by the massacre committed against the elders and intellectuals from the Jubba regions, and condemned the criminals who committed that barbaric act.

ONA/Nairobi
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

